Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Boorama ka daah-furay Maalinta Labaad ee Ololaha KULMIYE iyo taageerayaasha oo wacdaro muujiyey.

0
31

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Boorama ka daah-furay Maalinta Labaad ee Ololaha KULMIYE iyo taageerayaasha oo wacdaro muujiyey.

 

Dila:07/11/2024(MT-JSL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna murrashaxa jagada madaxweyne ee xisbiga KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa Kumannaan iyo kumannaan ka tirsan taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee magaalada Boorama kala qaybgalay isu soo bax ballaadhan oo ay kaga qaybgalayeen maalinta labaad ee ololaha xisbiga KULMIYE oo maanta ku beegan.

 

Qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Boorama oo ay hoggaaminayaan, xildhibaannada, madaxda dhaqanka, wasiirro, madaxda xukuumadda u qaabilsan gobolka iyo degmada Boorama, siyaasiyiin iyo haldoor kale, ayaa madaxweynaha ku qaabilay fagaaraha khayriyada, kuwaas oo ay wejiyadooda ka muuqatay farxad iyo taageero badhax tiran oo ay u hayaan murrashaxiinta xisbiga KULMIYE.

 

Qaar kamid ah salaadiinta, cuqaasha iyo madaxda dhaqanka ee kasoo jeeda gobolka Awdal halkaas ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey madaxweynaha iyo waxana ay caddeeyeen inay bulshada ku dhaqan gobolka Awdal si aan kala hadh lahayn u taageersan yihiin xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiintiisa.

Badhasaabka gobolka gobolka Awdal iyo maayarka degmada Boorama oo la hadlay shacabka reer Boorama, ayaa uga mahadnaqay soo dhaweynta ballaadhan ee ay madaxweynaha ku qaabileen, waxana ay ku adkeeyeen shacabka inay codkooda ku hubsadaan sanduuqa maalinta codaynta la gaadho.

 

Wasiirrada wasaaradaha Dastuurka iyo xidhiidhka goleyaasha iyo Waxbarashada, Mudane Cabdinaasir Muxumed Xasan (Buuni) iyo Dr. Axmed Aadan Buuxane oo hadalka u kala dambeeyey, ayaa ku dheeraaday taageerada aan kala hadhka lahayn ee bulshada reer Boorama weligeedba la garab taagnayd xisbiga KULMIYE, waxana ay tilmaameen inay taageeradaasi weli halkeedii tahay.

Wasiirka wasaaradda ganacsiga, ahna murrashaxa jagada madaxweyne ee xisbiga KULMIYE, Mudane Maxamuud Xasan Sacad Saajin, ayaa si weyn uga mahadnaqay soo dhaweynta iyo taageerada ballaadhan ee reer Boorama ka muujiyeen maalinta labaad ee ololaha KULMIYE, waxana uu muujiyey inay si gaar ah ugu xisaabtamayaan taageerada reer Awdal.

 

Xildhibaan Aamina Fariid oo katirsan xildhibaannada golaha wakiillada ee xisbiga KULMIYE, ayaa dhankeeda farriin u dirtay cid kasta oo naqdida taageerada KULMIYE ee gobolka Awdal, waxana ay xustay inay Boorama muujisay sida ay ula dhacsan tahay taageerada siyaasadda xisbiga KULMIYE dalka ku hagayo.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna murrashaxa jagada madaxweyne ee xisbiga KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ugu ka mahadnaqay soo dhaweynta iyo taageerada ballaadhan ee ay u muujiyeen bulshada reer Boorama, waxana uu tilmaamay inay xukuumadda uu hoggaamiyaa wax badan oo horumar ah ka qabatay gobolka Awdal.