Shirka Beel-weynta Warsangali Oo Laga Soo Saarey Qodobo Ay Isla Af-garteen Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland Iyo Bulshadda Beeshaasi.

0
445

Shirka Beel-weynta Warsangali Oo Laga Soo Saarey Qodobo Ay Isla Af-garteen Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland Iyo Bulshadda Beeshaasi.

Ceerigaabo-15-06-2022-(MT-JSL)-Shirkii Beelaha Warsangali ugu socday magaaladda Ceerigaabo Ee Gobolka Sanaag ayaa laga soo saaray qodobo muhiim ah oo ay isla afgarteen xukuumadda Somaliland iyo BEEL weynta Warsangali, kaas oo lagu sii horumarinayo Qaranka Somaliland iyo shacabkiisa.

Sultan Maxamed Sultan Xasan Jibriil oo akhriyay Qodobada ka soo baxay Shirkaasi Mideeye ayaa  ayaa sheegay inuu heshiiskani salka ku hayo is-afgarad dhexmaray Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Beelaha Warsangali.

Waxaanu U Dhignaa Heshiiskaasi Sidan:-

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Salaadiin, Cuqaasha iyo Waxgarad Beesha Warsangeli ee Shirka Mideeye laguna qabtay Xarunta Gobolka Sanaag ee Degmada Ceerigaabo 01/06/2022  ilaa 15/06/2022 shirkaas oo ay ka soo qayb-galeen dhammaan Salaadiinta, Cuqaasha, waxgaradka iyo aqoonyahanka Beelaha Warsangeli  laguna gorfeeyay Arrimaha Siyaasiyeed, Nabadgelyo iyo Horumarineed ee Beelaha Warsangeli ee Xukumadda Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Shirka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta awoodda hay’adaha Dawladda, Amniga, Caddaalada, Horumarinta Kaabayaasha Dhaqaale iyo awood qaybsiga Beelaha Warsangeli iyo Xukumadda Somaliland.

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Beelaha Warsangeli waxay ku heshiiyeen Qodobadan Hoose ku qoran :

  1. Beesha Warsangali waxay si buuxda uga mid tahay, kana mid ahayd beelaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxayna la  wadaagtaa Dhib iyo dheefba sida Nabadgelyadda, Horumarinta arrimaha Bulshada,  Kaabayaasha Dhaqaale  iyo Difaaca Qaranka.

 

  1. Xukuumadda Somaliland waxay ballan-qaaday Dhismaha Kabayaasha dhaqaalaha iyo horumarinta Arrimaha Bulshadda sida Dekadda Laasqoray iyo Waddada Ceerigaabo-Badhan, Biyaha, Caafimaad, Waxbarashadda I.W.M

 

  1. Xukuumadda Somaliland waxay dib-u-eegis iyo tixgalin siinaysaa tabashada Beesha Warsangeli ee  Waaxda Fulinta.

 

  1. Dawladda Somaliland waxay aqbashay in Degmadda Dhahar loo magacaabo Gobol iyada oo loo raacaayo Nidaamka Goboladda iyo Degmooyinka, Wixii khuseeyaa degmooyinka waxaa u xilsaaran wasaaradda Arrimaha Gudaha sida Degmooyinka Cusub, dalacsiinta degmooyinka hore  W.M

 

  1. Xukuumadda Somaliland iyo Beesha Warsangali oo ay hogaaminayaan salaadiinta, Cuqaasha, aqoonyahanka iyo waxgaradka beelaha warsangeli waxay si wadajir ah uga shaqaynayaan fidinta Maamul  ee Dawladda Somaliland ee Deegaamada   Beelaha Warsangeli.

 

  1. Xukuumadda Somaliland waxay garowsatay in Beesha warsangeli ka qaybgasho Bahda garsoorka ee Somaliland.

 

  1. Xukuumadda Somaliland waxay tixgalinaysaa in Beelaha Warsangeli laga siiyo Saami shaqaale Dawladda Somaliland.

 

 

  1. Fulinta heshiiskan wuxuu dhaqangalayaa maalinta la saxeexay, waxaanu dhamaystirmayaa 5 bilood gudohood.

Wa-bilaahi Tawfiiq