Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo ka qayb-galay Munaasibad ay soo qaban-qaabiyeen Dhalinyaro Mutadawaciin ah Loo Carbiyey Wacyigelinta Codbixiyeyaasha Xisbiga Kulmiye Taageersan

0
4

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo ka qayb-galay Munaasibad ay soo qaban-qaabiyeen Dhalinyaro Mutadawaciin ah Loo Carbiyey Wacyigelinta Codbixiyeyaasha  Xisbiga Kulmiye Taageersan.

 

Hargeysa-16-10-2024-(MT-JSL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna murrashaxa madaxweyne ee xisbiga KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qayb-galay Munaasibad ay soo qaban-qaabiyeen Dhalinyaro Mutadawaciin ah Loo Carbiyey Wacyigelinta Codbixiyeyaasha Xisbiga Kulmiye, kuwaas oo si mutadawacnimo ah bulshada u fahamsiinaya hannaanka codka loo dhiibanayo iyo habka loo calaamadinayo warqadda codbixinta.

 

Munaasibaddan oo ay madaxweynaha kala qaybgaleen xubno kamid ah golaha wasiirrada, qaar kamid ah hoggaanka xisbiga KULMIYE, siyaasiyiin, haldoor iyo marti-sharaf kale, ayaa laga jeediyey hadallo lagu dhiirrigelinayo dhallinyaradan is xilqaantay iyo muhiimadda ay leedahay hawsha wacyigelinta ah ee loo igmaday.

 

Ugu horrayn, xubno ku hadlay Afka dhallinyarada mutadawiciinta ah ee tababarka qaatay oo  halkaas ka hadlay, ayaa hoosta ka xarriiqay inay si hagar la’aan ah u garab taagan yihiin xukuumadda iyo murrashaxiinta xisbiga KULMIYE ee jagooyinka madaxweynaha iyo ku-xigeenka, islamarkaana ay si kal iyo laab ah uga shaqayn doonaan sidii uu xisbiga KULMIYE markii saddexaad oo xidhiidh ah ugu guulaysan lahaa talada dalka.

 

Wasiirrada wasaaradaha xannaanada xoolaha iyo horumarinta reer miyiga, Mudane Siciid Sulub Maxamed iyo Xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha Dastuurka, Mudane Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni oo halkaas ka hadlay, ayaa  bogaadiyey dhallinyarada mutadawiciinta ah ee usoo tafo xaydatay sidii ay taageerayaasha xisbiga KULMIYE ugu wacyigeiln lahaayeen inaanu codkoodu lumin oo iyaga oo faham buuxa haysta ay goobaha codaynta u tegi lahaayeen.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda soo Afmeeray, ayaa u hambalyeeyey dhallinyarada u ban baxday sidii codbixiyeyaasha taageersan xisbiga KULMIYE codkooda si saxan ugu dhiiban lahaayeen, islamarkaana ay hawshaas ku qabanayaan mutadawacnimo, waxana uu yidhi, “Aad baan ugu faraxsanahay in dhallinyaradan mutadawiciinta ah ee muwaadiniinta ah ee xilka iska saaray inay aqoontooda uga qayb qaadan lahaayeen sidii xisbiga KULMIYE ugu guulaysan lahaa doorashada maanta taagan.”

 

Dhallinyarada maanta loo soo xidhay tabobarka, ayaa Albaabadda bulshada ku dhaqan caasimadda mid mid u garaaci doona, islamarkaana taageerayaasha xisbiga KULMIYE ka caawin doona sidii ay codkooda ugu dhiiban lahaayeen si sax ah oo aanu u qaldami lahayn waraaqaha codbixinta ee ay maalinta codaynta dhiibanayaan.

Wa-bilaahi Tawfiiq