Akhri: Go’aamada Guddida ka Hortagga iyo Maaraynta Xanuunka COVID-19

0
413

 

Summad: S&CO-Go’aan-Guddi-01/03/2021                          Taariikh:         22/03/2021

 

Go’aamada Guddida ka Hortagga iyo Maaraynta Xanuunka COVID-19

 

Hordhac:

 

Khatarta xanuunka COVID-19 uu ku hayo ummadda Jam. Somaliland waa mid maalinba maalinta ka dambaysa sii kordhaysa. Guud ahaanba gobollada dalka, min bari ilaa galbeed, xawaaraha uu xanuunka COVID-19 ku fidayo, tirada dadka uu soo ridayo iyo dadka inagaga dhimanayaba si weyn ayay u kordheen, sida ay muujinayso shaxda hoose:

 

Shaxda inta la baadhay, laga helay ama u dhimatay Safmarka COVID-19:

   
Jeenawari – 2021
 Gobolka Awdal M-Jeex Saaxil Togdheer Sool Sanaag Wadar XaddigaLagaHelay Xaddiga u Dhimatay
La Baadhay 271 3833 11 163 42 19 4339 1% 3%
LagaHelay 1 52 0 5 0 1 59
U Dhimatay 0 2 0 0 0 0 2
   
   
Feebawari – 2021
 Gobolka Awdal M-Jeex Saaxil Togdheer Sool Sanaag Wadar Xaddiga Laga Helay Xaddiga u Dhimatay
La Baadhay 251 4338 145 208 74 43 5059 5% 6%
LagaHelay 1 175 23 5 26 2 232
U Dhimatay 0 10 1 0 2 0 13
   
   
Illaa 19-ka Maaris – 2021
 Gobolka Awdal M-Jeex Saaxil Togdheer Sool Sanaag Wadar Xaddiga Laga Helay Xaddiga u Dhimatay
La Baadhay 268 3074 472 385 112 23 4334 15% 5%
Laga Helay 39 344 125 101 36 14 659
U Dhimatay 2 21 1 7 3 1 35

 

Wadarta Saddexda Bilood ee Sanadkan 2021:

 

Jeenawari illaa 19-ka Maaris, 2021
Wadarta la Baadhay 13, 732
Wadarta laga Helay 950
Wadarta u dhimatay 50
Xaddiga laga Helay 7%
Xaddiga u Dhimatay 5%

 

Is barbardhig: Lixdii Bilood ee u danbeeyey:

 

Octoobar illaa Diisambar, 2020 Jeenawari illaa 19-ka Maaris, 2021
Wadarta la Baadhay 11, 707 Wadarta la Baadhay 13, 732
Wadarta laga Helay 357 WadartalagaHelay 950
Wadarta u dhimatay 16 Wadarta u dhimatay 50
Xaddiga laga Helay 3% XaddigalagaHelay 7%
Xaddiga u Dhimatay 4% Xaddiga u Dhimatay 5%

 

Haddaba, xaalada xanuunka COVID-19 ee uu dalkeenu haatan marayo, hadii aynaan si degdeg ah wax uga qaban, waxa iman karta marxalad ay taladu faraheena ka baxdo taasoo halis gelin karta qof kasta oo bulshadeena ka mid ah. Waxa iman karta xaalad ay gebi ahaanba is taagaan dhammaanba dhaqdhaqaaqa dhaqaale iyo isku socodka bulshadu. Waxa iman karta marxalad ay lagama maarmaan noqoto in ay Xukuumadu qaado tallaabo kasta oo lagu bedbaadinayo nolosha bulshada Jam. Somaliland.

 

Haddaba, Guddida heer Qaran ee Ka Hortagga iyo Maaraynta xanuunka COVID-19:

 

  • Iyagoo ka duulaya khatarta uu bulshada Jam Somaliland ku hayo nooca cusub ee xanuunka COVID-19, khatartaasi oo maalinba maalinta ka dambaysa sii kordhaysa;
  • Iyagoo si qoto dheer ugu kuur galay halista ka dhalatay laba-kaclaynta wajiga cusub ee xanuunka COVID-19 iyo waxyeeladiisa dhimasho iyo bukaanba leh ee uu xanuunku ku keenay caafimaadka bulshada, welina uu inagu keeni karo;
  • Iyagoo mudnaanta kowaad siinaya bedbaadada, bed-qabka iyo fayo-dhawrka caafimaadka bulshada Somaliland;
  • Iyagoo ahmiyada koowaad siinaya si kasta oo looga hortagi karo loona yarayn karo faafitaanka xanuunka COVID-19 ee bulshada dhexdeeda;
  • Iyagoo ogsoon in ay weli jirto khatarta uu xanuunka COVID-19 bulshada dhexdeeda ku faafi karo, ummadana si weyn ugu adkaynaya in uu qof walba muujiyo taxadir iyo masuuliyad dheeraad ah oo lagaga hortagayo faafitaanka wejiga cusub ee COVID-19;
  • Iyagoo taxadir weyn iyo ahmiyad gaar ah siiyey si kasta oo loo yarayn karo culays iyo cidhiidhi ku yimaada hab-sami-u-socodka nolosha bulshada ee maalinlaha ah;
  • Iyagoo si dhab ah u dareensan maskaxdana ku haya saamaynta ay nolosha bulshada iyo dhaqaalaha ku yeelan karto haddii mar kale la soo rogo xayiraado dhamaystiran (xag dhaqaale iyo xag dhaq-dhaqaaqba) oo lagu xakamaynayo fiditaanka wejiga cusub ee xanuunka COVID-19;
  • Guddida Qaranka ee COVID-19 iyagoo ka duulaya dhammaanba qodobada kor ku xusan iyo weliba duruufaha gaarka ah ee uu la yimid wajiga cusub ee xanuunka Coronavirus;

Sidaa darteed, maanta oo ay taariikhdu tahay 22/03/2021, Guddida heer Qaran ee Ka Hortagga iyo Maaraynta xanuunka COVID-19 waxay soo saareen GO’AAMO MUHIIM AHoo lagaga hortagayo faafitaanka wajiga cusub ee xanuunka COVID-19, isla markaana lagu sugayo bed-qabka iyo fayo-dhawrka bulshada Somaliland. Go’aamadaasi fulintooda iyo u hogaansankoodu waa ku waajib bulshada Somaliland iyo cid kasta oo ay khusaysaba.

 

NUXURKA GO’AAMADA GUDDIDA QARANKA EE COVID-19:

 

  • XIDHASHADA AF-SAABKA (FACEMASK):

Si looga hortago faafitaanka xanuunka COVID-19 ee bulshada dhexdeeda, xidhashada Af-saabku (Facemask) cid walba waa ku waajib. Meel kasta iyo goob kasta oo ay bulshadu ku kulanto.

 

Dhammaan Xafiisyada Dawladda,Goobaha Ganacsiga (heer kasta), Suuqyada Ganacsiga ee laga adeegto (heer kasta), Sariibadaha, Goobaha lagu iibiyo Caanaha, Hoteelada iyo Makhaayadaha, Iskuullada Dawlada iyo kuwa gaarka ah, Jaamacadaha, Masaajidada, Malcaamadaha, Gaadiidka Dadweynaha (Basaska Gobollada iyo kuwa magaaladaba), Tagaasida (Dhaweeye), Xafiisyada Shirkadaha Ganacsiga, Baananka iyo Adeegyada Lacagta, Dhammaan Goobaha Qurxinta Haweenka (Kofeerada, Meelaha lagu xinaysto), iwm XIDHASHADA AF-SAABKU WAA KU WAAJIB.

 

Cid kasta oo u hoggaansami wayda Xidhashada Af-saabka (Facemask) goobaha ay bulshadu ku kulanto,waxa loo aqoonsayanaa in uu yahay qof dhiirrigelinaya faafitaanka cudurka.

 

  • KALA FOGAANSHAHA BULSHADA:

Si looga hortago, isla markaana loo yareeyo faafida wajiga cusub ee xanuunka COVID-19 bulshada dhexdeeda, dhammaan bulshada Jam. Somaliland waxa lagu war-gelinayaa in dhawro kala fogaanshaha (social distancing), ugu yaraan 2 mitir (2), goobaha ay bulshadu ku kulanto aanay tahay  waajib qof walba saaran in la fuliyo oo loo hogaansamo.

 

Dhammaan Xafiisyada Dawladda,Goobaha Ganacsiga (heer kasta), Suuqyada Ganacsiga ee laga adeegto (heer kasta), Sariibadaha, Goobaha lagu iibiyo Caanaha, Hoteelada iyo Makhaayadaha, Iskuullada Dawlada iyo kuwa gaarka ah, Jaamacadaha, Masaajidada, Malcaamadaha, Gaadiidka Dadweynaha (Basaska Gobollada iyo kuwa magaaladaba), Tagaasida (Dhaweeye), Xafiisyada Shirkadaha Ganacsiga, Baananka iyo Adeegyada Lacagta, Dhammaan Goobaha Qurxinta Haweenka (Kofeerada, Meelaha lagu xinaysto), iwm KALA FOGAANSHUHU  WAA KU WAAJIB.

 

Cid kasta oo u hoggaansami wayda KALA GOGAANSHAHA goobaha ay bulshadu ku kulanto,waxa loo aqoonsayanaa in uu yahay qof dhiirrigelinaya  faafitaanka cudurka.

 

  • FARAXALKA IYO JEERMIS DILAHA (HAND SANITIZER):

Si looga hortago faafitaanka xanuunka COVID-19 ee bulshada dhexdeeda, FARAXALKA IYO JEERMIS DILAHU (Hand sanitizer) WAA WAAJIB. Meel kasta, meherad kasta iyo goob kasta oo ay bulshadu ku kulanto.

 

Dhammaan Xafiisyada Dawladda,Goobaha Ganacsiga (heer kasta), Suuqyada Ganacsiga ee laga adeegto (heer kasta), Sariibadaha, Goobaha lagu iibiyo Caanaha, Hoteelada iyo Makhaayadaha, Iskuullada Dawlada iyo kuwa gaarka ah, Jaamacadaha, Masaajidada, Malcaamadaha, Gaadiidka Dadweynaha (Basaska Gobollada iyo kuwa magaaladaba), Tagaasida (Dhaweeye), Xafiisyada Shirkadaha Ganacsiga, Baananka iyo Adeegyada Lacagta, Dhammaan Goobaha Qurxinta Haweenka (Kofeerada, Meelaha lagu xinaysto), iwm FARAXALKU IYO JEERMIS DILUHU (Hand sanitizer) WAA WAAJIB.

 

Cid kasta oo u hoggaansami wayda Faraxalka iyo Jeermis Diluhu (Hand sanitizer) goobaha ay bulshadu ku kulanto,waxa loo aqoonsayanaa in uu yahay qof dhiirrigelinaya  faafitaanka cudurka.

 

  • SHURUUDAHA ISU IMAATINADA BULSHADA:

Bulshada Somaliland waxa ka reebban in ay iskugu yimaadaan kulamada bulshada sida:   shirarka, xafladaha, casuumadaha, ciyaaraha, ololaha murashaxiinta, shirarka beelaha, marfarshayada qaadka, iwm haddii aan la buuxin shuruudaha hoos ku xusan:

  1. Xidhashadha Af-saabka,
  2. Kala fogaanshaha ugu yaraan 2-mitir,
  3. Faraxalka,
  4. Furitaanka daaqadaha,

Cid kasta oo u hoggaansami wayda go’aanka Shuruudaha  Isu Imaatinka Bulshada waxay mudan doontaa ganaax lacageed iyo weliba ciqaab xabsi ah. Fulinta iyo dabagalka arrimahana waxa leh Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Guddoomiyeyaasha Gobollada.

 

  • MASAAJIDADA:

Dhammaan Imaamyada iyo Mu’adiniinta Masaajidada waxa lagu amrayaa:

  1. In ay xidhaan Af-saab, dadka masaajidka ku tukanayana ku amraan ay inay xidhaan Af-saab;
  2. In qof kasta oo ku tukanaya Masaajidka uu soo qaato sijaayadiisa;
  3. In ugu yaraan 1.5m (hal mitir iyo badh) la kala fogaado safafka salaadaha;
  4. In ay xilliga salaadaha faralka ah ku soo koobaan 25 daqiiqo oo aanay ka badin karin;
  5. In laga bilaabo 24/03/2021 ay xidhaan dhammaanba musqulaha iyo meelaha lagu waysaysto ilaa amar dambe ama xaalada xanuunku ay is bedelayso;
  6. In ay furaan daaqadaha iyo albaabada Masaajidada;
  7. In ay bulshadu ku soo waysaystaan guryahooda iyo meheradahoodaga;
  8. In dadka waaweyn iyo dadka la nool xanuuno u gaar ay ku tukadaan guryahooda;
  9. In qofkii leh calaamado u eg kuwa hargabka, aanu iman samaajidada ee uu ku tukado gurigiisa;
  10. In imaamayda masaajidadaay ducada qunuuda salaadaha innooga duceeyaan dhibaatada xanuunka.

 

Masaajidada u hoggaansami waaya go’aamada la xidhiidha Masaajidada, waxay mudan doonaan ganaax lacageed iyo weliba ciqaab xabsi ah.

 

  • GAROOMADA KUBBADDA, GOOBAHA JIMICSIGA IYO MEELAHA AY CARUURTU KU CIYAARAAN:

Si looga hortago faafitaanka wajiga cusub ee xanuunka COVID-19 bulshada dhexdeeda, laga bilaabo 24/03/2021 waxa gebi ahaanba la joojiyey dhammaanba ciyaaraha ay bulshadu isugu timaado, sida: kubadda cagta, kubadda kolayga, jimicsiga jimka (Gym), goobaha lagu ciyaaro computer gaymka, goobaha ay caruurtu ku ciyaaraan, iwm.

 

Cid kasta oo u hoggaansami wayda go’aanka la xidhiidha arrimaha ciyaaraha iyo jimicsiga waxay mudan doontaa ganaax lacageed iyo weliba ciqaab xabsi ah. Fulinta iyo dabagalka arrimahanna Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Guddoomiyeyaasha Gobollada.

 

Ugu dambayntii, go’aamadan ay soo saareen Guddida Qaranka ee ka Hortagga COVID-19 ee la xidhiidha ka hortagga iyo xakamaynta faafitaanka wejiga cusub ee xanuunka COVID-19 waa AWAAMIIR XUKUUMI Ah oo leh AWOODO SHARCI iyo KUWO FULINEED oo loo cuskan doono fulintaiyo meel-marinta go’aamada Guddida.

 

Hirgelinta, hubinta iyo kormeerka go’aamada ay soo saareen Guddida heer Qaran ee COVID-19 waxa u xil saaran Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Guddoomiyeyaasha Gobollada.

ALLAA MAHAD LEH,

 

Guddida heer Qaran ee Ka Hortagga iyo Maaraynta Xanuunka COVID-19.