This is the official website of the Office of the President of the Republic of Somaliland

๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ช๐š๐š๐›๐ข๐ฅ๐š๐ฒ ๐ƒ๐ก๐š๐ฅ๐ฅ๐ข๐ง๐ฒ๐š๐ซ๐š๐๐ข๐ข ๐ค๐ฎ ๐ ๐ฎ๐ฎ๐ฅ๐š๐ฒ๐ฌ๐ญ๐š๐ฒ ๐“๐š๐ซ๐ญ๐š๐ง๐ค๐š ๐‡๐š๐ฅ-๐š๐›๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ค๐š ๐“๐ž๐ค๐ง๐จ๐จ๐ฅ๐š๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay dhallinyaradii ku guulaysatay Tartanka Heer Qaran ee Hal-Abuurka Teknoolajiyadda Dhallinyarada Somaliland, kaas oo wareeggiisii ugu dambeeyey ay ku tartameen Jaamacadaha Boorama, FFU iyo Jaamacadda Togdheer, iyada oo ay guushu raacday Jaamacadda Togdheer. Madaxweynuhu waxa uu hambalyo iyo bogaadin u diray dhammaan dhallinyaradii…

893180999_1474103794661384_2836790622969356173_n
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay dhallinyaradii ku guulaysatay Tartanka Heer Qaran ee Hal-Abuurka Teknoolajiyadda Dhallinyarada Somaliland, kaas oo wareeggiisii ugu dambeeyey ay ku tartameen Jaamacadaha Boorama, FFU iyo Jaamacadda Togdheer, iyada oo ay guushu raacday Jaamacadda Togdheer.
Madaxweynuhu waxa uu hambalyo iyo bogaadin u diray dhammaan dhallinyaradii ka qayb-gashay tartanka, isaga oo si gaar ah u ammaanay hal-abuurkooda, kartidooda iyo aqoontooda, kuna tilmaamay in dhallinyarada aqoonta iyo teknoolajiyadda ku hubaysani ay yihiin awoodda ugu weyn ee lagu dhisayo mustaqbalka iyo horumarka Qaranka.
Madaxweynuhu waxa uu xusay in Xukuumaddayda WADAJIR iyo WAXQABAD ay ka go’an tahay dhiirigelinta hal-abuurka, cilmi-baadhista iyo horumarinta tiknoolajiyadda, isla markaana ay xoojinayso iskaashiga Jaamacadaha, Ganacsatada iyo Hay’adaha Dawladda, si fikradaha hal-abuurka leh loogu beddelo xalal wax-ku-ool ah oo bulshada iyo dhaqaalaha dalka waxtar u leh.
Dhinaca kale, waxa iyaguna munaasibadda hadallo kooban ka jeediyey Wasiirka iyo Agaasimeyaha Guud ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Teknoolajiyadda JSL, Wasiirka Madaxtooyada iyo Guddoomiyaha Jaamacadda Togdheer, iyaga oo aad u bogaadiyey aqoonta iyo hal-abuurka ay soo ban-dhigeen tartamayaashu, gaar ahaan dhallinyarada ka socotay Jaamacadda Togdheer oo iyagu sannadkan 2026-ka ku guulaystay Tartanka hal-abuurka Teknoolajiyadda Qaranka.
Madaxweynuhu waxa uu adkeeyey muhiimadda ay leedahay maalgelinta aqoonta, kobcinta hal-abuurka iyo dhiirrigelinta teknoolajiyadda, isaga oo xusay in Xukuumaddu ay mudnaan gaar ah siinayso dhiirrigelinta dhallinyarada iyo abuurista fursado ay aqoontooda ugu beddeli karaan xalal wax-ku-ool ah, shaqo-abuur iyo horumar Qaran.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu si gaar ah ugu boorriyey Dhallinyarada Somaliland in aanay ku ekaan barashada Tiknoolajiyadda, balse ay noqdaan dhallinyaro Tiknoolajiyadda abuura, curiya xalal waara, shaqooyin abuura, dalkoodana horumariya.
Ugu dambayn, Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xarriiqay in Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay u baahan tahay jiil aan mustaqbalka sugin, balse iyagu mustaqbalka sameeya.
๐€๐‹๐‹๐€๐€ ๐Œ๐€๐‡๐€๐ƒ ๐‹๐„๐‡
๐—๐ฎ๐ฌ๐ž๐ž๐ง ๐€๐š๐๐š๐ง ๐‚๐ข๐ ๐ž (๐ƒ๐ž๐ฒ๐ซ),
๐€๐Ÿ๐ก๐š๐ฒ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐