Shirkii Golaha Wasiirrada Jamhuuriadda Somaliland Oo Maanta Ay ka soo baxeen Qodobo Muhiim A Dalka.

0
367

WAR-SAXAAFADEED: 24/08/2022

 

Shirkii Golaha Wasiirrada Jamhuuriadda Somaliland Oo Maanta Ay ka soo baxeen Qodobo Muhiim A Dalka.

 

Fadhigii 98aad ee Golaha Wasiirada Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) waxa lagu lafo-guray arrimo ay ka mid yihiin amniga dalka iyo doorashooyinka.

 

Ugu horayn goluhu wuxuu xusay in Guddida Diiwaangelinta Ururada Siyaasaddu iyagoo raacaya xeerarka dalka u dejisan ay dhamaystireen marxaladdii koowaad ee diiwaangelinta ururada siyaasadda, taas oo ay ka soo gudbeen 15 urur siyaasadeed oo la siiyey ogolaanshaha ku meelgaadhka ah oo ay ku hawl-galaan. Sida uu sharcigu dhigayo saddexda xisbi qaran ee hadda jiraa ma galayaan marxaladda koowaad ee ay ka soo gudbeen 15 Ururr Siyaasadeed, waxase ay xisbiyadu ka qaybgelidoonaan tartanka doorashada xisbiyada/ururrada siyaasadda ee ay ku soo baxayaan saddexda xisbi qaran ee la siinayo shahaadada xisbinimo taas oo ay kaga qaybgelayaan tartanka Doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Goluhu isagoo ka duulaya arrimahaa kor ku xusan waxa uu soo saaray qodobadan:-

 

 

  1. Waxa loo raacayaa arrimaha Doorashada xisbiyada/ururada, Xeerarka dalka ay ka mid yihiin Dastuurka, Xeerka Guud ee Doorashooyinka Xeer Lr-91/2020, Xeerka Diiwaangelinta Ururada Siyaasadda iyo Ansixinta Asxaabta Qaranka Lr-14/2011 iyo qaraarkii Maxkamada Dastuurkiga ahi soo saartay.

 

  1. Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland iyadoo fulinaysa Lr-14/2011 qodobkiisa 6aad oo dhigaya in 10-kii sannaba hal mar loo tartamo Saddexda Xisbi Qaran ee dalku yeelanayo, waxay dhamaystirtay tallaabooyinkii sharci ee xukuumadda kaga aadanaa hawlahaa.

 

  1. Xukuumadda waxa ka go’an in lagu dhamaystiro hawlaha diiwaangelinta, kala saarista iyo doorashada xisbiyada/ururada siyaasadda wakhtiga sharcigu u cayimay, iyadoo hawlahaasina uu sharcigu u xilsaaray Guddida Diiwaangelinta Ururada Siyaasadda iyo Ansixinta Asxaabta Qaranka iyo Guddida Doorashooyinka Qaranka.

 

  1. Cid kasta oo cabasho ka qabta hirgelinta xeerarka doorashooyinka waxay dacwad u gudbin karaan hay’addaha garsoorka ee u xilsaaran. Haseyeeshee Cidina xaq uma laha in ay si cunfi ah oo ka baxsan sharciga ku raadiso sida ay rabto.

 

  1. Ilaalinta Amniga Qaranka, Fulinta Xeerarka iyo ka hortagga rabshaduhu waxay ka mid yihiin waajibaadka Xukuumaddu u xil-saaran-tahay.

 

  1. Golaha wasiiradu waxa uu ku bogaadinayaa ciidamada amniga ilaalinta nabadgelyada dalka ee ay heeganka u yihiin goobkasta iyo goorkasta, waxaana uu goluhu si adag uga digayaa cid kasta oo waxyeelo u geysata ama kala hortimaada ciidamada ilaalinta nabadgelyada falal lid ku ah xil gudashadooda.

 

ALLAA MAHAD LEH

Naasir Yuusuf Daahir

Agaasimaha Saxaafadda iyo Warbaahinta Madaxtooyada JSL.