Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo weftigii uu hoggaaminayey oo lagu soo dhaweeyey degmada Garadag

0
25
Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo weftigii uu hoggaaminayey oo lagu soo dhaweeyey degmada Garadag
Garadag:20/08/2024(MT-JSL)-Weftigii ballaadhnaa ee uu hoggaaminayey madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ee hawlaha shaqo ku marayey gobollada bari ee dalka, ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyey degmada Gar-aag ee gobolka Sanaag.
Bulshada ku dhaqan degmada Sanaag oo ay hormuud u yihiin madaxda dhaqanka, xildhibaannada, siyaasiyiinta, haweenka, aqoonyahanka, maamulka degmada iyo dhallinyarada, islamarkaana lulaya calanka Jamhuuriyadda Somaliland iyo caleemo qoyan, ayaa madaxweynaha iyo weftigiisa kaga hortegay jihada koonfureed ee magaalada, waxana ay u gelbiyeen dhinaca geedka caanka ah ee Gar-adag, halkaas oo ay weftigu kala hadleen shacabkii soo dhaweeyey.
Qaar kamid ah madaxda dhaqanka, xildhibaannada, siyaasiyiinta iyo haldoor kale oo halkaas ka hadlay oo halkaas ka hadlay, ayaa madaxweynaha iyo weftiga uu hoggaaminayo kusoo dhaweeyey degmada Garadag, waxana ay si isku mid ah u sheegeen sida xukuumaddu ugu hagar baxday ee waxqabadka la taaban karo uga hirgelisay degmada Gar-adag.
Xubno kamid ah golaha wasiirrada oo halkaas ka hadlay, ayaa dhankooda ka mahadnaqay soo dhaweynta ballaadhan ee bulshada reer Gar-adag ku qaabileen madaxweynaha iyo weftigiisa, waxana ay hoosta ka xarriiqeen inay ka xukuumad ahaan u hagar baxeen degmada.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo halkaas ka hadlay, ayaa ka mahadnaqay soo dhaweynta milgaha iyo dal jacaylku ka muuqdo ee ay ku qaabileen shacabka reer Gar-adag, waxana uu ku dheeraaday taariikhda ma guurtada ah ee ay degmadani leedahay iyo qaybta uga tahay guulihii kala dambeeyey ee xisbiga KULMIYE soo hooyey.