Facebook Twitter Youtube
  • Home
  • The Government
  • Arrimaha Bulshada
  • Radio Hargeisa
  • Somali
  • العربية
  • English
Search
Logo
Facebook
Instagram
TikTok
Twitter
Youtube
Logo
Search
  • Home
  • The Government
  • Arrimaha Bulshada
  • Radio Hargeisa
  • Somali
  • العربية
  • English
More
    Home Qolka Muqaalada Muuqaallo Go’aammo Laga Soo Saaray Kulan Maanta Dhex Maray Madaxweynaha JSL Iyo Ergedii...
    • Qolka Muqaalada
    • Muuqaallo
    • Wararka

    Go’aammo Laga Soo Saaray Kulan Maanta Dhex Maray Madaxweynaha JSL Iyo Ergedii Is Xilqaantay Oo Uu Hoggaaminayey Gudoomiyaha Guurtidu.

    July 5, 2022
    625
    0
    Facebook
    Twitter
    Pinterest
    WhatsApp

      RELATED ARTICLESMORE FROM AUTHOR

      Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada JSL ku qaabilay Danjiraha Boqortooyada Ingiriiska (UK) u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya

      Fadhigii 29-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jammhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo Ka Qabsomay Qasriga Madaxtoyada

      Daawo: Madaxweynaha JSL oo Qaabilay Danjiraha UK u Qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya

      Daawo: Fadhigii 29-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada oo maanta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada

      Daawo: Guddida Abaaraha ayaa maanta kulan la yeeshay Haa’yaddaha Caalamiga ah iyo kuwa Maxaliga ah .

      Share this:

      • Click to share on Facebook (Opens in new window) Facebook
      • Click to share on X (Opens in new window) X

      Like this:

      Like Loading...

      Related

      Facebook
      Twitter
      Pinterest
      WhatsApp
        Previous articleGo’aammo Laga Soo Saaray Kulan Maanta Dhex Maray Madaxweynaha JSL Iyo Ergedii Is Xilqaantay Oo Uu Hoggaaminayey Gudoomiyaha Guurtidu. Hargeysa-05-07-2022-()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta qaabilay xubnaha ergeda is xilqaantay ee dhexdhexaadinta ee ay hoggaaminayo Gudoomiyaha golaha guurtidu. Kulankan oo ay madaxweynaha ku wehelinayeen xubnaha qaranka ugu sarreeya oo ay kamid yihiin madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), guddoomiyaha golaha guurtida, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, guddoomiyaha maxkamadda sare, Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, guddoomiyaha golaha wakiillada, Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed iyo xubnaha ergeda is xilqaantay, ayaa diiradda lagu saaray sidii Meesha looga saari lahaa buuqa iyo khilaafka siyaasiga ah, loona daaweyn lahaa tabashada ay mucaarudku qabaan. Ugu horrayn madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ergeda is xilqaantay soo dhaweeyey, waxana uu muujiyey in masuuliyadda qaran ee uu hayo iyo damiirkiisuba farayaan inuu danta qaranka ka shaqeeyo, kuna dheggenaado xeerarka iyo shuruucda dalka, maaddaama oo uu yahay ilaaliyaha Dastuurka Dalka, islamarkaana uu diyaar u yahay inuu dhinaciisa xadhigga debciyo oo uu muhiimad siiyo wax kasta oo dhinacyada siyaasadda isku hayaa isugu soo dhawaan karaan. Guddoomiyaha golaha guurtida, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa ugu horrayn madaxweynaha Qaranka ka codsaday inuu sii daayo xubnihii mucaaridka ahaa ee lagu xidhxidhay rabshadihii mudaharaadkii dhawaan Hargeysa ka dhacay, taas oo uu madaxweynuhu si masuuliyad leh u aqbalay. Dood iyo wada-hadal dheer oo saacado socday kaddib, waxa la isla qaatay labadan qodob oo ibo-fur u ah in is faham buuxa la gaadho, lana abuuro jawi isu soo dhawaansho iyo heshiis horseedi kara, kuwaas oo kala ah: • In lasii daayo dhammaanba xubnihii mucaaridka ahaa ee xidhnaa, sii dayntoodana loo maro nidaamka sharci ee dalka u dejisan, taas oo ah inay xeer ilaalinta iyo Boolisku ka laabtaan eeddii xubnahaas loo haystay, si ay maxkamadda gobolka Maroodi-Jeex xorriyaddoodii ugu celiso, kol haddii ay eeddii la noqdeen hay’adihii ku shaqada lahaa, taas oo isla maantaba bilaabantay, lana sii daayey. • In guddoomiyaha golaha guurtidu oo hoggaaminaya xubnaha ergeda ahi ay maalinta berri ah isu keenaan madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo hoggaanka madaxda labada xisbi mucaarid ee UCID iyo WADDANI, si wada-hadalkii rasmiga ahaa ee gogosheeda madaxweynuhu fidiyey u bilaabmaan. Ugu dambayn markii shirkaasi soo dhamaaday waxa Afka ergeda ku hadlay, Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil Ducaale oo madaxweynaha ugaga mahadnaqay sida milgaha leh ee uu u qaabilay maalintii labaad iyo sida xilkasnimada leh ee uu u aqbalay soo jeedimihii dhinacooda ka yimi, isagoo soo bogaadiyey qodobada ka soo baxay shirkaa maanta. ALLAA MAHAD LEH Naasir Yuusuf Daahir Agaasimaha Saxaafadda iyo Warbaahinta Madaxtooyada JSL
        Next articleSomaliland: President Receives Mediation Delegation at the Presidency
        admin
        admin

         

         

        Logo

        Learn more about the current Somaliland Government updates, latest news, our country’s former presidents, and more.

        More Links

        • Home
        • The Government
        • Arrimaha Bulshada
        • Radio Hargeisa
        • Somali
        • العربية
        • English

        Latest UPdates

        English

        Somaliland: President Bihi Inaugurates the Dacar-Buduq Valley Bridge

        العربية

        رئيس الجمهورية يبعث برقية تعزية ومواساة

        Wararka

        Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Qaabilay Hablo Kamid Ah Ciidanka Booliska Oo Saraakiil U Dallacay

        Categories

        • Wararka2242
        • Muuqaallo930
        • العربية591
        • English308
        • Tacsi156
        • Sawirro47
        • Maqaallo47
        • Home
        • The Government
        • Qolka Baahinta
        • Muuqaaladda
        • Xidhiidh

        © Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland, All Rights Reserved

        Facebook
        Instagram
        TikTok
        Twitter
        Youtube
        %d