Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo booqday fadhiisimada ciidamada qaranka ee jiidda Buuhoodle.

0
23

 

Qoruligud-19-08-2024-(MT-JSL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa maanta boogasho shaqo ku tegay qaar kamid ah fadhiisimada ciidamada qaranka ee jiidaha u dhexeeya Qorilugud iyo Buuhoodle.

Madaxweynaha ayaa mid mid u tegay fadhiisimada ciidamada ee aaggaasi difaaca kaga jiraan, waxana uu warbiximo ka dhegaystay taliyaha ciidanka qaranka sarreeye gaas Nuux Ismaaciil Taani.

Madaxweynaha, ayaa indho indheeyey shaqada culus ee ciidamada qaranku bulshada u hayaan iyo sida nafhurnimada leh ee ay u gudanayaan waajibaadkooda.