Munaasibad Ballaadhan oo Caawa Qasriga Madaxtooyada Lagu Qabtay Laguna Xusayey Sannad Guurada 31aad ee 18-MAY-2022

0
388

Munaasibad Ballaadhan oo Caawa Qasriga Madaxtooyada Lagu Qabtay Laguna Xusayey Sannad Guurada 31aad ee 18-MAY-2022

Hargeysa-18-05-2022-(MT-JSL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay munaasibad ballaadhan oo lagu xusayey 31-guurada kasoo wareegtay maalinta gooni isu-taagga Somaliland ee 18-ka May, taas oo lagu qabtay xarunta qasriga madaxtooyada.

Munaasibaddan oo debbaaldeg iyo casho isugu jirtay, islamarkaana lagu  muunadaynayo  31-guurada kasoo wareegtay 18/05/1991-kii markii ay Jamhuuriyadda Somaliland xorriyaddeeda dib, ula soo noqotay xorriyaddeeda, ayaa waxa madaxweynaha kala qaybgalay shir-guddoonka goleyaasha wakiillada iyo Baarlamaanka, guddoomiyaha maxkamadda sare, xubno kamid ah golaha wasiirrada, saraakiil ka socota hay’adaha madaxa bannaan, marti-sharaf heerar kala duwan leh oo ka socotay waddamada deriska iyo dalalka kale ee Somaliland saaxiibka la ah, mudan iyo haldoor kale oo bulshada ah iyo marti-sharaf tiro badan oo reer Somaliland ah, waxana madasha laga jeediyey hadallo salka ku haya qiimaha maalintani leedahay iyo heerarkii kala duwanaa ee xorriyadda loosoo maray.

Ugu horrayn, waxa munaasibadda lagu soo bandhigay masraxiyado iyo heeso kala duwan oo lagu hogotusaalaynayo qiimaha maalintani ugu taagan tahay bulshada reer Somaliland, laguna muujinayo qiimaha waddaniyadda iyo isjecaylka bulshada dhexdeeda yaalla.

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo halkaas ka hadlay, ayaa bulshada reer Somaliland ku bogaadiyey maalinta 18-ka May iyo dabbaaldegga ay ugu jiraan muujinta qarannimadooda iyo horumarkoodaba.

Guddoomiyeyaasha goleyaasha  guurtida iyo wakiillada, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo halkaas ka hadlay, ayaa shacabka si kal iyo laab ah ugu hambalyeeyey maalinta dib ula soo noqoshada xorriyadda ee 18-ka May, waxana ay bulshada ugu baaqeen inay horumarkooda iyo wada-jirkooda ka shaqeeyaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo shacabka u jeediyey khudbad miisaan leh, ayaa ugu horrayn ku hambalyeeyey xuska maalinta qaran ee 18-ka May, isaga oo si gaar ah hambalyo ugu diray ciidamada kala duwan ee dalka oo maanta wacdaro ka dhigay xuskii dalka oo dhan looga sameeyey maalintan qaran.

Madaxweynuhu waxa uu ku dheeraaday sida nafhurka leh ee ay shacabka reer Somaliland uga go’an tahay inay maalintooda ku xusaan meel kasta oo ay dunida kaga sugan yihiin, waxana uu yidhi,“Ummadda reer Somaliland iyaga oo aan la ictiraafin oo jaaliyado ah oo laga yaabo inay qaxoonti yihiin, ayey waqtigooda, dhaqaalehooda iyo fikirkoodaba u hureen inay meel walba ku xusaan qarannimada 18-ka May, taasina waxay ina tusaysaa dal-jacaylkii iyo naf-hurkii Aabbeyaashood iyo awoowayaashood soo sameeyeen, si qarankan loo dhiso oo uu u noqdo mid madax bannaan,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Ugu dambayntii, madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu isla goobta kula casheeyey martidii madasha ku sugnayd ee uu casuumay.