Guddida Gurmadka Abaaraha Heer Qaran oo uu hoggaaminayo Madaxweyne ku-xigeenka JSL, ahna Guddoomiyaha Guddida, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa maanta Wakiilka Dawladda Imaaraadka Carabta u fadhiya Somaliland, Mudane Dr. Cabdalla Al Naqbi ka guddoomay deeq raashin mucaawino hor-dhac ah oo xaddigiisu dhan yahay 9,000 oo qoys, kaasi oo loogu talo galay taakuleynta dadka reer Somaliland ee ay Abaaruhu ku habsadeen.
Guddidu waxa ay Wakiilka uga mahad naqeen deeqda ay soo gaadhsiiyeen bulshada Somaliland ee ku tabaaloobay Abaaraha.
Sidoo kale, Guddida Gurmadka Abaaraha Heer Qaran waxa ay deeq lacag ah oo dhan 120,000,000 SHSL (boqol iyo labaatan Milyan SHSL) ka guddoomeen Guddoomiyaha Baanka Somaliland, Mudane Cabdinasir Axmed Xirsi. Lacagtan waxa Gurmadka Abaaraha ku deeqay Shaqaalaha Baanka Somaliland, tallaabadani oo ah mid ku dayasho mudan.
𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇
𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫),
𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝