Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo xadhig-ka-jaris iyo Dhagax-dhig ku sameeyey Mashaariic Muhiim ah oo isugu jira Waddooyin iyo dhismeyaal

0
29

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo xadhig-ka-jaris iyo Dhagax-dhig ku sameeyey Mashaariic Muhiim ah oo isugu jira Waddooyin iyo dhismeyaal

 

Berbera-12-08-2024-(MT-JSL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo safar shaqo ku jooga gobolka Saaxil, ayaa maanta dhagax-dhig iyo xadhig-ka-jaris ku sameeyey mashaariic kala duwan oo xukuumaddu ka hirgelisay gobolka iyo kuwo haatan la bilaabi doono.

Madaxweynaha, ayaa ugu horrayn xadhigga ka jaray 62-KM ah oo ah waddada laamiga ah ee u dhexaysa Berbera iyo Burco oo xukuumaddu dib u cusboonaysiisay.

Sidoo kale, waxa uu madaxweynuhu dhagax-dhigay 64 KM oo ah oo waddada isku xidhaysa magaalooyinka Sheekh iyo Berbera oo xukuumaddu dhawaan dib u cusboonaysiin ku samayn doonto.

Dhinaca kale, madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu xadhigga ka jaray Buundada weyn ee KALA-JAB oo ay xukuumaddu dhammaystirtay.

Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu sidoo kale kormeeray dhismeyaal cusub oo loo binaynayo qaar kamid ah dadweynaha ku dhaqan magaalada Berbera, kuwaas oo dhismehoodu ka socdo duleedka magaalada Berbera, isaga oo dhagax-dhigay mashruuca DUBAAR oo lagu dhagax-dhigayo 20-Ceel Biyood iyo waddo 9KM ah oo lagu xidhayo keydka biyaha.