Dekadda Berbera waxa ay muujinaysaa qiimaha dhabta ah ee ay leedahay

0
117

Booqashada Dekeda Berbera ee ku taal xeebaha Somaliland ma aha mid sahlan oo si fudud lagu gaadhayo. Xilliga xagaagana waa meel khasatan ahan aad u kulayl badan. Si kastaba ha ahaatee waa safar muhiim u ah siyaasad dejiye kasta oo doonaya inuu markhaati ka noqdo qiimaha dhabta ah ee ledahay in si degdeg ah oo wax ku ool ah go’aanada looga gaaro.

Taarikh – Soddon sanno ka hor Somaliland waxay dooratay gooni-isu-taagga oo ay ka go’day Soomaaliya oo ay dagaallo isdaba-joog ahi ka socdeen. Markii kuwaas lagu soo afjaray shirar nabadeedyo isdaba joog ahaa, dalka intiisa badan la burburiyay oo la baabiyey.

In kasta oo ay tahay mid aan si rasmi ah u aqoonsanayn dawlad kale, haddana Somaliland waxay noqotey dal dimuqraadiyad xoogani ka jirto oo kaso dhex baxdey gobol aan xasillooni badani ka jirin. Somaliland waxa ku xeeran dawlado fashilmay iyo kali-taliyeyaal. Haddana waxa ay aduunka kaga yaabisay doorashooyin joogto ah, isbedelo dhanka awooda ah iyo horumarka dimuqraadiga ah. 

Somaliland waa dal samaystay hab nabadeed oo u gaar ah, oo gunta hoose laga soo bilaabay, taasoo laga yaabo inay tahay sababta ay u shaqeyso. Iyaado oo ay soo martay dagaal sokeeye khasaare badan geystay, haddana Somaliland waxay noqotay iftiin Afrika ka soo baxa. 

Heshiis lala galay Dubia Ports World wuxuu ahaa heshiis 30 sano ah oo 65:35 la wadaagay SPA. Natiijadu waxay noqotay balaadhin ballaadhan oo awoodda dekedda ah, oo hadda ku jirta wejiga 2 ee horumarinta. Wajiga 1 waxa uu soo jiitay in ka badan US$244 milyan oo maalgashi ah kaabayaasha, qalabka iyo nidaamyada. Intaa waxaa dheer, waxaa labanlaabmay tirada guud ee xamuulka guud iyo kor u kac weyn oo shan laab ah oo ku saabsan maaraynta weelasha ilaa 500,000 TEUs sannadkii. Wajiga 2aad, awoodda weel ee dekeddu waa ay laba jibaarmi doontaa iyo qalabka wax ka qabashada, iyada oo la gelinayo $200 milyan oo maalgashi dheeraad ah.

Laakiin waxa cajiib ah horumarka ay ka sameeyeen dhanka hufnaanta dekada. Berbera waxa ay hadda ku jirtaa kaalinta 184aad ee Baanka Adduunka ee tusmada hufnaanta dekedaha. Xaga ay dekadaha waawayn sida ta South Africa oo kale ay kaga jiran kaalinta 365. In dekedaheenna ay ka sarreeyaan deked ku taal waddan yar oo aan la aqoonsanayn oo sannado badan ay dagaallo halakeeyeen waa in ay baraarujin wayn inoo noqoto.

Arrintani waxa cajiib ka si dhigaya wakhtiga Somaliland ay ku soo ururinayso guushan la yaabka leh ayaa ahayd saddex sannadood oo keliya ka soo wareegtay maalintii uu Baarlamaanka Somaliland ansixiyey xeerarkii suurtogelin lahaa. Uma maleyn karo hal mashruuc oo weyn oo dowladeed oo South Africa ah oo xitaa ku dhawaaday waqtiga gaarsiinta sidan oo kale ah. Dhab ahaan, mashaariicda sida Medupi iyo Kusile waxay ahaayn kuwo soo jiitamay tobanaan sano oo lacag badani ku kacdey. Farqiga u dhexeeya ayaa ah in go’aan la gaaray oo la falanqeeyay, ma jirin aqoon is weydaarsiyo, guddiyo madax-weyne iyo RFI, RFP, BEE oo aan la isku hallayn karin ayaa noqdey hababka caadiga ah ee South Africa.

Haddaba Berbera iyo South Africa maxay iska galey? 

Marka hore waa baraarujin in aynu heerkeena sare u qaadno oo aynu wax ka qabano dekedaheena hadii kale ay inaga horeyn doonan dekedaha kale ee waxtarka badan ee qaarada. Marka labaad, waxaynu u baahanahay inaan ku noolaano wakhtigan xaadirka ah, ee ma aha inaan ku tagnaano ammaantii hore. Mustaqbalkeenu wuxuu ku jiraa hufnaanta, qiimaha iyo adeegga. Waxaas oo dhanna aad ayaan uga danbaynaa. Marka saddexaad qaabka ay Somaliland adeegsato waxa uu muujinayaa qiimaha ay dawladdu ku leedahay in ay iska daayaan oo ay u oggolaadaan khibradda ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo hufnaanta si meesha looga saaro habacsanaanta dawladda.

Ma jirto si ay Portnet iyo Transnet u awoodaan inay sameeyaan waxa loo baahan yahay in la sameeyo. In kasta oo fikir ahaan la fahmi karo, dawladdu waxa ay sii waddaa in ay isku daydo oo ay ka shaqaysiiso waxyaabo aan surtagal ahayn oo khasaarinaya lacagta dadweynaha. Waa in aan ku dadaalno in dhammaan dekedaheenna aan ku dayanno qaabka Berbera.

Booqashadii aan dhawaan ku tagay bandhigga beeraha ee NAMPO, hufnaanta dekeddu waxa ay ahayd mawduuc guud oo ka soo baxay doodihii kala duwanaa ee aan la yeeshay wax-soo-saarka beeraha. Balaayiin Rands ah oo ganacsi ah ayaa lumaya sanad walba sababtoo ah hufnaan la’aanta dekada ka jirta, taas oo burburineysa dakhligii iyo waliba shaqooyinka dalka. Ma dhaaman tafaariiqda iyo meheradaha maxalliga ah oo dib u dhac dheerna ku yimaado alaabtooda had iyo jeer.

Waqtigii dib u habeynta laga hadli lahaa waa uu dhammaaday. Hadda waa waqtigii ficilka. Halkii laga heli lahaa guddiyo badan, koox-hawleed iyo cutubyo madaxtooyo, waa waqtigii la bilaabi lahaa hirgelinta. Bilaw wanaagsan waxa ay noqonaysaa in aanin qaar ka mid ah 740-ka hay’adood ee ay dawladdu leedahay laga saaro meesha, laga bilaabo dekedaheenna, waxay ugu dambayntii bilaabi kartaa in ay furto caqabadaha hor istaageen balaadhinta iyo kobaca dhabta ah. Ka tanaasulida dekedaheena ee iskaashiga gaarka ah ee dawliga ah ee khubarada caalamiga ah waa in aanay qaadan toban sano oo kale oo muran ah.

Tusaalaha Somaliland waxa uu ina tusayaa, marka la helo go’aamo sax ah, in hormar si degdeg ah loo gaari doono. Hoggaaminta noocaas ah oo kalena, annaguna waxaan noqon karnaa ‘dal wax walba qaban kara’.