Nuxurka Khudbad Uu Madaxweyne Muuse Biixi U Jeediyey Jaaliyadda Reer Somaliland Ee Dalka Imaaraadka Ku Dhaqan

0
745

Nuxurka Khudbad Uu Madaxweyne Muuse Biixi U Jeediyey Jaaliyadda Reer Somaliland Ee Dalka Imaaraadka Ku Dhaqan

 

Abu-dhabi-14-03-2019-(MT-JSL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa u jeediyey jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan dalka isu-tagga Imaaraadka Carabta oo uu booqasho shaqo ku joogo.

 

Madaxweynuhu waxa uu jaaliyadda uga warramay xaaladda guud ee dalka, caqabadaha jira iyo dedaalka ay xukuumaddu ugu jirto ka midho-dhalinta heshiisyadii qaranku la galay dalka Imaaraadka oo waqtigan meel wanaagsan maraya iyo ololaha loogu jiro sidii bulshadu u gaadhi lahayd isku-filnaansho dhinaca wax soo saarka ah.

 

Madaxweynuhu waxa uu sheegay inay meel wanaagsan marayaan dhammaan waxyaabihii ay hore ugu heshiiyeen dalalka Somaliland iyo Imaaraadka Carabtu, gaar ahaan qodobbada ku saabsan sidii xoolaha Somaliland ay saylad uga heli lahaayeen dalka Imaaraadka iyo sidii Baasaboorka qaranka Somaliland ay Imaaraadku u aqbali lahaayeen, islamarkaana loo furi lahaa suuqa dhallinyarada labada dal kasoo kala jeedda oo baahi u qabta inay si xor ah shaqo uga helaan labada waddanba.

 

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu sharraxay fursado loo oggolaaday aqoonyahanka reer Somaliland ee wax bartay, kuwaas oo loo oggolaaday inay ka shaqaysan karaan dalka Imaaraadka Carabta, islamarkaana horraantooda dhawaan la qaadi doono, waxana uu yidhi, “Waxannu ka codsannay dadka jaamacadaha gudaha  kasoo baxay ee Somaliland jooga, gaar ahaan kuwa cilmiga Baatroolka iyo hawlaha kale ee halkan ka bannaan kusoo takhasusay in tixgelin gaar ah naloo siiyo inay halkan yimaaddaan oo Document-ga ay sitaanba lagu siiyo sharci, Odaygiina wuu naga abqalabay, kuwii la joogayna wuu Faray, Jaamac (wasiirka macdanta) oo Macdanta qaabilsanina 40 (Afartan) buu sheegtay, halla soo qaado buu yidhi.”

 

Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay inay hore ka bilaabmeen mashaariicdii waaweyn ee dalka Imaaraadka lagula heshiiyey inuu Somaliland ka hirgeliyo, isaga oo tusaale usoo qaatay dhismaha dekedda Berbera iyo waddada isku xidha Wajaale iyo Berbera, “Waxa Ilaahay mahaddii ah in ballantii iyo lacagteedii fushay oo la bilaabay dekeddii Berbera, maanta dekeddii waa la bilaabay hawsheediina way socotaa 400M (Afartii boqol ee mitir-na) ee dekeddana waa la dhammayn doonaa insha Allah laba sano gudahood. Qoddobka kale ee aynnu berigaas ku heshiinnayna waxa uu ahaa waddada u dhaxaysa Berbera iyo Wajaale, waddadaasina way bilaabantay lacagteediina way soo diyaariyeen, waxana aannu ka codsannay in lagu horreeyo Biriijyada oo dhibaato badan inagu haya gu’gii oo horto Toddobada Biriij, gaar ahaan kuwa biyahoodu xawliga ku socdaan laga bilaabo,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu ku dheeraaday dedaallada kala duwan ee xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay ugu jirto isku soo jiidka iyo isku wadka bulshada, islamarkaana ay xukuumaddu waqti badan gelisay sidii shacabka looga shaafiyi lahaa xanaftii ka dhalatay doorashadii madaxtooyada ee sannadkii 2017-kii dalka ka dhacday.

 

Ugu dambayntii madaxweynuhu waxa uu bulshada xasuusiyey inay Soomaaliya weli ku hawllan tahay gardarro iyo hagardaamooyin ay la daba socoto dalka Jamhuuriyadda Somaliland, islamarkaana ay maamulka Muqdisho weli diidan yahay soo jeedimaha bulshada caalamku ku doonayso in wada-hadal furan oo madal loo dhan yahay ka dhaca lagu garnaqsado.