Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Qaabiley Safiirka Dalka Maraykanka iyo Taliyaha Ciidamada Qaaradda Afrika (AFRICOM).

0
19

WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Qaabiley Safiirka Dalka Maraykanka iyo Taliyaha Ciidamada Qaaradda Afrika (AFRICOM).

 

Hargeysa-03-12-2024-(MT-JSL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta qasriga Madaxtooyada ku qaabiley Safiirka Dalka Maraykanka Amb. Richard H. Riley oo uu wehelinaayo Taliyaha Taliska Ciidammada Maraykanka ee qaaradda Afrika (AFRICOM), Major General Brian Cashman, masuuliyiin kale iyo Saraakiil ciidan oo ka tirsan Dawladda Maraykanka.

 

Ugu horayn Madaxweynuhu waxa  uu xubnaha weftiga ee dawladda Maraykanka uga mahadnaqay iskaashiga iyo xidhiidhka wada shaqayneed ee Amniga geeska Afrika iyo dhinaca Militriga ee labada dal ee Somaliland iyo Maraykanka. Sidoo kale madaxweynuhu waxa uu xusay in booqashada weftigani ay xoojinayso xidhiidhka mustaqbal ee labada dhinac.

 

Dhinaca weftiguna waxay si wada jira u soo dhaweeyey hadalka Madaxweynaha Safiirka Maraykanka, Amb. Richard H. Riley iyo Major General Brian Cashman oo iyaguna sheegay inay dhinacooda diyaar u yihiin iskaashiga dhinacyada Amniga Geeska Afrika. Sidoo kale, waxa ay madaxweynaha Qaranka Somaliland ku bogaadiyeen doorka uu ka qaatay horumarka dalka, arrimaha dimuquraadiyada, doorashooyinka isku isku sidkan, adkaynta xidhiidhka labada dal ka dhexeeya iyo bisaylka siyaasadeed ee ka hana-qaaday dal aan weli ka mid noqon beesha Caalamka haseyeeshee buuxiyey dhammaan shuruudihii looga baahna. Iyagoo si gaara u bogaadoyey Madaxweynaha Qaranka ee aqbalay natiijadii guddida Komishanka Doorashooyinka Qaranku ay ku dhawaaqeen.

 

Kulankaa waxa Madaxweynaha ku wehelinaayey Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha Dibeda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Dr. Ciise Keyd Maxamuud, Arrimaha Gudaha Mudane Maxamed Kaahin Axmed, Taliyeyaasha Ciidamada Militeriga iyo Sirdoonka, Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani iyo Mustafe Maxamed Xasan (Bacaluul) iyo La taliyaha Arrimaha Sharciga ee Madaxweynaha Marwo Amaal Cabdilaahi Cawil.

 

Dhinaca weftigana waxa wehelinaayey safiirka iyo taliyaha masuuliyiin iyo saraakiil sarsare oo ka mida dawladda maraykanka iyo ciidamada Militeryga Maraykanka ee qaaradda Afrika kuwaas oo kala ah;-Colonel Carl Benander, Andrew Kelly oo ah la taliyaha arrimaha siyaasadda, Colonel Brian Luti, Matthew Cassidy iyo Sergeant Major Chadwick Forbes.

ALLAA MAHA DLEH

 

Naasir Yuusuf Daahir

Agaasimaha Warbaahinta Madaxtooyada JSL.