TACSI MADAXWEYNE: INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

0
601
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, haween-weynaha Somaliland, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxday Alle ha u naxariistee Marxuumad Aamina Maxmauud Diiriye oo ku geeriyootay xalay oo ay taariikhdu ahayd 02/12/2020, Caasimada Somaliland ee Hargeysa.
Waxa uu madaxweynuhu si gaara uga tacsiyadaynayaa geerida marxuumada dhammaan haween-weynaha Somaliland. kana mid ahayd haweenka qarankan uga faa’iideeyey wakhtigooda iyo aqoontooda, iyadoo muddo dheer ku soo dhex jirtay siyaasada iyo arrimaha bulshada, xilal kala duwana ka soo qabatay xukuumadihii kala danbeeyey.
Waxaanu madaxweynuhu marxuumada ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, haween-weynaha Somaliland, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxdayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
ALLAA MAHAD LEH
Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.