This is the official website of the Office of the President of the Republic of Somaliland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-658/052021 ku magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Sanaag ee Jamhuuriyadda Somaliland

WAREEGTO MADAXWEYNE: 09 /05/2021 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-658/052021 ku magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Sanaag ee Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-  Wareegto Madaxweyne Magacaabid  MarkaanArkay:          Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobkiisa 90aad;  Markaan Arkay:         Muhiimadda Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolku u leeyahay  Amniga iyo Dhismaha…

WAREEGTO MADAXWEYNE: 09 /05/2021

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-658/052021 ku magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Sanaag ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

 Wareegto Madaxweyne

Magacaabid

 MarkaanArkay:          Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobkiisa 90aad;

 Markaan Arkay:         Muhiimadda Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolku u leeyahay  Amniga iyo Dhismaha Dawladnimadda;

 Markaan Arkay:         Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waaya-aragnimadiisa;

Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

 Markaan Sameeyey: La-tashi;

 Waxaan Go’aamiyey;

 In Maxamed Khaliif Nuur Cali laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Sanaag ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

ALLAA MAHAD LEH

 Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland