Weftigii Ka Socday Dalka Eriteriya Ee Maalmahan Ku Sugna Somaliland Oo La Sagootiyey Maanta + SAWIRO

0
693

Weftigii Ka Socday Dalka Eriteriya Ee Maalmahan Ku Sugna Somaliland Oo La Sagootiyey Maanta

 

Hargeysa-20-03-2019-(MT-JSL)-Weftigii ka socday dalka Eriteriya ee uu hoggaaminayey wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda dalka Eriteriya, Mudane  Cismaan Saalax Maxamed, ayaa maanta si rasmi ah uga amba baxay dalka Somaliland, waxana madaarka caalamiga ah ee Cigaal International Airport ku sii sagootiyey wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faro-toon).

 

Weftigan oo muddo saddex maalmood ah booqasho rasmi ah ku joogay dalka Jamhuuriyadda Somaliland, islamarkaana kulamo kala duwan la qaatay hay’adaha kala duwan ee qaranka, sidoo kalena booqasho indho-indhayn ah ku soo maray qaar kamid ah xarumaha hay’adaha dawladda Jamhuuriyadda Somaliland iyo suuqyada kala duwan ee caasimadda Hargeysa, ayaa indhahooda kusoo arkay nabadda iyo Dimuqraaddiyadda ka hana qaaday Somaliland.

 

Sagootinta weftigan waxa sidoo kale qayb ka ahaa wasiirrada wasaaradaha Arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed iyo horumarinta maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire iyo xubno kale oo xukuumadda katirsan.

 

Wa-bilaahi Tawfiiq