Hargeysa – 05-02-2025-( )- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta (05.06.2025) oo ay weheliyaan xubno ka tirsan Xukuumaddiisa ayaa kulan mihiim ah kula yeeshay Qasriga Madaxtooyada Ku-simaha Ergayga Xoghaya Qaramadda Midoobay (UN) u qaabilsan arrimaha Somaliland /Soomaaliya, Mudane James Swan oo booqasho ku yimid dalka Somaliland.
Ergeyga Xoghayaha Qaramada Midoobey wuxuu Madaxweynaha JSL ku bogaadiyey guushii uu ka gaadhay Tartanka Madaxtooyada ee ka qabsoomay Somaliland ๐๐.๐๐.๐๐๐๐. Ergaygu waxa uu Jamhuuriyada Somaliland ku amaanay Tartankii dorashashoyinkii bilaa turxaanta ahaa ee ka dhacay Somaliland iyo qaabkii ilbaxnimada laheyd ee Xukunka loola kala wareegay .
Ergayga Qaramada Midoobey wuxuu hoosta ka xariiqay in Hay’addaha Qaramadda Midoobey ay diyaar yihiin in ay sii wadaan shaqadda muhiimka ee ay Qaramada Midoobay ka waddo Somaliland. Sidoo kale, Ergaygu waxa uu Madaxweynaha ka waraystay qorshayaasha Xukuumaddiisa boqolka cisho ee u horeeya.
Ergeyga Xoghayaha Qaramada Midoobey wuxuu si weyn u soo dhaweeyey baaqyaddii nabadda ee uu soo saaray Madaxwaynaha JSL, gaar ahaan in wada-hadal iyo hab nabbed lagu dhameeyo degaanada ay ka jiraan shaqaaqooyinku. Ergeygu waxa uu Madaxwaynaha ku bogaadiyey magacaabida Guddida Nabadda Qaranka JSL.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ayaa isaguna dhankiisa Ergeyga Xoghayaha Qaramada Midoobey uga mahad naqay safar hawleedka uu ku yimid Somaliland.
Madaxweynuhu wuxuu qiray hawlaha baaxada leh ee soo jireenka ah (xag bini-aadanimo iyo xag horumarba) ee ay Hy’adaha Qaramada Midoobey ka fuliyaan Somaliland. Madaxweynuhu wuxuu Ergeyga u sheegay in Xukuumadiisu ay si dhab ah mudnaanta u siinayso laba arrimood:
1) Nabad waarta,
2) Hirgelinta isbeddel dhinacyo badan leh oo la taaban karo.
Madaweyne Cabdiraxmaan Cirro waxa uu Ergayga u sheegay in maalintii uu la wareegay xilka uu si rasmi ah ugu baaqay Gogol Nabadeed oo bilaa Shuruud ah, laakiin taa jawaabteedii ay noqotay in Bariga Somaliland weerarro is daba joog ah nalagaga soo qaado jihooyin kala duwan. Madaxweynuhu wuxuu sheegay in arrimahani aanay Xukuumadiisa niyad-jabin doonin waana sababta loo aasaasay Guddida Nabadda Qaranka si ay:
1. U suurto galiyaan xabad-joojin bilaa shuruud ah,
2. Ay fududeeyaan is-dhaafsiga maxaabiista
3. Dib u furaan jidadka xidhan ee muhiimka u ah isu socodka bulshada iyo ganacsiga
Madaxweynuhu waxa uu Ergayga u xaqiijiyey in nabada iyo xasiloonida ka jirta Somaliland muddo ka badan 30 sano, ay wax weyn ku soo kordhisay Gobalka Geeska Africa. Sidaas tarteed ay Somaliland dalbanayso in Ururka Qaramada Midoobay uu Somaliland ka kaalmeeyo adkeynta iyo awoodeynta Lamaaha Amniga Somaliland JSL, si aanu awood ugu yeelano in aanu ka jawaabi karno ama aanu ka hor tagi karno khataraha waa weyn ee ka jira Gobolka Geeska Afrika.
Ugu dambayntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa tibaaxay in Xukuumadiisu ay diyaar u tahay in si dhaw ula shaqayso Hay’adaha Qaramadda Midoobey, Ururrada kale ee Caalamiga ah iyo Dawladaha bixiya deeqaha si ay Somaliland u xoojiso arrimaha xagga Nabadda iyo Xasilloonida, Dib-u-habaynta Hay’adaha Qaranka JSL iyo hiigsiga ay Somaliland leedahay in ay gaadho horumar waara.
Kulankaasi wuxuu ku soo gaba-gaboobay guul iyo is-af-garad.
๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐,
๐๐ฎ๐ฌ๐๐๐ง ๐๐๐๐๐ง ๐๐ข๐ ๐ (๐๐๐ฒ๐ซ)
๐๐๐ก๐๐ฒ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐