Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo si ballaadhan loogu soo dhaweeyey caasimadda Hargeysa

0
33

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo si ballaadhan loogu soo dhaweeyey caasimadda Hargeysa

 

Hargeysa-24-08-2024-(MT-JSL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo weftigii uu hoggaaminayey oo muddo laba toddobaad ah safar shaqo ugu maqnaa gobollada bariga dalka, ayaa maanta si ballaadhan loogu soo dhaweeyey caasimadda Hargeysa.

 

 

Bulshada ku dhaqan caasimadda Hargeysa oo ay hormuud u yihiin madaxda gobolka iyo degmada Hargeysa, xildhibaanno, wasiirro, madaxda xisbiga KULMIYE, qaar kamid ah madaxda dhaqanka, islamarkaana lulaya calanka Jamhuuriyadda Somaliland iyo caleemo qoyan, ayaa madaxweynaha iyo weftigiisa kaga hortegay deegaanka Halleeya ee bariga magaalada, waxana uu madaxweynuhu socod lug ah ku dhex maray dadweynihii halkaas kusoo dhaweeyey oo waddada weyn ee halbawlaha ah taxnaa.

 

 

Intaas kaddib, madaxweynuhu waxa uu gacanta u taagayey dadweyne soo dhaweyntiisa u taagnaa hareeraha waddada badhtamaha caasimadda, kuwaas oo ay ka muuqatay wejiyadooda farxad badani.

 

Xarunta khayriyada ee badhtamaha Hargeysa oo ay taagnaayeen dadweyne tiro badan oo soo dhaweyntiisa isugu soo baxay, ayuu madaxweynuhu ku hakaday, waxana uu hadal kooban u jeediyey dadweynihii goobtaas ku sugnaa.

 

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo ugu horrayn halkaas ka hadlay ayaa bulshada reer Hargeysa uga mahadnaqay soo dhaweynta madaxweynaha iyo sida shucuurta leh ee ay u muujinayaan taageeradooda.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa u mahadnaqay bulshada soo dhaweyntiisa isugu soo baxday, waxana uu si kooban uga hadlay safarkii dheeraa ee uu gobollada Bariga kusoo maray iyo sida ay dadka deegaannadaas ku dhaqani diyaarka ugu yihiin difaaca dalka iyo ilaalinta qarannimada.

Wa-bilaahi Tawfiiq