Shirka Golaha Wasiirrada oo uu Shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo uu wehelinayey Madaxweyne ku-xigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa maanta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Somaliland.

0
20
๐–๐€๐‘ ๐’๐€๐—๐€๐€๐…๐€๐ƒ๐„๐„๐ƒ
Fadhigii 28-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jammhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo uu wehelinayey Madaxweyne ku-xigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa maanta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Somaliland.
Qodobbada maanta lagaga wada hadlay Fadhigii 28-aad waxa ka mid ahaa:
๐Ÿ. ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐€๐ฆ๐ง๐ข๐ ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐—๐š๐ฌ๐ข๐ฅ๐จ๐จ๐ง๐ข๐๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š:
Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Mudane Cabdalle Maxamed Carab. Wasiirku waxa uu Golaha u sheegay in guud ahaanba Amniga lixda Gobol ee dalku uu sugan yahay, isla markaana aanay jirin wax qalalaase ama xasilooni darro ah, marka laga reebo fal dambiyeedyada maalinlaha ah ee ka dhex dhaca Bulshada.
๐Ÿ. ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š:
Waxa ka war bixiyey Wasiirka Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Mudane Cabdillaahi Xasan Aadan. Wasiirku waxa uu sheegay in dedaal badan oo ay Wasaaraddu gelisay kaddib, ay
hawlaha ururinta Qaranku u socdaan sidii loogu talo galay. Wasiirku waxa uu Golaha u sheegay xagga Maaraynta iyo Maamulka Deeqaha Dibedda, Wasaaraddu iyada oo ka duulaysa wanaajinta xidhiidhka Qaadhaan Bixiyayaasha, waxa ay xoojisay aqoonta shaqaalaha Xafiiska Xisaabaadka Deeqaha Dibedda (External Assistance Fiduciary Section).
Wasiirku waxa uu sheegay in ay Wasaaraddu ku guulaystay xoojinta xidhiidhka iyo la-macaamilka Baanka Adduunka. Sidoo kale, Wasaaraddu waxa ay diyaarisay Jadwalka Diyaarinta Miisaaniyadda 2026-ka iyo dhammaan warbixinaha saldhigga u ah diyaarteeda.
๐Ÿ‘. ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐๐š ๐‡๐ž๐ž๐ซ ๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐†๐ฎ๐ซ๐ฆ๐š๐๐ค๐š ๐€๐›๐š๐š๐ซ๐š๐ก๐š:
Waxa ka war bixiyey Madaxweyne ku-xigeenka JSL, ahna Guddoomiyaha Guddida Gurmadka Abaaraha Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, isa isaga oo sheegay in guddi ahaan ay maanta yeesheen kulankii 1-aad. Kulankaasi waxa ay Guddida Heer Qaran kaga arrinsanayeen isku-dubbaridka iyo gaadhsiinta gargaarka degdegga ah sida biyaha, cuntada, iyo daawooyinka bulshada reer Somaliland ee Abaaraha ku tabaaloobay.
Madaxweyne ku-xigeenka JSL, waxa kale oo uu Golaha u sheegay in kulankaasi Xubnaha Guddida ay kaga wada hadleen dhammaystirka qaab-dhismeedka Guddida Heer Qaran ee Gurmadka Abaaraha, samaynta guddiyada Gurmadka Abaaraha ee heer Gobol iyo heer Degmo ee Gobollada dalka oo dhan, iyo la socodka xogaha maalinlaha ah ee xaaladaha Abaaraha dalka oo dhan. Guddidu waxa ay baaq iyo qaylo-dhaanba Beesha Caalamka, UN-ta iyo Waddammada saaxiibka la ah Somaliland.
๐Ÿ’. ๐—๐ž๐ž๐ซ๐ค๐š ๐€๐๐ž๐ž๐ ๐ ๐š ๐Š๐š๐š๐ฅ๐ฆ๐จ ๐’๐ก๐š๐ซ๐œ๐ข (๐‹๐ž๐ ๐š๐ฅ ๐€๐ข๐) (๐๐š๐ฒ๐›๐ข๐ง๐ญ๐š ๐Ÿ-๐š๐š๐):
Waxa si wadajir ah uga war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Mudane Yoonis Axmed Yoonis iyo Garyaqaanka Guud ee Xukuumadda, Mudane Cali Baashe Maxamed.
Wasiir Yoonis waxa uu Golaha u sheegay in Qabyo-Qoraalka Mashruucan ay Wasaaraddu gelisay dedaal badan, maadaama uu kor u qaadayo helitaanka Caddaaladda ee muwaadiniinta. Dhinaca kale, Wasiirku waxa uu hoosta ka xarriiqay in Adeegga Kaalmo Sharci uu ka mid yahay ballanqaadyadii ay Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad u samaysay shacabka JSL xilligii ololaha. Wasiirka Caddaaladdu waxa uu sheegay in Xeerkan ay saldhig u yihiin Mabaadii’da shanta ah ee kala ah:
1. Shareecada Islaamka,
2. Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland Qodobkiisa 28aad, farqaddiisa 3-aad,
3. Heshiisyada Caalamiga ah ee daryeelka sharci ee dadka nugul,
4. Ilaalinta iyo Dhawridda Xuquuqda Bini’aadamka,
5. Ixtiraamka iyo ku dhaqanka Sharciga.
Ugu dambayntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) waxa uu Xubnaha Golaha Wasiirrada faray in Wasaarad walba ay soo gudbiso waxqabadkeedii 6-dii bilood ee ina dhaafay, isaga oo Madaxweynuhu Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha ku bogaadiyey soo gudbinta waxqabadkeedii 6-da bilood.
๐€๐‹๐‹๐€๐€ ๐Œ๐€๐‡๐€๐ƒ ๐‹๐„๐‡
๐—๐ฎ๐ฌ๐ž๐ž๐ง ๐€๐š๐๐š๐ง ๐‚๐ข๐ ๐ž (๐ƒ๐ž๐ฒ๐ซ),
๐€๐Ÿ๐ก๐š๐ฒ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐