Khudbad Sannadeedka Dastuuriga ahEe Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse Biix Cabdi 18 February 2020

0
937

Khudbad Sannadeedka Dastuuriga ah
Ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland
Mudane, Muuse Biix Cabdi
18 February 2020

 Shir-guddoonka Golaha Baarlamaanka JSL,

 Mudanayaasha Golaha Barlamaanka ee Sharafta Leh,
 Guddoomiyaha Maxkamadda Sare;
 Xubnaha Golaha Wasiiradda;
 Taliyayaasha Ciidamada Qalabka-sida
 Dadweynaha JSL meel kasta oo ay joogaan;
Dhammaantiin, Asalaamku Calaykum Warax-matulaahi, Wabarakaatuh.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Waxa sharaf iyo xurmo ii ah inaan maanta hor imaado Golaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Somaliland, oo aan ka jeediyo Khudbad Sannadeedka Dastuuriga ah ee sannadka 2020.

Sannad waliba waayo leh, Sannadkii 2019-ku waxa uu ugu suntan yahay Jamhuuriyadda Somaliland, sannad nabadeed, midnimo iyo sannad la gaadhay guulo diblomaasiyadeed oo Qaran.

Mandaqadda aynu ku nool nahay iyo guud ahaan adduunkaba, waxa ka socda isbedel dhaqan-dhaqaale iyo is-xulafaysi siyaasadeed, oo dhalan-rogi kara wajiga maanta adduunku u yaallo. Somaliland, kama gaabin in ay noqoto foolaadka isbedelka ka dhacaya adduunka iyo in ay yeelato saaxiibo siyaasadeed oo cusub.

Khudbadda Dastuuriga ah ee sannadkan waxa ay ka kooban tahay:
1. Dhaqaalaha
2. Adeegyada Bulshada
3. Nabad-gelyada
4. iyo Arrimaha Dibedda
1. Dhaqaalaha
Dhaqaaluhu waa saldhiga horumarka iyo isbedelka nololeed iyo bulsho ee dal kasta. Sidaa darteed, Xukuumadda JSL waxa ay xooga saartay kobcinta iyo kor u qaadista dhaqaalaha dalka:
 Hal-beega Cabirka Dhaqaalaha (GDP) ee JSL waxa uu kordhay 2% labadii sanno ee ugu dambeeyey. Halka koboca dhaqaalaha Qaaradda Afrika ay Qaramada Midoobay ku qiyaastay sannadkii 2019-ka 3.4%. Taas oo muujinaysa in Somaliland koboceeda dhaqaale uu kordhayo, iyada oo ay jiraan caqabado dhaqaale oo u gaar ah Jamhuuriyadda Somaliland.

 Waxa lagu guulaystay in Sicir Bararku ka soo dago 19%, lana gaadhsiiyo 4% sannadkii 2019-ka.

 Waxa sidoo kale lagu guulaystay in qiimaha Shillinka Somaliland kor loo qaado qiimihiisa 21% sannadkii 2019-ka.

 Dakhliga dalku waxa uu ka kor-maray odoroskii miisaaniyadda sannadka 2019-ka 4.5%. Taas oo muujinaysa dadaalka iyo awooda hay’adaha dakhli ururinta Qaranka.

 Waxa Miisaaniyadda Qaranka ee sannadkii 2019-ka laga maal-geliyey mashaariic qiimahoodu gaadhayo 152,040,135,320 SL. Shilling, oo dhammaanteed Qaranku bixiyey.

 Waxa Miisaaniyadda Qaranka ee Sannadkan 2020-ka laga maal-gelin doonaa mashaariic qiimahoodu gaadhayo 158, 827,455, 889 SL. Shillings.

 Waxa la hirgaliyey Nidaamka Maamulka Xisaabaadka Dawladda ee loo yaqaan (PFM), oo wax weyn ka tari doona hagaajinta nidaamka maaliyada dalka, cashuur qaadista, kordhinta dakhliga, beekhaaminta kharashaadka Dawladda, awoodda adeeg-bixinta, hirgelinta mashaariicda horumarineed iyo koboca dhaqaalaha dalka.
Dadaal kasta oo la sameeyey, haddana waxa jira caqabado dhaqaale oo waaweyn oo u baahan in si Qaran looga wada tashado. Waxaynu nahay dal aanu isku dheeli-tirnayn dhoofintiisa iyo soo-dejintiisu.
Tusaale ahaan, sannadkii 2019-ka waxa dibedda innooga timi badeecad qiimaheedu dhan yahay $572,713,970 oo ku qiimaysan (Customs Import – Export Value), waxaynu dhoofinay badeecad qiimaheedu dhan yahay $211,732,852, faraqooduna waa ($360,981,118), taas oo innagu ah dhiig-bax dhaqaale.
Haddaba, si aan uga baxno dheeligaa ganacsi (Trade Imbalance) waxa aannu dheerigalinaynaa wax-soo-saarka iyo warshadaynta dalka. Waxaana loo sameeyey cashuur dhaaf gaadhaya qiime ahaan 15 Million oo dollar warshadaha yar-yar ee Dalka laga yagleelayo iyo alaabooyinka qaydhin ee ay isticmaalaan warshaduhu.

2. Wax-soo-saarka Beeraha, Xoolaha iyo Kalluumaysiga
Xukuumaddu waxa ay xoogga saartay dhiiri-gelinta kobaca wax-soo-saarka beeraha, daryeelka Xoolaha iyo Kalluumaysiga. Sidaa darteed:
 Waxa 42,000 oo saacadood iyo shinni bilaash ah la gaadhsiiyey beeralayda Gobollada Dalka oo gaadhaya 14,000 qoys.

 Waxa 7 Cagaf la guddoonsiiyey Iskaashatooyinka beeraha magaalooyinka Beerato iyo Beer ee Gobollada Daad-madheedh iyo Togdheer.

 Waxa 4,750 Mitir oo tuunbooyin ah iyo 85 Mishiinnada Biyaha ah la guddoonsiiyey 170 Qoys oo kala jooga Gobollada Dalka.

 Waxa cuduro kala duwan laga tallaalay 3 million oo neef oo xoolo ah, waxaana ka qayb galay 38 kooxood oo ah hawl-wadeenada caafimaadka Xoolaha ah.

 Waxa la daweeyey 1,500,000 oo neef oo iskugu jira Adhi, Geel, Lo’ iyo Fardo.

 Waxa calafka Xoolaha lagu naaxiyo loo qaybiyey 19,550 qoys oo ah xoola dhaqato kala jooga Gobollada Dalka.

 Waxa Xukuumaddu soo iibisay Afar doonyood oo loogu tala-galay Tababarka Kalluumaysatada Dalka.

3. Kaabayaasha Dhaqaalaha
Kaabayaasha dhaqaaluhu; sida waddooyinka, dekadaha iyo garoomada diyaaraduhu waxay qayb weyn ka qaataan horumarka Dalka. Sidaa darteed:
 Waxa si xawli ah u socota ballaadhinta iyo casriyeynta Dekedda Berbera, waxaana dhammaaday 43% Wajigii Koowaad ee dhismaha ballaadhinta Dekedda Berbera oo ka kooban 400 oo Mitir.

 Waxa la dhisay 7% ka mid ah Marinka Dhaqaale ee Berbera Corridor ee isku xidha Somaliland iyo Itoobiya.

 Waxa dhawaan la bilaabi doonaa dhismaha 22.5 KM oo waddo ah oo qayb ka ah Marinka Dhaqaalaha ee Berbera Corridor, oo ka leexan doona Magaalada Hargeysa, si culayska iyo samxadda gaadiidka xamuulka ah looga yareeyo Caasimadda Dalka.

 Waxa Dawladaha Somaliland iyo Imaaraadka Carabtu ku heshiiyeen in Madaarka Berbera laga dhigo Madaar Caalami ah oo ay adeegsadaan Shicibka iyo Badeecadaha iskaga gooshaya Gobolka, Qaaradda Afrika iyo Caalamkaba.

 Waddada Burco – Ceerigaabo waxa la dhisay 107 Km intii Xukuumaddani xilka haysay, waxaana hore u dhisnaa 94 Km, oo isku noqonaya 201 KM.

 Waxa la dhisay 49 Km oo ka mid ah waddada isku xidha Hargeysa-Kalabaydh.

 Waxa dhammaad ku dhaw Dhismaha Biriishka isku xidha Magaalada Boorama iyo Jaamacadda Camuud.

 Waxa dayactir ballaadhan lagu sameeyey jidka isku xidha Laascaanood iyo Tuula-Samakaab iyo Adhi-caddeeye.

 Waxa dayactir ballaadhan lagu sameeyey Biriishka labaad ee magaalada Burco oo roobabku khasaare gaadhsiiyeen.

 Waxa la wadaa mashruuc casri ah oo lagu xakamaynayo xawaaraha gaadiidka. Shilalka gaadiidka oo soo badanaya darteed, sannadkii 2019-ka waxa innagaga dhintay 274 qof.
4. Adeega Bulshada
a. Horumarinta Caafimaadka
Iyada oo laga duulayo muhiimadda uu daryeelka iyo kor u qaadidda adeegyada Caafimaadku u leeyihiin bulshada, Xukuumaddu waxa ay xooga saartay sidii ay dadweynuhu u heli lahaayeen adeegyo Caafimaad oo tayo leh, dhaqaale ahaana la awoodi karo. Sidaa darteed:
 Waxa mudnaan gaar ah la siiyey adeegyada caafimaad ee qaybaha bulshada ee nugul, sida xarumaha daryeelka hooyada uurka leh iyo dhallaanka.

 Waxa si rasmi ah xarumaha caafimaadka dawliga ah looga shaqaalaysiiyey 512 xirfadlayaal caafimaad ah oo kala jooga Gobollada Dalka.

 Waxa tababaro aqoon korodhsi ah la siiyey 3,100 Xirfadlayaal Caafimaad ah, si kor loogu qaado tayada adeegyada caafimaad ee ay bulshada JSL helaan.

 Waxa cudurada faafa laga tallaalay caruur tiradoodu gaadhayso 733,654 caruur ah oo da’doodu ka hoosayso shan jir, tiradaas oo 10% ka badan caruurta la tallaalay sannadkii 2018-ka.

 Waxa cisbitaallada, xannaanooyinka iyo rugaha caafimaadka lagu daweeyey 526,273 qof oo iskugu jira Bukaan-socod iyo Bukaan-jiif.

 Waxa markii ugu horaysay 10 caruur ah loogu sameeyo qaliin dhinaca wadnaha ah magaalada Hargeysa. Adeegaas oo dhammaantii Xukuumaddu kafaalo qaaday kharashkiisa.

 Waxa la hirgaliyey 22 xarumo caafimaad oo cusub oo bixin doona adeegyo caafimaad.

b. Waxbarashada

Mudanayaal iyo Marwooyin;

Waxbarashadu waa furaha horumarka waara iyo iftiinka nolosha badhaadaha leh. Horumarka uu aadamuhu gaadho waxa inta badan suurto-geliyey tayada waxbarashada ee Dal kastaa leeyahay.

Xukuumaddu iyada oo maanka ku haysa ahmiyadda ay waxbarashadu u leedahay horumarka Qaranka iyo nolosha jiilka da’da yar ee dalkan:

 Waxa la hirgaliyey Kulliyadda Tababarka Macallimiinta Qaranka, waxaana lagu bilaabay 400 oo macallin oo ka kala yimid dugsiyada hoose/dhexe ee dalka, si loo tayeeyo waxbarashada aasaasiga ah.

 Waxa deeq-waxbarasho dibadeed loo diray arday gaadhaysa 450 arday oo ka kala yimi dhammaan Gobollada Dalka, iyaga oo lagu xulay sida ay u kala sareeyaan dhibcaha imtixaamaadka shahaadiga ah.

 Waxa bishii February 2019-ka si rasmi ah u bilaabmay in arday kasta oo dhigta Dugsiyada Hoose/Dhexe ee dawliga ahi helo buugaagta manhajka waxbarashada Dalka. Waxa sannadkan la gaadhsiiyey 100,200 oo buug arday gaadhaysa 153,077 arday oo kala jooga dhammaan gobollada iyo degmooyinka Dalka.

 Waxa la shaqaalaysiiyey 400 oo macallin oo cusub, si loo kordhiyo fiditaanka adeegga waxbarashada Dalka.

 Waxa la dhisay 201 fasal oo cusub oo lagu kordhiyey 102 dugsi oo ku kala yaala Gobollada Awdal, Togdheer, Sanaag, Sool iyo Saaxil.

c. Horumarinta Biyaha
Mudanayaal iyo Marwooyin;
Waxa aynu dhammaanteen ku qanac-sanahay in biyuhu yihiin nolosha koowaad ee Aadamaha. Sidaa darteed, Xukuumaddu waxa ay dadaal dheeri ah galisay biyo soo-saarka iyo biyo ballaadhinta magaalooyinka iyo miyiga Dalka.
 Waxa la qoday 32 Ceel oo ah kuwa dhaadheer.

 Waxa la dayactiray 66 Ceel oo ah Ceelal dhaadheer.

 Waxa sahamintooda la dhammaystiray 33 Ceel oo ah ceelasha dhaadheer.

 Waxa la qoday 8 Dhaam oo cusub, waxaana la dayactiray 12 Dhaam.

 Waxa la qoday 153 Barkadood oo cusub, waxaana la dayactiray 203 Barkadood oo hore u jiray.

 Waxa biyo ballaadhin laga hirgaliyey magaalooyinka Hargeysa, Burco, Berbera, Ceerigaabo iyo Borama.

 Waxa meel fiican oo lagu diirsado maraya biyo ballaadhinta magaalada Caasimadda ah ee Hargeysa, waxaanu u qaybsamaa mashruucaasi laba qaybood oo kala ah, Biyo soo-saarka iyo soo gaadhsiinta Biyaha ee magaalada Hargeysa, waxaana dhammaaday mashruucaa 80%, qaybta labaad ee mashruucu waa biyo qaybinta magaalada gudaheeda, waxaana dhammaaday 30%.

5. Shaqo Abuurka Dhallinyarada
Xukuumadda JSL iyada oo ogsoon muhiimadda dhalliyarada iyo ka faa’iidaysiga xoogga dihin ee dhallinyaradu u leeyahay horumarka iyo nabadgelyada Qaranka iyo guud ahaan Gobolka Geeska Afrika:

 Waxa la daah-furay Barnaamij ballaadhan oo shaqo abuur loogu samaynayo dhallinyarada JSL oo loogu wan-qalay ‘Barnaamijka Shaqo Qaran’. Barnaamijka Shaqo Qaran waxa ka qalin-jabiyey, oo ka faa’iidaystay dhallinyaro tiradoodu gaadhayso 1,349 dhalliyaro ah oo iskugu jirta hablo iyo wiilal. Dhammaan dhallinyaradaasi waxa ay soo qaateen 3 bilood oo tababar iyo carbis nololeed ah, waxaanay hadda ka hawl-galaan Hay’adaha Dawladda ee kala duwan, qaarkoodna waxa ay ku biireen Ciidanka Qaranka JSL.

 Barnaamijka Shaqo Qaran waxa uu sannadkan qaadan doonaa 1,000 Dhallinyaro ah oo cusub.

 Xukuumaddu waxa ay ku dhawaaqday hirgalinta Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada JSL. Waxa uu noqon doonaa Sanduuq Dhallinyaro oo madax-bannaan oo si rasmi ah uga hawl-gala dalka, si loogu sahlo dhallinyarada leh hal-abuurka iyo curinta ganacsi ee u baahan taageero dhaqaale oo aan lahayn dul-saar. Waxa aannu ka codsanaynaa ganacsatada JSL in ay ka qayb-galaan dhaqaalaha Sanduuqa Dhallinyarada, isla markaana Xukuumad ahaan waxaanu ku shubi doonaa dhaqaale joogto ah sannad kasta, haddana waxaanu ku shubnay $200,000 Doollar ee ugu horreeyey.
Dadaal kasta oo la sameeyey, haddana waxa muuqata in shaqo la’aanta dhallinyaradu ay aad u sarayso, taas oo khatar wayn ku ah amniga Dalka. Daraasad Xukuumaddu samaysay waxa ay muujinaysaa in xirfadaha suuqa shaqada dalku u baahan yahay iyo xirfadaha waxbarasho ee ay bixiyaan Jaamacadaha dalku aanay isku dheeli-tirnayn, baahi weyna loo qabo Farsamada Gacanta. Sidaa darteed, Xukuumaddu waxa ay xoog hayso waxa ay iskugu gayn doontaa sidii dalka looga hirgalin lahaa dugsiyada farsamada gacanta oo leh tayo aad u saraysa oo waafaqsan halbeegga Caalamiga ah. Waxaana la odorosayaa in 20% shaqo la’aanta dhallinyarada ay hoos u dhigi doonto daah-furkaa cusub.

6. Amniga iyo Difaaca Qaranka

Mudanayaal iyo Marwooyin;
Xukuumaddu waxa ay ahmiyad weyn siisay adkaynta amniga iyo difaaca xuduudaha Jamhuuriyadda Somaliland.
 Waxa kor loo qaaday niyadda iyo mooralka Ciidamada kala duwan ee Qalabka-sida.

 Waxa la kordhiyey tirada iyo tayada guud ahaan Ciidamada Qalabka-sida.

 Waxa la soo afjaray dhammaan colaadihii iyo shaqaaqooyinkii ka taagnaa Gobolka Sanaag.

 Waxa 68% hoos loo dhigay dambiyada ay dhallinyaradu ka gaystaan magaalooyinka, iyada oo la fulinayo Qorshaha Farsamo ee dhinaca adkaynta ammaanka ee heer Gobol iyo heer Degmo.

 Waxa iskaashi amni lala sameeyey dalalka dariska ah, waxaana hoos loo dhigay dambiyada iskaga gudba xadadka.

 Waxa la dhammaystiray, lana ansixiyey Xeerka Hawl-gabka iyo Xaq-siinta Ciidamada Qaranka. Xeerkaas oo sida magaciisa ka muuqata dhammaystiraya xuquuqda iyo xaqa Ciidamada Qalabka-sida.

 Waxa la dhammaystiray Cisbitaalka Ciidanka Qaranka oo siin doona adeeg caafimaad oo hufan dhammaan Ciidamada Qaranka.

 Iyada oo laga jawaabayo baahida Ciidamada Qaranka iyo Shaqaalaha Dawladdu u qabaan in ay helaan dhul ay dagaan, waxa Xukuumaddu go’aan ku soo saartay in dhulka Danta Guud ah qayb laxaad leh looga diyaariyo Ciidamada Qalabka-sida iyo Shaqaalaha Dawladda JSL.
Guulahaa laga gaadhay sugidda amniga Qaranka, waxa suurtagaliyey Ciidammada Qalabka-sida ee mar walba heeganka u ah hirgalinta iyo ilaalinta Qaranimada JSL. Waxaan halkan hambalyo iyo bogaadin uga dirayaa dhammaan Ciidamada Qaranka JSL iyo qoysaskooda iyo caruurtooda, waxaanan leeyahay, waxaad tihiin Halyeeyo Qaranka u suntan.

7. Abaaraha iyo Isbeddelka Cimillada
Isbeddelka Cimilladu waa xaqiiqo raad muuqda ku leh adduunka iyo gaar ahaan dalkeena Somaliland. Waxaynu aragnay abaaro soo noq-noqday iyo roobab xilligoodii Eebbe looga bartay ka soo hor-maray. Arrintaasi waxay saameyn ku yeelatay hab nololeedkii dadka, duunyada iyo deegaanka. Haddaba Xukuumaddu:

 Waxay dhistay Xarunta Kaydka Raashinka Qaranka, oo xarumo ku yeelan doona dhammaan Gobollada Dalka.

 Waxa 600 oo qoys oo kala jooga Gobollada Awdal, Salal, Gabiley iyo Saaxil oo ay xoolo tirtay Duufaantii Saqar loo sameeyey dib u xoolayn, waxaana qoys kasta la siiyey 15 neef si ay dib ugu laabtaan noloshoodii caadiga ahayd.

 Waxa agab iyo raashin la gaadhsiiyey 28,200 oo qoys oo ku barakacay abaaraha sannadihii hore.

 Waxa shaqo loo abuuray ama lacag caddaan ah la siiyey 11,000 oo qoys oo kala jooga Gobollada Dalka.

 Waxa Xukuumaddu dalka dib ugu soo celisay dhallinyaro tiradoodu gaadhayso 460 dhallinyaro ah oo hore dalka uga tahriibay, waxaana loo sameeyey barnaamij dib u dajin ah.

8. Dooarshooyinka

Mudanayaal iyo Marwooyin,
Sida uu dhigayo Dastuurka JSL, shantii sanno ee kasta waa in Shacabka JSL u dareero doorasho uu ku soo doorto Golayaasha iyo Hoggaanka Dalka. Muddadii labada sanno ahayd ee Xukuumaddu xilka haysay, waxa ay dadaal ugu jirtay sidii doorashooyinkii Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Deegaanku u qabsoomi lahaayeen. Waxaanu diyaarinay kharashkii lagu gali lahaa doorashooyinka isku-sidkan, wixii kaga aadanaa Xukuumadda.
Xisbiyada Mucaaradka ah laba sanno waxa ay diidanaayeen in uu doorasho qabto Komishankii jiray. Markii wakhtigiisii dhammaaday, waxa la soo magacaabay Komishan cusub oo soo maray jaran-jarooyinkii sharci ee loo baahnaa. Hase yeeshee, labada Xisbi Mucaarid ayaa haddana diiday in ay doorasho qabtaan Xubnihii Komishanka doorashooyinka Qaranka ee ay ansixiyeen Golaha Fulinta iyo Golaha Wakiillada, Maxkammadda Sarena dhaarisay.
Mar haddii laba sanno oo hore ay inagaga lumeen muranka Xisbiyada Mucaaradka ah ee aan sharciga ku fadhiyin, jidka kaliya ee innoo furan maanta, waa in aan soo hor-marino furitaanka Ururada Siyaasadda iyo Axsaabta Qaranka.
Waxa aan idiin soo gudbin doonaa dhawaan Kaabista iyo Wax-ka-bedelka Xeerarka arrintaasi khuseeya, waxaanan rajaynayaa in aad waajibaadkiina dastuuriga ah ka gudan doontaaan.

9. Siyaasadda Arrimaha Dibedda
Mudanayaal iyo Marwooyin;
Siyaasadda Arrimaha Dibedda Jamhuuridda Somaliland waxa sal-dhig iyo gun u ah nabadgelyo, daris-wanaag, is-xaq-dhawr laba dhinac ah iyo iskaashi dhaqan-dhaqaale oo dhex-mara dalalka Gobolka Geeska Afrika iyo Caalamkaba.
a. Ictiraaf-raadinta Jamhuuriyadda Somaliland
Siyaadda Arrimaha Dibedda Somaliland ee ku waajahan ictiraaf raadintu waxa ay u qaybsantaa laba waaxood oo waaweyn oo kala ah: In Qaddiyada Somaliland garowshiiyo ka hesho Adduunka, iyada oo mudnaanta la siinayo Qaaradda Afrika iyo In Wada-hadal ku dhisan garnaqsi iyo kala-gurasho lala galo Soomaaliya oo ah dalkii labaad ee Jamhuuriyaddii Somaliland la midowday 1960-kii.
Sidaa darteed, Xukuumadda oo garowsan in qadiyada Somaliland ay tahay arrin go’aankiisu u yaallo Qaaradda Afrika, waxa ay dadaalo xoog badan galisay in Somaliland ku yeelato saaxiibo cusub Qaaradda Afrika iyo in socdaalo diblomaasiyadeed lagu gaalaa bixiyo dalalka Qaaradda Afrika. Sidoo kale, Qadiyadda Somaliland waxa ay noqotay Qodob ka mid ah qodobbada Midowga Afrika uu mudnaanta koowaad siinayo, kadib dadaaladii Xukuumaddu ka samaysay shirkii Midowga Afrika ee ugu dambeeyey.

Somaliland iyo Soomaaliya

Walaalayaal,

Waxaynu wada ogayn in wada-hadalkii Somaliland iyo Soomaaliya muddo hakad ku jireen. Hase yeeshee, 11-kii Bisha February 2020, ayaa aniga iyo Madaxweynaha Soomaaliya, si kedis ah ugu kulannay magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya.

09-kii February 2020, waxaan safar shaqo ugu baxay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, si aan u xoojiyo wefti uu hoggaaminayey Wasiirka Arrimaha Dibedda, oo ka ololaynayey wufuudii Shirka 33-aad ee Midowga Afrika iskugu timi. 11-kii Bisha February 2020, waxa igu marti-qaaday Xafiiskiisa Ra’iisal Wasaaraha Dalka Itoobiya, Dr. Abiye Ahmed. Salaan, soo dhawayn iyo kulan kooban kadib, waxa uu ii sheegay in Madaxweynihii Soomaaliya uu isna soo galayo Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha in yar kadib. Halkaa ayuu ka bilaabmay kulan kedis ah, oo saddex geesood ah, oo aan hore loo sii qorshayn, oo dhexmaray saddexdayada.

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya waxa uu soo jeediyey in uu dhex-galo dhibaatada dhex-taala labada dal ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya, maadaama ay tahay qadiyad ka aloosan Gobolka Geeska Afrika, oo uu Ra’iisal Wasaaruhuna u ololeeyo nabadda, horumarka iyo Iskaashiga Gobolka Geeska Afrika. Dabcan, Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya oo ah shakhsi ku guulaystay Abaal-marinta Nabadda Adduunka ee (Noble Peace Price), isla markaana hoggaamiya dalka labaad ee ugu dadka badan Qaaradda Afrika; Somaliland ahaan waanu aqbalnay soo jeedinta Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya. Kulanku intaas ayuu ku ekaa. Waxa loo ballamay in faah-faahinta iyo ajendaha la galo wixii intaa ka dambeeya. Waxa jira Dawlado kale oo iyaguna hore ugu hawlanaa wada-hadalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya, hase yeeshee, kulanka Ra’iisal Wasaaraha lagagama wada-hadal wax tafaasiil ah oo ku saabsan cidda ka qayb noqon doonta wada-hadalka, waxaanu ku koobnaa kulankaasi soo-jeedin iyo aqbalaad.

13-kii February 2020-ka, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Raali-gelin ka bixiyey xasuuqii ay Dawladdii Somali Democratic Republic u gaysatay Shacabka Somaliland. Marka laga reebo weedha ah, ‘Kuwii Qoryaha Qaatay, iyagana cudurdaar ayaa laga rabaa’, taas oo ah in dambiga loo qaybiyo Dawladdii dhagarta gaysatay iyo shacabkii ka dhiidhiyey Xasuuqa ay Dawladdu waday, waan soo dhawaynayaa raali-galinta, waana tallaabo fiican oo loo qaaday dhinaca nabadda.

Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ahayd 73 sanno Maxmiyaddii Boqortooyada Ingiriiska (British Somaliland Protectorate). Waxa ay xorriyadeedii heshay 26 June 1960-kii. Waxa ay noqotay Dawladdii 15-aad ee xorriyadeeda hesha Qaaradda Afrika, waxaana aqoonsaday 35 dawladood, oo ay ku jiraan kuwa ugu waaweyn adduunka.

Jamhuuriyadda Somaliland waxay kula midowday Soomaaliya hal shardi oo kaliya. Kaas oo ah in la helo shantii Soomaaliyeed oo midowda. Taasna 31 sanno oo la raadinayey, waa la waayey.

Madaxweynihii Somali Democratic Republic ee wakhtigaasi waxa uu si rasmi ah uga noqday raadintii midnimada Soomaali weyn daba-yaaqadii Qarnigii tagay, waxaanay ku cad yihiin shirarkii uu ku galay magaalooyinka Jabuuti iyo Addis Ababa.

Walaalayaal, waxa xusid mudan in Midowgii labada Dal ee 1960-kii aannu marna noqon mid dhammaystiran dhinaca sharciga Caalamiga ah.

20-kii June 1961-kii, markii dastuurkii midnimada loo qaadayey aftida, 68% shacabka Jamhuuriyadda Somaliland waa uu diiday Dastuurkaa. Taasina waxay caddaynaysaa in aanu jirin sharciyad midnimadu ku fadhido, sida uu ka marag-furay Aqoonyahan Mr. Paolo Contini.

Inqilaabkii fashilmay 10-kii December 1961-kii ee Saraakiisha Reer Somaliliand ku kaceen, markii la xidhay, Maxkamaddii uu guddoominayey Mr. Hazel Wood, wax dambi ah wey ku weyday, waayo waxa la waayey sharci ay ka hor yimaadeen, maadaama Xeerkii Midnimadu aanu dhammaystirnayn, waxaana la sii daayey May 1963-kii.

Dawladdii ugu horaysay ee la dhisay 1960-kii, Golaha Wasiiraddu waxa ay ahaayeen 14 Wasiir, waxaana Somaliland laga siiyey 3 Wasiir. Golihii Baarlamaanka ee lagu midoobay, 26.8% kaliya ayaa Somaliland laga siiyey.

Mashaariicdii horumarineed iyo Deeqihii Bulshada Caalamku siisay Somali Democratic Republic, Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ka heshay 7%.

Lixdii Degmo (Hargeysa, Boorama, Burco, Berbera, Laascaanood iyo Ceerigaabo) ee Jamhuuriyaddii Somaliland ka koobnayd 26 June 1960-kii, waxa laga dhigay Laba Gobol oo kaliya. Lixdii Degmo ee Koonfurta (Majeerteeniya, Mudug, Hiiraan, Banaadir, Jubada Hoose iyo Jubada Sare), waxa laga dhigay Lix Gobol.

Dagaalkii 1977-kii, ee dhexmaray Itoobiya iyo Soomaaliya, oo culayskiisu ku dhacay Somaliland, 11 Xero oo ay ku jiraan 400,000 Qaxoonti ah, ayaa laga dhisay Gobollada Somaliland. Taas oo culayskeeda lahayd dhaqaale ahaan, bulsho ahaan iyo deegaan ahaanba.

6 April 1981-kii, waxa lagu dhawaaqay Ururkii SNM, si loo raadiyo Qarannimadii Jamhuuriyadda Somaliland ee luntay 1960-kii.

1988-kii, duulaankii Dawladdii Soomaaliyeed ku qaaday Shacabka Somaliland waxa uu ahaa mid loo adeegsaday dayuurado, madaafiic, taangiyo iyo gaasas ciidanka lugta ah.

Waxa la dumiyey oo si cadawtinnimo ah dhulka loola simay magaalooyinkii waaweynaa ee Somaliland. Waxa lagu xasuuqay in ka badan 50,000 oo qof maalmo gudahood. Waxa ilaa hadda la xaqiijiyey 43 Xabaalo-wadareedyo ku kala yaalla Gobollada Somaliland. Boqolaal sanno dadku hantidii ay tabcadeen ayaa maalmo gudahood lagu baabiiyey.
Waxa u qaxay dalalka jaarka in ka badan 600,000 oo qof, oo intooda badan xeryo looga ooday Bariga Itoobiya. In ka badan 400,000 oo qof ayaa u kala firxaday daafaha Adduunka.

2001-dii Hay’adda Dhawrista Xuquuqul Iinsaanka u qaabilsan Qaramada Midoobay (United Nations High Commissioner for Human Rights) oo kaashanaysa Kooxdii Xidhiidhka iyo Isku-dubaridka Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya (UNCU) baadhitaan ay ku sameeyeen wixii ka dhacay Somaliland 1988-kii ilaa 1991-kii, waxay xaqiijiyeen in uu ka dhacay Xasuuq Bini-aadam oo dawladdu u gaysatay shacabkeedii.

Khilaafkii ka dhashay qaloocintii Xeerka Midawga labada Dal iyo nidaamkii awood qaybsiga labada Dal iyo Tacadiyadii loo gaystay Shacabku, waxa ay keentay in ay dunto 1991-kii Jamhuuriyaddii Somali Democratic Republic ee ka unkantay midawgii labada Dal 1960-kii.

18-kii May 1991-kii, ayey Jamhuuriyadda Somaliland ka baxday, iyada oo isku-duuban, midnimaddii Soomaaliya ee lagu hungoobay, ee aan sharciyaddeedu dhammaystirnayn.

Soddonkaa sannadood Jamhuuriyadda Somaliland waxay ahayd Qaran iskii u madax-banaan, balse nasiib darro, intaaba Soomaaliya waxay ka dagaalamaysay in Qarannimada Somaliland hirgasho.

Intii ay jirtay Dawladda Soomaaliya ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo waxay qaaday tallaabooyin cadawtinnimo oo kala ah:

1. Hor-joogsiga mashaariicdii horumarinta; oo ay ugu weynayd dagaalkii ay ka gashay dhismaha Dekedda Berbera.

2. Hor-joogsigii Sanduuqii mashaariicda horumarinta ee u gaarka ahaa Somaliland (Somaliland Special Arrangement).

3. In keligeed Dawladda Soomaaliya qaadatay Deeqaha Waxbarasho, Dhaqaale iyo Ciidan ee caalamku ku bixiyeen magacii Dawladdii Soomaaliyeed ee burburtay.

4. Fulin la’aanta Heshiiskii Habka Maamulka Hawada Sare ee ay saxeexeen Madaxweyne Silanyo iyo Madaxweyne Xasan Sheekh.

5. Isku daygii hor-joogsiga adhigii Xajka ee ka dhoofayey Dekedda Berbera.

6. La-dagaalanka dawlad kasta oo milgo iyo maamuus u muujisa Jamhuuriyadda Somaliland, sida tii ka dhacday Gini Konnaakari.

Intaas oo qodob iyo qaar ka sii daran iyaga oo ay jiraan, haddana waxaanu aaminsanahay in dhibaatada dhex-taala labada Dal lagu dhammeeyo wada-hadal iyo nabad.

Waxa muuqata in la gaadhay wakhtigii ay Soomaaliya garwaacsan lahayd xalka kaliya ee lagu heli karo nabadgelyo iyo iskaashi laba Dal oo walaalo ah. Xalkaasi waa laba Qodob:

1. In Soomaaliya xurmayso xaqa ay Jamhuuriyadda Somaliland u leedahay go’aankii 18 May 1991-kii ay kaga noqotay Midowgii aan sharciga ku dhisnay.

2. In Soomaaliya si buuxda u garwaaqsato in aqoonsiga Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland yahay xalka qudha ee lagu heli karo wanaag iyo wax-wada-qabsi dhexmara labada dal.

Hadal haynta imaatinka Madaxweynaha Soomaaliya ee Hargeysa, suurtagal maaha, mana ogolin. Sababtoo ah, sharciga Caalamiga ah, curfiga Dawladnimo iyo caqliga saliimka ahiba, waxay isku raacsan yihiin in aanu Madaxweyne Dalkiisu gaystay dambiyada iyo xasuuqa intaa leeg, in aanay suurtagal ahayn in uu booqasho ugu tago dadkii iyo dalkii dambiyada loo gaystay. Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu iman karaa kaliya Jamhuuriyadda Somaliland marka uu ictiraafo Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland. Hadal haynta imaatinka Madaxweynaha Soomaaliya iyada oo ay duruufahaasi jiraan, waxay jawaabteedu noqonaysaa, gabaygii Faarax Nuur ee ahaa:

‘Qosol Been Ah, Fool Wada Qayaxan, Qiil aan Garanaayo,
Booraan Afkii laga Qafilay, Qabarna Hoos Yaalo,
Doqon baa Halkii Lagu Qatali, Qoorta Soo Dhigane,
Ma Anigaa Middiyo La ii Qarshaa, La igu Qali Doono,
Qoontiiba Lama Baananine, Qire Yaraa Nabaddu,
Waar yaadha Kala Quusanaye Qoomamo la’aada’.

JAMHUURIYADDA SOMALILAND, HA NOOLAATO.
JAMHUURIYADDA SOMALILAND, HA WAARTO.