Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Dhagax-dhig, Xadhig-kajar iyo kormeer ku sameeyey qaar kamida mashaariicda horumarineed ee Burco.

0
29

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Dhagax-dhig, Xadhig-kajar iyo kormeer ku sameeyey qaar kamida mashaariicda horumarineed ee Burco.

 

Burco-14-08-2024-(MT-JSL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey oo ku sugan magaalo madaxda Gobolka Togdheer ayaa saaka kormeer, xadhig-kajar iyo dhagax-dhig ku sameeyey qaar kamida mashaariicda horumarineed ee laga fuliyey magaalada burco.

Madaxweynaha ayaa ugu horayn xarunta Wakaalada biyaha Burco warbixin kaga dhegaystay Maareeyaha Wakaalada biyaha Burco Sakariye Maxamed Ismaaciil (Lumumbe) isagoo xusay waxqabadka ballaadhan ee wakaaladu samaysay muddooyinkii u danbeeyey,  sidoo kale  Madaxweyanaha ayaa dhagax dhiagy saddex ceel-biyood oo cusub iyo kaydka Biyaha magaalada Burco, waxaana uu madaxweynuhu wakaalada biyaha iyo wasaaradda horumarinta kheyraadka biyaha ku boggaadiyey shaqada baaxada leh ee ay qaranka iyo shacbiga u hayaan.

 

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa xadhiga ka jaray dhismaha cusub ee loo bineeyey wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta ee gobolka togdheer isagoo madaxweynuhu kormeeray xafiisyada cusub.

Dhanka Madaxweyne Biixi Cabdi ayaa booqday dhakhtarka weyn ee Burco halkaasi oo kusoo eegay bukaanada jiifa cusbitaalka isaga oo Alle uga baryey inuu caafiyo kana kiciyo xanuunada.

Ugu danbayntiina Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa lagu soo dhaweeyey xarunta 2aad ee Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye ku leeyahay Magaalada burco isagoo madaxweynuhuna xadhiga ka jaray xafiiskaasi, waxaana uu madaxweynuhu u mahadceliyey masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Togdheer dedaalka ay sameeyeen.

Wa-bilaahi Tawfiiq