Wareegto Madaxweyne 16.11.2024
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne ku magacaabay Guddida Aaska Qaran ee Madaxweyne Hore: Mudane Marxuum Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
Ku: Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan
Ku: Guddoomiye Yaasiin Maxamuud Xiir
Ku: Guddoomiye Aadan Xaaji Cali Axmed
Ku: Mudane Xasan Ciise Jaamac
Ku: Mudane Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax
Ku: Guddoomiye Maxamed Kaahin Axmed
Ku: Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale
Ku: Mudane Cali Maxamed Waran-cadde
Ku: Prof. Cabdisalaan Yaasiin Maxamed
Ku: Mudane Ibraahim Cabdillaahi Xuseen Dhaga-weyne
Ku: Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed
Ku: Mudane Maxamed Cismaan Indhoole
Ku: Mudane Axmed Muxumed Geelle Dacar
Ku: Xildh. Jaamac Abokor Dubbe
Ku: Xildh. Cumar Jaamac Muuse
Ku: Sheekh Xasan Cabdisalaan Aw Cali
Ujeeddo: Magacaabid Guddida Aaska Qaran ee Madaxweyne Hore: Mudane Marxuum Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo
Sida aad la wada socotaan, waxa Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ka baxay oo ku geeriyooday xalay magaalada Hargeysa Madaxweynihii 4aad ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.
Sidaa darteed, aniga oo cuskanaya Qodobka 9aad ee Xeer Lr. 62/2020, Mudanayaal waxa aan idiin magacaabay in aad noqotaan Guddida Qaban-qaabada Aaska Qaran ee Madaxweyne Hore Mudane Marxuum Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, waxaana Guddoomiye Guddidan u noqon doona Guddoomiyaha Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan.
Waxan idinka rajaynayaa in aad xil weyn iska saari doontaan masuuliyadan, si maamuus iyo milgo lehna u diyaarin doontaan Aaskaa Qaran ee Marxuum Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.
ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.