๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐๐ฆ๐จ ๐ ๐จ๐จ๐ง๐ง๐ข ๐ ๐จ๐จ๐ง๐ง๐ข ๐๐ก ๐ฅ๐ ๐ช๐๐๐ญ๐๐ฒ ๐ช๐๐ฒ๐๐๐ก๐ ๐ค๐๐ฅ๐ ๐๐ฎ๐ฐ๐๐ง ๐๐ ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐๐๐ ๐๐จ๐๐จ๐ฅ๐ค๐ ๐๐๐๐ข๐ฅ๐๐ฒ .
Gabiley: 21/02/2025
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muddane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo isaga iyo wefti uu hoggaaminaayey oo safar shaqo kaga soo laabtay Magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal, ayaa Qasriga Madaxtooyada Gabiley kulamo goonni goonni ah kula yeeshay qaybaha kala duwan ee bulshada Gobolka Gabiley.
Madaxweynaha oo ay wehelinayaan Guddoomiyaha Xisbal-Xaakimka Waddani, Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiillada, xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada, Afhayeenka Madaxweynaha, Taliyeyaasha Ciidamada Booliska iyo Asluubta, Madaxda Gobolka Gabiley iyo kuwa Degmada, Xildhibaanno iyo Haldoor kale, ayaa kulammo kala duwan la yeeshay Madaxda Dhaqanka ee Gobolka, Dhallinyarada, Aqoonyahanka iyo Haweenka reer Gabiley, waxana hormuudka bulshada gobolka ee Madaxweynuhu la kulmay ay Madaxweynaha la wadaageen aragtidooda la xidhiidha horumarinta Gobolka iyo meelaha u baahan in muhiimad gaar ah la siiyo.
Madaxweynaha oo si hufan u dhegaystay soo jeedimihii qaybaha bulshada Gabiley ee uu la kulmay, ayaa sheegay in uu weelaystay soo jeedimaha ay u soo gudbiyeen, islamarkaana uu si buuxda ula shaqayn doono Haldoorka, Waayeelka iyo Haweenka uu la kulmay.
๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐,
๐๐ฎ๐ฌ๐๐๐ง ๐๐๐๐๐ง ๐๐ข๐ ๐ (๐๐๐ฒ๐ซ)
๐๐๐ก๐๐ฒ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐