Fadhigii 29-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jammhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo Ka Qabsomay Qasriga Madaxtoyada

0
16
๐–๐€๐‘ ๐’๐€๐—๐€๐€๐…๐€๐ƒ๐„๐„๐ƒ
Fadhigii 29-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jammhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo uu wehelinayey Madaxweyne ku-xigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa maanta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Somaliland.
Qodobbada maanta lagaga wada hadlay Fadhigii 28-aad waxa ka mid ahaa:
๐Ÿ. ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐๐š ๐‡๐ž๐ž๐ซ ๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐†๐ฎ๐ซ๐ฆ๐š๐๐ค๐š ๐€๐›๐š๐š๐ซ๐š๐ก๐š:
Waxa ka war bixiyey Madaxweyne ku-xigeenka JSL, ahna Guddoomiyaha Guddida Gurmadka Abaaraha Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, isa isaga oo sheegay in ay Guddi ahaan qaadeen tallaabooyin dhawr ah, kuwaasi oo ka mid yihiin:
* Qaybinta raashin 15 kun oo qoys ah oo Dawladda Djibouti ugu deeqday Somaliland,
* Diyaarinta iyo dirista Baaqa Taakuleynta bulshada ay Abaaruhu haleeleen oo ku wajahan Bulshada Caalamka,
* La kulanka qaybaha kala duwan ee Ganacsatada dalka,
* La kulanka Hay’adda Caalamiga ah iyo kuwa Maxalliga ah ee ka hawl gala Somaliland.
๐Ÿ. ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐—๐š๐š๐ฅ๐š๐๐๐š ๐€๐ฆ๐ง๐ข๐ ๐š ๐๐š๐ฅ๐ค๐š:
Waxaa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Mudane Cabdalle Maxamed Carab
3. Warbixinta Arrimaha Dhaqaalaha, Maaliyadda iyo Dakhliga:
Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Mudane Cabdillaahi Xasan Aadan.
4. Warbixinta Wefti Culus oo Safar Shaqo ku tagay dalka Taiwan iyo arrimaha wax-ku-oolka ah ee u qabsoomay Qaranka JSL:
Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdiraxmaan Daahir Aadan.
5. Warbixinta Qaban-qaabada Shirweynaha Maalgashiga Jamhuuriyadda Somaliland:
Waxa wadajir uga war bixiyey Wasiirka Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Mudane Saciid Maxamed Buraale iyo Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada, Mudane Khadar Xuseen Cabdi.
6. Warbixinta Wasaaradda Horumarinta Beeraha oo la xidhiidha Shirar heer Caalami ah oo ay Wasaaraddu ka qayb gashay:
Waxa ka war bixiyey Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Beeraha, Mudane Mukhtaar Xaaji Muxumed Faarax.
7. Warbixin la xidhiidha Bixinta Oggolaanshaha Goobaha Caafimaadka iyo Dhibaatooyinka ku xeeran:
Waxa Golaha warbixin ka siisay Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, Marwo Samsam Maxamed Saalax-Yacniile.
8. Warbixinta bilowga Sannad-Dugsiyeedka 2025- 2026-ka iyo qaabka ay Wasaaraddu ugu diyaar garoobayso:
Waxa ka war bixiyey Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska, Mudane Maxamed Yuusuf Ibraahim (Faacuul).
9. Dood la xidhiidha Xeerka Adeegga Kaalmo Sharci (Qaybintii 2-aad):
Waxa Golaha hor keenay Wasaaradda Caddaaladda: Dood dheer iyo falanqayn mug leh oo Golaha Wasiirradu ka yeeshay Xeerka Adeegga Kaalmo Sharci, waxa lagu ballamay in loo codeeyo fadhiga kan ku xiga.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo soo xidhay Fadhiga 29-aad ayaa waxa uu Guddi-hoosaadyada Golaha Wasiirrada faray in la joogteeyo kulannada Guddiyada isla markaana ay dardargeliyaan waajibaadka saaran. Madaxweynuhu waxa uu bogaadiyey Wasaaradda Shaqada, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska iyo Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Difaaca Qaranka, maadaama ay soo gudbiyeen Warbixintoodii 6 biloodlaha ahayd.
๐€๐‹๐‹๐€๐€ ๐Œ๐€๐‡๐€๐ƒ ๐‹๐„๐‡
๐—๐ฎ๐ฌ๐ž๐ž๐ง ๐€๐š๐๐š๐ง ๐‚๐ข๐ ๐ž (๐ƒ๐ž๐ฒ๐ซ),
๐€๐Ÿ๐ก๐š๐ฒ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐