Fadhigii 30-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jammhuuriyadda Somaliland ayaa maanta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada

0
13
๐–๐€๐‘ ๐’๐€๐—๐€๐€๐…๐€๐ƒ๐„๐„๐ƒ
Fadhigii 30-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jammhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo uu wehelinayey Madaxweyne ku-xigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa maanta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Somaliland.
Qodobbada maanta lagaga wada hadlay Fadhigii 30-aad waxa ka mid ahaa:
๐Ÿ. ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐—๐š๐š๐ฅ๐š๐๐๐š ๐€๐ฆ๐ง๐ข๐ ๐š ๐๐š๐ฅ๐ค๐š:
Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Mudane Cabdalle Maxamed Carab. Wasiirku waxa uu sheegay in Amniga dalku uu sugan yahay dhan kasta oo la eegaba, isaga oo sheegay in amniga iyo xasilloonida Siyaasadeed ee lixda Gobol ee dalku uu sugan yahay, marka laga reebo fal dambiyeedyada maalinlaha ah ee ka dhex dhaca Bulshada iyo shilalka gaadiidka oo sababa dhimashada ugu badan dalkeena.
๐Ÿ. ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐€๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š, ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ƒ๐š๐ค๐ก๐ฅ๐ข๐ ๐š:
Waxa ka war bixiyey Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Ismaaciil Mawliid Cabdilaahi. Wasiirku waxa uu Golaha u sheegay in guud ahaan xaaladaha Dakhligu uu u socdo sidii loogu talo galay, iyada oo ay Wasaaraddu xoojisay dardargelinta Dakhliga Qaranka ka soo gala Cashuuraha Gudaha. Dhinaca kale, Wasiirku waxa uu Golaha la wadaagay in Nidaam Xisaabeedka Maamulka Maaliyadda Qaranku (FMIS) uu ka hirgalay Wasaaradaha iyo Hayโ€™adaha Dawladda Dhexe, Hay’adaha macaashka sameeya iyo Dawladaha Hoose.
Wasiirku waxa kale oo uu Golaha u sheegay in Diyaarinta Miisaaniyadda Qaranka ee 2026-ka iyo dhammaan qodobadii ka horreeyey ee uu qeexay Xeerka Maamulka Maaliyadda, Xeer LR: 75/2016 ay si habsami leh ay u socdaan.
๐Ÿ‘. ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐๐š ๐†๐ฎ๐ซ๐ฆ๐š๐๐ค๐š ๐€๐›๐š๐š๐ซ๐š๐ก๐š ๐‡๐ž๐ž๐ซ ๐๐š๐ซ๐š๐ง:
Waxa ka war bixiyey Madaxweyne ku-xigeenka JSL, ahna Guddoomiyaha Guddida Gurmadka Abaaraha Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, isaga oo sheegay in hawlaha gurmadka Abaaraha ee ay Xukuumaddu horseedka ka tahay ay si fiican u socdaan. Madaxweyne ku-xigeenka JSL waxa uu sheegay in Roobab ay ka da’een meelo ka mid ah Gobollada Galbeedka dalka taasoo xaaladdii biyo laโ€™aanta ee degaannadaasi woxogaa wax ka tartay, laakiin xaaladda cunto yaradu ay weli sideedii tahay.
Dhinaca kale, Madaxweyne ku-xigeenku waxa uu sheegay in meelo badan oo ka mid ah Gobollada Bariga ay jirto xaalad biyo yaraan ah, taasoo u baahan in si deg-deg ah wax looga qabto.
๐Ÿ’. ๐‚๐š๐ฌ๐ซ๐ข๐ฒ๐ž๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐๐ข๐๐š๐š๐ฆ๐ฒ๐š๐๐š (๐’๐ฒ๐ฌ๐ญ๐ž๐ฆ๐ฌ-๐ค๐š) ๐‡๐š๐ฒโ€™๐š๐๐š๐ก๐š ๐ƒ๐š๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐—๐จ๐จ๐ฃ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐‡๐š๐ง๐ง๐š๐š๐ง๐ค๐š ๐„-๐†๐จ๐ฏ๐ž๐ซ๐ง๐ฆ๐ž๐ง๐ญ-๐ค๐š:
Waxa ka warbixinyey Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Teknoolajiyadda, Mudane Jamaal Maxamed Jaamac, isaga oo sheegay in Wasaaraddu ay dejisay Qorshaha dib u habaynta Nidaamyada (Systems-ka) Hayโ€™adaha Dawladda, sidoo kalena ay kulanno la yeesheen qaybo ka mid ah Wasaaradaha haysta systems-ka. Dhinaca kale Wasiirku waxa uu Golaha u sheegay in Wasaaraddiisu:
* Ay abuurtay khubaro si gaar ah u qaabilsan Teknoolajiyadda Dawladda,
* In la sameeyey qalab (tool) lagu ogaanayo baahiyaha Wasaaradaha si loo helo xogta rasmiga ah,
* In Wasaaradaha lagaga shaqeeyo saamaynta systems-ka ay u baahan yihiin,
* In systems-yada ay Wasaaraduhu hadda adeegsadaan lagala shaqeeyo sidii ay gacantooda u soo geli lahaayeen, amnigoodana loo sugo.
Ugu dambayntii, Wasiirku waxa uu Golaha la wadaagay Dhismaha Xarunta Kaydka Xogta Qaranka (Somaliland National Data Center), taasoo dhismaheeda la bilaabi doono sannadkan.
๐Ÿ“. ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š:
Waxa Golaha warbixin ka siiyey Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, Mudane Dr. Xuseen Bashiir Xirsi, isaga oo sheegay in guud ahaanba Shilalka Gaadiidku ay yihiin kuwa sababa dhimashada ugu badan dalkeena, gaar ahaan Booyadaha Biyaha dhaamiya. Wasiirku waxa uu sheegay in arrintani ay Wasaaradda Caafimaadka ku hayso culays badan, sidaa darteedna loo baahan yahay in laga yeesho Qorshe Qaran oo wax lagaga qabanayo.
๐Ÿ”. ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐ƒ๐ฎ๐ฎ๐ฅ๐ข๐ฌ๐ญ๐š ๐‡๐š๐ฐ๐š๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐Œ๐š๐๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š:
Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda, Mudane Fu’aad Axmed Nuux. Wasiirku waxa uu Golaha la wadaagay warbixin qoto dheer oo la xidhiidha wax-qabadka Wasaaradda ee 6dii Billood ee ugu horreeyay 2025, isaga oo faah-faahin ka bixiyay waxyaabihii u qabsoomay muddadaasi oo ay ugu mudnaayeen:
1. Dib-u-habaynta Qaab-dhismeedka Maamul, Shuruucda iyo Siyaasaddaha Wasaaradda.
2. Xoojinta Waaxda Maamulka Hawada.
3. Dhismaha Terminal-ka 2aad ee Madaarka Hargeysa oo dhawaan la furi doono.
4. Tababarrada Shaqaalaha Wasaaradda iyo Madaaradda.
5. Dib-u-dhiska iyo Qalabaynta Xarunta Wasaaradda iyo Madaaradda.
6. Kor u qaadista gunnooyinka shaqaalaha Madaaradda iyo Wasaaradda.
7. Dhammaystirka Naqshada Dib-u-habaynta iyo Dhismaha Madaarka Caasimadda.
Ugu dambayntii Wasiirku waxa uu sheegay inuu la wadaagay Hayโ€™adda Qaramada Midoobay ee Maamulka Hawada iyo Duulimaadyada ee ICAO Mawqifka Jamhuuriyadda Somaliland ee Arrimaha Hawada, isla markaana uu la socodsiiyay Xafiiska Siyaasadda ee Qaramada Midoobay, Midawga Afrika, Midawga Yurub, Dalada ay ku midaysan yihiin Gaadiidka Cirka iyo Duulimaadyadu ee IATA, iyada oo Jamhuuriyadda Somaliland awood buuxda u leedahay una madaxbannaan tahay Maamulka Hawadeeda.
๐Ÿ•. ๐€๐ง๐ฌ๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐—๐ž๐ž๐ซ๐ค๐š ๐€๐๐ž๐ž๐ ๐ ๐š ๐Š๐š๐š๐ฅ๐ฆ๐จ ๐’๐ก๐š๐ซ๐œ๐ข:
Xeerkan oo ah mid kor loogu qaadayo helitaanka Caddaaladda ee muwaadiniinta JSL, waxa Golaha hor keenay Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda, Mudane Yoonis Axmed Yoonis. Dood iyo falanqayn dheer oo muddo qaadatay kadib, Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay cod gacan taag ah ku ansixiyeen Xeerka Adeegga Kaalmo Sharci, iyada oo aanay jirin cid diiday ama ka aamustay.
Gababadii Fadhigii 30-aad ee Shirka Golaha Wasiirada, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu bogaadiyey Wasaaradaha maanta soo gudbiyey wax-qabadkoodii 6-dii bilood ee ina dhaafay oo kala ah:
1. Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha,
2. Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta,
3. Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga,
4. Wasaaradda Horumarinta Beeraha,
5. Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka,
6. Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaarradda,
๐€๐‹๐‹๐€๐€ ๐Œ๐€๐‡๐€๐ƒ ๐‹๐„๐‡
๐—๐ฎ๐ฌ๐ž๐ž๐ง ๐€๐š๐๐š๐ง ๐‚๐ข๐ ๐ž (๐ƒ๐ž๐ฒ๐ซ),
๐€๐Ÿ๐ก๐š๐ฒ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐