Shacabka Reer Laascaanood oo Isu Soo Baxyo Ballaadhan Ku Qaabilay Wefti uu Hoggaaminayo Madaxweynaha Somaliland

0
777

Shacabka Reer Laascaanood oo Isu Soo Baxyo Ballaadhan Ku Qaabilay Wefti uu Hoggaaminayo Madaxweynaha Somaliland

Laascaanood-24-11-2018-(SL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo oo maalmahan safarro shaqo ku marayey gobollo kamid ah dalka, ayaa maanta si ballaadhan loogu soo dhaweeyey magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Qaybaha kala duwan ee shacabka magaalada Laascaanood oo isugu jira, gaaraaddo, xildhibaanno, siyaasiyiin, aqoonyahan, haween, dhallinyaro iyo waxgarad oo ay hormood u yihiin madaxda gobolka iyo degmada, isla markaana calanka Jamhuuriyadda Somaliland iyo caleemo qoyan lulaya, ayaa madaxweynaha iyo weftigiisa kaga hortegay kaga hortegay dhinaca galbeed ee magaalada, waxana ay u galbiyeen gudaha magaalada Laascaanood.

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo kamid ah garaaddada ugu magaca iyo maamuuska weyn gobolka Sool oo isaguna halkaas ka hadlay oo ugu horrayn la hadlay shacabka reer Laascaanood ee madaxweynaha iyo weftigiisa soo dhaweeyey, ayaa si mug leh ugu mahadnaqay bulshada ku dhaqan magaalada Laascaanood iyo maamulka gobolka iyo ka degmada, waxana uu shacabka kula dardaarmay inay xoojiyaan ammaanka iyo nabadda.

Guddoomiyaha gobolka Sool, Mudane Cabdirashiid Xuseen Cabdille (Garaad) oo isaguna hadal kooban madasha ka jeediyey, ayaa si guud u bogaadiyey shacabka reer Laascaanood, waxana uu madaxweynaha iyo weftigiisa uga mahadnaqay socdaalka shaqo ee ay gobolka ku yimaadeen.

Wasiirka arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, ayaa isaguna dhankiisa bogaadiyey bulshada ku dhaqan gobolka Sool ee sida aan kala hadhka lahayn usoo dhaweysay madaxweynaha iyo weftigiisa, waxana uu ku dheeraaday nabadda iyo sida ay furaha ugu tahay guul kasta oo bani’aadamku gaadho.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo khubad dheer u jeediyey bulsho-weynta ku dhaqan magaalada Laascaanood, ayaa ugu horrayn shacabka reer Sool ku ammaanay soo dhaweynta gacaltooyada leh ee ay isaga iyo weftiga uu hoggaaminayo ku qaabileen, waxana uu sheegay inay taariikh ahaan weligoodba caan ku ahaayeen soo dhaweynta iyo marti-soorka.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu sheegay in socdaalka isaga iyo weftiga uu hoggaaminayaa ku joogaan gobolka Sool uu salka ku hayo adkaynta nabadda iyo wada-jirka bulshada, isla markaana hirgelinta nabaddu tahay wax waajib ah, waxana uu yidhi, “Socdaalkayaga maanta aniga iyo weftigu waa nabad iyo midnimo, waxana aynnu maanta u baahannahay nabad, haddii aynnu hareeraheenna iyo dalalka jaarka waxa ka dhacaya eegnona, waxa loo baahan yahay in qolo walba iyo dalal kasta oo jaar ahiba halkooda nabad ku qaataan.”

Madaxweynuhu isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu si mug leh u hogo-tusaaleeyey  dhibaatada ay leedahay colaadda iyo kala fogaanta bulshadu, isaga oo hoosta ka xarriiqay inay muhiim tahay sidii loogu talin lahaa dadka maanta nool ee aan loogu mashquulin sidii kuwa dhintay loogu Aari lahaa, “Reer Sool farriinta aan u sidaa waxa weeye, walaallayaal waxa aynnu u baahannahay inaynnu colaadaha iyo qoriga dhigno, ku horumarimaynno qori, kala aarsan maynno, Aargoosi wiil uun baa ku dhintee wiil kuma dhasho, dadka walaalaha ahina iyagu may go’aansan inay dagaallamaan, waase amar Ilaahay iyo masiibo ku timi, iyagana waannu u ducaynaynaa dhallinyaradoonnana waxannu leenahay walaalayaal caqligu ha shaqeeyo oo nin dhintay  soo noolayn maynee ka nool aynnu u talinno,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Dhinaca kale, madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biix Cabdi, waxa uu  caddeeyey inay Somaliland diyaar u tahay, lana shaqaynayso cid kasta oo ka qayb-qaadanaysa sidii nabad waarta loogu soo dabbaali lahaa Koonfurta gobolka Sool, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Qof kasta oo Islaam ah iyo nin kasta oo soomaali ah oo nabad ka dhallinaya Sool, gacamahaannu la qabanaynaa waanu taakulaynaynaa, waxyaabaha qaarkoodna siyaasad iyo tuur-tuur ma galaan, dad dhimanaaya iyo marka ay nafta tahay waxaynnu ka hor marinaynaa nafta.”