Khudbad-Sannadeedka Dastuuriga Ah Ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi 2023-KA

0
462

KHUDBAD-SANNADEEDKA DASTUURIGA AH EE 2023-KA

 

  • Shir-guddoonka iyo Mudanayaasha Baarlamaanka;
  • Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Xeer-ilaaliyaha Guud;
  • Xubnaha Golaha Wasiirrada;
  • Taliyayaasha Ciidammada Qalabka-sida;
  • Shacabka JSL meel kasta oo ay joogaan;

 

As/calaykum,

 

Mudanayaal iyo Marwooyin,

 

Waxa maamuus, sharaf iyo xurmo ii ah in aan maanta Golaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Somaliland u jeediyo Khudbad Sannadeedka Dastuuriga ah ee sannadka 2023-ka.

 

Hordhac

 

Xukuumadda haatan xilka haysaa iyada oo sii ambo qaadaysa Barnaamijsiyaasadeedkii xisbiga KULMIYE ee horumarka dalka ee uu hoggaaminayey madaxweyne Axmed Siilaanyo, xukuumaddanina waxay dedaal badan ku bixisay inay sii waddo horumarkii Qaranka laga hirgelinayey iyo adkaynta amniga gudaha iyo xoojina difaaca Qaranka.

 

Nabadgelyada gudaha iyo difaaca Qaranku waxay udub-dhexaad u yihiin horumarka uu Qaranku tiigsanaayo ee maalinba maalinta ka dambaysa sii kobcaya, in la qabto oo hore loo mariyo adeegga bulshada sida caafimaadka, biyo nadiif ah, waxbaraso, waddooyin iyo shaqo abuur waxa kow ka ah nabadgelyo iyo in dalka laga difaaco cadowga.

 

Guulo waaweyn ayuu dalku gaadhay 32-kii sanno ee uu jirey, dawlad kasta iyo madaxweyne kastaana meel buu gaadhsiiyey, ta ku xigtaana ay kasii ambo qaaddo, waana hannaanka Qaranka loo dhistay ee aynu horumarka ku gaadhayno, waxase ina garab socda codowga Somaliland oo intaa ku dedaalaya inuu xagal daaciyo nabadda, wadajirka iyo horumarka. Cadowgaas Somaliland waxa uu hadda dagaal iyo colaado ka wadaa degaanka Sool, gaar ahaan Laascaanood, shacabka reer Sool na waxa ay kala mid yihiin shacabka reer Somaliland, xoojinta amniga, is dhexgalka iyo nabad-jacaylka, laakiin cadow aan u tudhayn ayaa kusoo dhex dhuuntay.

1.   DAGAALKA LAASCAANOOD

 

Dagaalka Laascaanood waxa wada maamulka Puntland oo ka badheedhay inuu sameeyo xuduud beeleed ka baxsan xuduudihii uu sameeyey isticmaarkii Afrika oo ay aqoonsadeen jimciyadda Quruumaha ka dhexaysa, midowga Afrika iyo ururrada caalamiga ah oo dhan.

Intii aannu dagaalkani dhicina waxyaabaha laga qabtay Laascaanood waxa kamid ah intii xukuumaddani xilka haysay waxa laga qoday 28-riig oo dhaadheer, xukuumaddii tan ka horraysayna in ka badan bay ka qodday, haddii aynu dhammaanba ceelasha xukuumaddu qodday waxa kamid ah

 

Ceelasha;

CEELASHA LAGA QODAY GOBOLKA SOOL 2018 – 2022
SN Goobta Cida Fulisay Gobolka Sanadka Nooca Mashruuca
1 Ceelka Qoriley Wasaarada  Biyaha G.Sool Sanadkii 2019 Ceel dheer (Riig)
2 Ceelka Dhumey Wasaarada  Biyaha G.Sool Sanadkii 2019 Ceel dheer (Riig)
3 Ceelka Xidhxidh Wasaarada  Biyaha G.Sool Sanadkii 2019 Ceel dheer (Riig)
4 Ceelka Saaxdheer Wasaarada  Biyaha G.Sool Sanadkii 2018 Ceel dheer (Riig)
5 Ceelka Kalabaydh Wasaarada  Biyaha G.Sool Sanadkii 2022 Ceel dheer (Riig)
6 Ceelka Bali hadhac 1 Wasaarada  Biyaha G.Sool Sanadkii 2022 Ceel dheer (Riig)
7 Ceelka Bali hadhac 2 Wasaarada  Biyaha G.Sool Sanadkii 2022 Ceel dheer (Riig)
8 Ceelka Dhabansaar Wasaarada  Biyaha G.Sool Sanadkii 2022 Ceel dheer (Riig)
9 Ceelka Shululux Wasaarada  Biyaha G.Sool Sanadkii 2022 Ceel dheer (Riig)
10 Ceelka Goljano Wasaarada  Biyaha G.Sool Sanadkii 2022 Ceel dheer (Riig)
11 Ceelka Guumays Wasaarada  Biyaha G.Sool Sanadkii 2022 Ceel dheer (Riig)
12 Ceelka Guumays Wasaarada  Biyaha G.Sool Sanadkii 2022 Ceel dheer (Riig)
13 Ceelka Yagoori 1 Wasaarada  Biyaha G.Sool Sanadkii 2019 Ceel dheer (Riig)
14 Ceelka Yagoori 2 Wasaarada  Biyaha G.Sool Sanadkii 2019 Ceel dheer (Riig)
15 Ceelka Yagoori 3 Wasaarada  Biyaha G.Sool Sanadkii 2019 Ceel dheer (Riig)
16 Ceelka Yagoori 4 Wasaarada  Biyaha G.Sool Sanadkii 2018 Ceel dheer (Riig)
17 Ceelka Canjiid Wasaarada  Biyaha G.Sool Sanadkii 2020 Ceel dheer (Riig)
18 Ceelka Tuulo Samakaab Wasaarada  Biyaha G.Sool Sanadkii 2019 Ceel dheer (Riig)
19 Ceelka Lafaweyne Wasaarada  Biyaha G.Sool Sanadkii 2019 Ceel dheer (Riig)
20 Ceelka Awrboogays 1 Wasaarada  Biyaha G.Sool Sanadkii 2018 Ceel dheer (Riig)
21 Ceelka Awrboogays 2 Wasaarada  Biyaha G.Sool Sanadkii 2019 Ceel dheer (Riig)
22 Ceelka Sarmaanyo 2 Wasaarada  Biyaha G.Sool Sanadkii 2019 Ceel dheer (Riig)
23 Ceelka Xuddun 1 Wasaarada  Biyaha G.Sool Sanadkii 2020 Ceel dheer (Riig)
24 Ceelka Xuddun 2 Wasaarada  Biyaha G.Sool Sanadkii 2019 Ceel dheer (Riig)
25 Ceelka Adhicadeeye Wasaarada  Biyaha G.Sool Sanadkii 2019 Ceel dheer (Riig)
26 Ceelka Geel caseeye Wasaarada  Biyaha G.Sool Sanadkii 2018 Ceel dheer (Riig)
27 Ceelka Dharkayn geeyo Wasaarada  Biyaha G.Sool Sanadkii 2019 Ceel dheer (Riig)
28 Ceelka Kacaya Wasaarada  Biyaha G.Sool Sanadkii 2019 Ceel dheer (Riig)

 

Dhinaca Caafimaadka; Muddadii xukuumaddu xilkan haysay waxa laga dhisay Cusbitaalka Maanka, Ballaadhinta Cusbitaalka Laascaanood. Waxa kale oo la dhisay xarumo caafimaad oo tiradoodu tahay 56 Xarumood, isla markaana waxa loo iibiyey 6 Gaadhi oo ah gaadiidka gurmadka degdeg ah, kuwaas oo kala ah:

SN Goobta Cida Fulisay Gobolka Tirada
1 Cusbitaalka Gobolka Wasaaradda  Caafimaadka Gobolka Sool 1
2 Cusbitaalka Maanka Wasaaradda  Caafimaadka Gobolka Sool 1
3 Cisbitaalada Degmooyinka Wasaaradda  Caafimaadka Gobolka Sool 3
4 Xarun Caafimaad Wasaaradda  Caafimaadka Gobolka Sool 36
5 Caafimaadka Aasaasiga ah Wasaaradda  Caafimaadka Gobolka Sool 17
6 Ambulance Wasaaradda  Caafimaadka Gobolka Sool 6

 

Waxbarashada; Muddadii xukuumaddu xilkan haysay waxay Gobolka Sool ka dhistay dhismayaal waxbarasho, isla markaana waxay dayactirtay dhismayaal hore u jiray. Guud ahaan dhismayaasha cusub iyo kuwa la dayactiray waxay dhan yihiin 19.

 

SN Magaca Dugsiga Demada Dugsi Cusub Tirada Fasalada
1 Yaaheel Laascaanood Dugsi Cusub 3 Fasal iyo 2 Xafiis
2 Caaroole Taleex Dugsi Cusub 2 Fasal iyo 2 Xafiis
3 Horyaal KG Laascaanood Dugsi Cusub 3 Fasal iyo 1 Xafiis
4 Goljano Primary Laascaanood Qololka gabdhaha ee cusub 2
5 Carrooley Laascaanood Hool Qalabaysan 4 Suuli 1
6 Tuka-raq Laascaanood Hool Qalabaysan 4 Suuli 2
7 God-aale Laascaanood Hool Qalabaysan 4 Suuli 1
8 Laascaanood (New) Laascaanood Dugsi Cusub 9
9 Abyan Laascaanood Kordhin 2
10 Manhal Laascaanood Kordhin 2
11 Godaalo Taleex Kordhin 4
12 Karin Dabayl Weyn Laascaanood Kordhin 2
13 Lafa-weyne Laascaanood Kordhin 2
14 Hoyga Laascaanood Laascaanood Kordhin 2
15 Macalin Jaamac Laascaanood Kordhin 2
16 Xuddun Xuddun Kordhin 2
17 Kalabaydh Laascaanood Hoolka shirarka 1
18 Xargaga Laascaanood Kordhin 2
19 Sarmaayo Laascaanood Kordhin 2

 

mashaariicda wadddooyinka waxa laga dhisay 12-waddo, dawladddii Siilaanyo iyo tan immika jirta marka la isku darona 12-kaa laami 17KM oo kamid ahi waa magaalada gudaheeda waana laami, waddooyinka carro-tuulka ah ee 12-kaa ku jirana waxa kamid ah ta Laascaanood-kala baydh, Adhi-caddeeye-tuulo-samokaab iyo dayac-tirka laamiga xargaga.

 

Mashaariicda Wadooyinka ee la Hirgaliyey

SN                                          Faahfaahinta
1 Laamiga Madaarka Magaalada Laascaanood 5Km
2 Laamiga Dhakhtarka Weyn ilaa Kantaroolka  4Km
3 Laamiga Fayo ilaa Dahabshiil 1.5 Km
4 Laamiga Telesom ilaa Kantaroolkii hore 3 Km
5 Laamiga Argada Royal ilaa Qudhacda 400 M
6 Laamiga Masjid Jaamaca Laascaanood 3 Km
7 Laamiga Yagoori Cadhootay ilaa Dhakhtarka 500 M
8 Laamiga Iskoyska Manhal ilaa Dugsiga Muuse Yuusuf
9 Wadada Xargaga
10 Wadada isku xidha Laascaanood ilaa Kalabaydh 32 Km oo caro kaawo ah.
11 Dayactirka Laamiga Adhi-cadeeyo ilaa Tuulo Samakaab
12 Dayactirka Jidka Laamiga ah ee Dhex Mara Magaalada Laascaanood

 

Dhismayaasha; Muddadii xukuumaddu xilkan haysay waxa laga dhisay Gobolka Sool dhismayaal dawladeed oo kala duwan, kuwaas oo dhan 31 dhisme oo kala ah.

SN Dhismayaasha
1 Dhismaha Xarunta Maamulka Gobolka Sool
2 Dhismaha Madaxtooyada Laascaanood
3 Dhismaha Baanka Laascaanood ee Socday.
4 Dhismaha Xarunta Ciidanka Dabdamiska Qaran ee Laascaanood
5 Xarunta Ciidanka Birmadka ee Laascaanood
6 Mashruuca Qorshaha Nashqadeynta Malaagada Laascaanood (Master Plan)
7 Dhamaystirka iyo Dayactirka Garoonka Cabdi Bile Cabdi
8 Mashruuca Biyo Xidheenka Widh widh
9 Dhismaha Korodhka Jaamacada Laascaanood
10 Dhismaha Saldhiga Farxaskule
11 Dhismaha Wasaaradda Xanaanada Xoolka iyo Horumarinta Kaluumaysiga ee Laascaanood
12 Dhismaha Maxadka Tababarka Diiniga ah ee Laascaanood
13 Hirgalinta Mashruuca GPLG ee Dawladda Hoose ee Laascaanood.
14 Dhismaha Boodhinka Laascaanood
15 Dhismaha Xarunta Gawraca Xoolaha ee Laascaanood
16 Dhismaha Godka Khashinka Laascaanood.
17 Xarunta Neersariga Cagaarinta Laascaanood
18 Mashruuca Soolarta Degmada Samakaab
19 Sameynta (5) Shan Barkadood Dhumay iyo Daba-taag.
20 Dayactirka Saldhiga iyo Dawladda Hoose ee Degmada Yagoori.
21 Mishiinka Kaydinta Oxygen-ta ee Laascaanood
22 Dhismaha Guriga Kaydinta Daawada
23 Dhismaha Guriga Calafka Xoolaha ee laga fuliyey Dalyare, Siindhoob iyo ooda-gooye
24 Dhismaha Xafiisyada Dekedda Qalalan ee Ganbadha.
25 Cashuur Dhaaf loo Sameeyey 655 Gaadhi ee Gobolka Sool
26 Dhismaha Saldhiga Taleex
27 Dhismaha Xafiiska Gobolka Taleex
28 Dhismaha Xafiiska Degmada Taleex
29 Dhismaha Dhaamka Taleex
30 Dugsiga Farsamada Adhi Cadeeye
31 Dhismaha Saldhiga Booliska Sarmaayo

 

 

Iyada oo gobolka horumarkaasi ka socdo oo jaamacaddii socoto oo ardaydii ku jirto oo iskuulladii socdaan oo dawladdii waddo gacantana ku hayso hawl-socodsiinta iyo mushaharka iyo adeegga dhaqtarka Laascaanood oo ay hirgelisay xukuumaddii hore ee KULMIYE, lagana maalgeliyey sanduuqa SDF, heshiiskii lagu dhisayna ay ku jirtay in xukuumaddu la wareegto muddo saddex sanno gudaheed ah oo ay xukuumaddu hawl-socodsiintiisa la wareegto dhaqtarka iyo dugsiga hoyga ah ee ku yaalla Laascaanood, labadiibana ay xukuumaddu gacanta ku hayso, islamarkaana ay labaduba yihiin dugsiga hoyga iyo dhaqtarka kaliya ee xukuumadda Somaliland 100% ay kharashkooda bixiso, dalka oo dhan, taana waxa loogu sababaynayey duruufo gaar ah oo ah in gobolkaasi lasoo gaadhsiiyo gobollada dalka.

 

Iyada oo intaas oo dhammi jirto dadka reer Sool na deggen yihiin, ayeynu bilownay in doorashooyinkii loo diyaargaroobo oo diiwaangelintii laga galo gobolka Sool. Waxana xaqiiqo ah in shacabka reer Laascaanood ay si weyn usoo dhaweeyeen inay kaadhadhka codbixintana qaataan doorashooyinkana ka qayb qaataan, una diyaargaroobaan hay’adda ugu sarraysa dalka oo ah madaxweynaha, taas oo aan shaki ku jirin haddii ay isku raacaan inay tartan adag u geli lahaayeen.

Hase yeeshee markii ay halkaas marayso,

 

Maxa keenay Dagaalka Laascaanood?  

 

Waxa la bilaabay in colaad iyo dagaal la abuuro, dagaalkaasna waxa abuuray laba kooxood oo kala ah, maamulka Puntland oo aan ka gabbanin inuu weerarkaas soo qaado, toddobaadkii horena madaxweynaha Puntland waxa uu goob fagaare ah ka sheegay inuu ciidankiisu ka dagaallamayo kana dagaallami doono, Laascaanood iyo deegaankeedaba oo ka difaaci doono cid kasta oo soo faragelisa.

 

Waxaynu ognahay caalamkuna ogyahay in 1884-kii markii Afrika la qaybsaday Somaliland iyo soomaaliyadii Talyaanigu gumaysanayey xadka u dhexeeya la qeexay oo uu yahay mid caalami ah oo ay aqoonsan yihiin jimciyadda quruumaha ka dhexaysa, midowga Afrika iyo ururrada kaleba oo aanu muran geli karin, badheedhka Puntland ku doonayso inuu ku sameeyo xad-beeleed waxaynu weydiinaynaa markii Talyaaniga iyo Ingiriisku wax qaybsanayeen xadkaa yaa dhigay. Ingiriis iyo Talyaani midna ma dhigine waxa xadka dhigay odayaashii reer Sool iyo odayaasha dhinaca kale oo iyagu ku heshiiyey inuu halkaas xadku noqdo oo aanay halkaas isku dhaafi, labada nin ee xadkaa isku hayeyna waa Catoosh oo Ra’isal wasaare Cabdirisaaq awowgii ahaa iyo Koore oo Saleebaan Cali Koore Awowgii ahaa.

 

Dadkii sidaas u doortay ee Somaliland kamid ahaa ee garaadkii guud ee Dhulbahante, garaad Jaamac Garaad Cali uu kamid ahaa Afartii soo saxeexay xornimada Somaliland ee dawladda Ingiriiska  waxay ila tahay inuu maamulka Puntland maanta yidhaahdo waxan samaynayaa xad-beeleed mid suurogelaysa ma aha, dadka reer Sool na waa kuwii markii horeba xadkaa dhigay, waana dhulkoodii, caalamiyanna Somaliland bay kamid yihiin.

 

Reer Sool, 30-kaa sanno iyagaa wax ka dhisay Somaliland, Garaad Cabdiqani Garaad Cali-na waxa uu ahaa ninkii ay SNM heshiiska ku wada galeen Balligubadle in dalka laga xoreeyo Siyaad Barre, Somaliland ay dib xorriyaddeedii uga hesho dawlddii lagu hungoobay. Haddaba maamulka Puntland wuxuu is dhacsiiyey in haddii aanay Villa Somaliya ka madaxweyne noqon ama ka Ra’isal wasaare noqonin inaanay aqbalin inay Villa soomaaliya cid kale maamusho, sidaa darted ilaa maalintii Puntland la Aas aasay waxay ku taamaysay inay qayb kamid ah Somaliland oo ay kula gorgortanto Villa Soomaaliya, waxanse u sheegayaa dadka reer Sool Somaliland way ku dhaadataa, iyaguna way ka gobsan yihiin dad loo adeegsado in lagu cadaadiyo Villa Soomaaliya inaanay ahayn wayna garanayaan, cidda imika fidnada wadda ee qoladaas ku kaalisayna waa argagixisada caalamiga ah oo in badan qorshaynaysay inay deegaanka Laascaanood ka dhigto meel aan deggenayn oo colaadi ka jirto oo ay gabbaad ka dhigato. Toban sanno ka horna waxay bilowday inay disho haldoorka madaxda Somaliland ee gobolka ka shaqaysa iyo dadka taageersan Somaliland, islamarkaana ay abuurto inay Somaliland dadkaas laynayso.

 

Waxan idiin sheegayaa maalintii dagaalku bilaabmayey hay’adaha dawladda oo dhan waxa qudha ee dadka gobolka maamulayey aan reer Laascaanood ka ahayn badhasaabkii, waxan isweydiinayaa cidda gumaysanaysay ee laga xoraynayey cidda ay tahay, dadkii la qaxi, magaaladii la burburiye yaa laga xoraynayey, dadkiise maanta halkay joogaan, aad baan uga xumahay dadka reer sool ee maanta qaxoontiga ah ee la leeyahay hay’aduhu ha u gargaareen. 15-sano oo uu ciidanka Qaranku Sool joogayna wax aan ammaan iyo wanaag ahayn lagama soo sheegin. Immika waxa Laascaanood ka socda aad baan uga xumahay wax la eegan karona ma aha, magaaladana cidi kama hor joogtee ciidankii wuu iskaga baxay oo xeryahoodii bay ku noqdeen.

 

Garaadkii kali ahaa ee Laascaanood joogay baa yidhi shir baan magaalada ku qabanayaa si dadka loo dejiyo, waannu ku raacnay, wayna yimaaddeen, Afar cisho markay joogeenna halla galo dagaalka oo halla jihaaday yidhaahdeen. Waxanu ugu baaqaynaa dadka reer Laascaanood nabad inay magaalada kusoo noqdaan, cusbitaalladii iyo iskuulladii furno, wixii la kala tabanayana aynu fadhi isugu sheegno, midna ma suurtoobayso, xadkii Somaliland baan xoog qabali ah ku beddelayaa dhici mayso caalamkana kama dhacdo. Haddii dad wada degeni is diidaanna way wada hadlaan.

 

Cadowga Laascaanood isu soo bahaystay ee aynu in badan nabadda ka barinay waxanu leenahay annagu nabad wax dhaama garan mayno, ninkii nabad diidana waannu edbin naqaannaa, kuwii kaa horreeyey ee Hargeysa iyo Burco burburiyey ee 50,000 ka kun ee qof ku dilay 1988-kii ee maantana Garoowe isdul fadhiyow waynu is naqaannaa oo waanu nool nahay. Waxan soo dhaweynayaa cid kasta oo nabadda ka shaqaysa iyo odayaasha reer Soomaaliya ee dalka yimi, waana markii ugu horraysay ee aannu aqbalno in madax-dhaqameed soomaaliya ahi inay soo galaan arrintan Somaliland ka jirto, sababta aanu u aqbalnayna waa in markii ay qayb soomaaliya kamid ahi tidhi waxanu goosanaynaa qayb Somaliland ah ee aannu odayaashoodii ku nidhi miyaad la qabtaan waxay na yidhaahdeen maya, annana waxanu ku nidhi kaalaya nala eega waxa dhacay, nabadda diyaar baanu u nahay laakiin waxa laga wada hadlayaa waa xayndaabka Somaliland.

 

Maanta madax-dhaqameedka inoo yimi ee reer Soomaaliya waa ergo, ergo nabadeedna lama diido oo waynu ogolaannay, wixii danteenna ah iyo halka aynaan mari karayna waynu u sheegnay.

 

Haddii xabbad-joojin iyo kala durkinta labada ciidan tahayna caalamka hab baa jira nabadda loo galo, xabbad joojinta labada dhinacba waa inay aqbalaan, kala durkinta labada ciidanna waxay ku xidhan tahay haddii ay meeshu maamul lahayd oo dawladi ka jirtay maamulkii dawladda haysa, markaa dadka cabanaya ee dagaallamayaa waa inay ka baxaan, waana caalami oo meel laga maro ma laha, annaguna waxanu nin walba leenahay ninka doonaya inuu Laascaanood nabad ka galo waa in marka kowaad ciidamada Puntland ka baxaan, mana aqbalayno in iyadoo Puntland joogto aanu nabad galno, qolada argagixisada ah ee fidnada abuurtayna iyaga waanu is hurranahay oo waanu kala calaf qaadaynaa, dadka reer Laascaanood na waxanu leenahay walaalayaal annagu nabadii uun baanu haynaa oo idiin quudhi mayno inaanu idin weerarno, waana waxa kaliya ee nala gudboon.

 

 

Wax-qabadka dawladda

 

Aragtida aanu xukuumad ahaan ku shaqaynaynay waxay ahayd si loo helo dawlad waxqabad leh waa in dawladnimada lafteeda la Xalaa, weelkaba waa la xalaa marka wax lagu qabanayee. maaddaama oo aynu duruufo adag kasoo baxnay oo aynu dhismo yabyab ah nahay oo durufo dhaqaale ina haystaan, cadow badanina inagu hareeraysan yahay waxa qasab ah in cidda hannaanka dawladda ka shaqaynaysa la hufo oo laga dhigo dad duruufaha ina horyaalla ka hortegi kara, si taas loo gaadhana waqti dheer oo samir iyo dhaqaaleba u baahan baa loo baahan yahay oo is faham leh, waxana aannu qaadnay in la bilaabo tayeynta dawlad wanaagga, waxana aanu u dhamaystirnay siyaasaddii iyo xeerarkii taas lagu fulin lahaa. Waxana aynu u baahannahay inaynu qaabka dawladnimada dhisna, waxana dhisaya goleyaasha Qaranka oo kala ah xeerdejinta, fulinta iyo garsoorka oo iskaashanaya oo arrintaas ka midaysan oo dhexda u xidhanaya in dadka kala qoqobnaanta inta laga saaro mid wada noqdaan, waxana aan qabaa inaynaan markaa kaddib u baahan doonin mucaawimo dibadeed iyo dhaqaale kale oo aynu isku filnaan doono, tusaalena waxa inoogu filan Singapore.

 

2.   TAYEYNTA MAAMULKA EE HAY’ADAHA DAWLADDA

 

  1. Tayeynta Maamulka Dawladnimo

 

Si loo helo maamul dawladeed oo hufan waxay Xukuumaddu xil weyn iska saartay sidii loo horumarin lahaa Maamul-wanaagga, waxaana u qabsoomay;

 

  1. Tayeynta Xafiiska Maamul-wanaagga, iyada oo la dhamaystiray Siyaasadda Maamul-wanaagga Qaranka, taas oo daboolaysa guud ahaan nidaamka loo marayo maamul-wanaaga Wasaaraddaha iyo Hay’addaha Dawladda.

 

  1. Hagayaasha Aasaaska u ah Qiimeynta Maamul-wanaagga oo sahlaya in la-qiimeeyo sida ay shaqadooda u gutaan Wasaaradaha iyo Hay’addaha Dawladdu.

 

  1. Hagaha Xil-wareejinta Qaranka, si aanay u lumin xusuusta, iyada oo markaana ay wehelinayso masuul kasta oo nidaamka ku cusub in uu helo macluumaad dhamaystiran iyo tobabar indho-fur u ah shaqada uu qabanayo.

 

  1. Hagaha Maamul-wanaagga Qaranka oo ka sii dhambalmay Siyaasadda Maamul-wanaagga ayaa dhamaystirmay iyada oo laga duulayo baahida iyo dar-dargalinta Xafiisyada Dawladda.

 

  1. Iyada oo laga duulayo mihiimada xeerarka iyo dhaqan galintooda ayaa laga shaqaysiiyay Xeerka Kala-xadaynta

 

Nidaamka Xukuumadda Dhexdeeda si xafiis walba u guto waajibaadkiisa shaqo.

 

Waxa kale oo dawlad-wanaagga kamid ah in si ay dawladnimadu u hirgasho oo ay u noqoto mid dadka deeqda oo la aammino waa inaynu sharciyo dejinno,

 

  1. Xeerarka ay Xukuumaddu Curisay Sannadihii 2018 ilaa 2023

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Xeerarku waxay kaalin mug leh ka qaataan Dhismaha Qarannimada, waxayna qeexaan hab-dhaqanka iyo masuuliyadaha Hay’adaha Qaranku ka kooban yahay ee

 

la xidhiidha Koboca Dhaqaalaha, Horumarinta Adeegyada Arrimaha Bulshada, Adkaynta Nabad-gelyada iyo Sugidda Xuquuqaha Aasaasiga ah ee muwaadiniinta.

Haddaba, Xukuumadda JSL iyadoo ka duulaysa Qodobka 74aad, farqadiisa 1aad ee Dastuurka oo awood u siinaya diyaarinta iyo soo bandhigidda Mashruuc Sharcyeedyada, waxay curisay sannadihii 2018 ilaa 2023 Xeerar tiradoodu dhan tahay 42 Xeer, kuwaasi oo isugu jira 34 dhaqan-galay iyo 8 Golaha Baarlamaanka la-yaalla.

Xeerarkaasi waxay ka-qayb-qaadanayaan Koboca Dhaqaalaha, sida;

  • Xeerka Aaga Cashuuraha ka-caagan
  • Xeerka Ganacsiga
  • Xeerka Dekedaha
  • Xeerka Maalgashiga
  • Xeerka Caymiska.

Xeerarka ka qayb-qaadanaya Sugidda Amniga iyo Xasilloonida waxa ka mid ah;

  • Xeerka La-Dagaalanka Maandooriyaha,

 

  • Xeerka Ka-Hortagga iyo Xakamaynta Tahriibka.

Sidoo kale, waxa ku jira Xeerarka Arrimaha Dimuqraadiyadda iyo Doorashooyinka ku saabsan oo uu ka mid yahay Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaangelinta Cod-bixiyaha, Xeerkaasi oo lagu mideeyay dhammaan Xeerarkii Doorashooyinka Qaranka iyo Diiwaangelinta Cod-Bixiyayaasha.

Waxa kale oo ay Xukuumaddu dejisay oo Golaha Wasiirradu ansixiyeen Siyaasado muhiim u ah Horumarka Dalka, kuwaasi oo ay ka mid yihiin; Siyaasadda Maamulka Dhulka Iyo Siyaasadda Diiwaanka Sakada.

  1. Wacyi-gelinta iyo Barashada Dastuurka

Dastuurkeennu wuxuu in badan ku celcelinayaa dhaqaalaha dalka sida loo maamulayo, wuxuuna kusoo gebogebaynayaa dhaqaalaha dalku waa inuu noqdaa mid dadka wada gaadha oo aanay abuurmin koox tanaadday iyo dadka intiisa kale oo faqri ahi, inay dadku sidaas u kala fogaadaanna Dastuurkeenna iyo diinta islaamkuba way mamnuucayaan.

 

Innagu waynu heli karaynaa maalgashi dhaqaale iyo shaqaba abuura, wuxuu u dhici kari la’ yahay iyo sababta dunidu inoogu soo dhiirran la’dahayna xeerka maalgashiga ayeynu ku qeexnay haddii ay aynu labadii waaxood nahay, waanna waddo haddii aynu sideeda u fulino aynu ku gaadhayno waxaynu doonayno.

 

Si dawlad fiican loo helo waa inay bulshadeennu waxaynu u baahannahay in xeerarka aynu hayno dadkeenu bartaan, waxana ugu weyn Dastuur oo aannu ogaanay in shacabkeenna 80% aanay dastuurka aqoonin, akhriyin, warna u haynin ee ay maqlaan uun, dadkeenna inta badanina markay wax dhacaan waxay u cararaan reerkii, haddii ay dhibi ku timaadana waxay kaalmo u doontaan reerkii, si taas aynu uga gudubnona dawlad baynu dhisanay oo Dastuur baynu samaysanay, dadkoo dhammina waa inay Dastuurka fahmaan, si loo fahmona waxanu furmay oo samaynay Barnaamijka WAA DANTAADEE BARO DASTUURKA, waxana muddo nagu qaadatay inaanu helo dadkeena u macnayno waxa uu Dastuurku yahay.

 

Haddii aynu dhaqanka soomaalida eegnona Dastuurku wuxuu  noqday Caynka, baydda iyo dabo-geliska isu haya rarka iyo ratiga, haddii Awrka hayinka ah ee carruurta iyo ubbada subagga ah aanay saddexdaasi u giijisnayn markuu kacay dhaafaysaa, Dastuurkuna Afartaas kala ah dalkii, dadkii, fikirkii, horumarkii ama dhaqaalihii ah buu isu hayaa.

 

  1. Garsoorka iyo Cadaaladda

 

Garsoorkeenna anigu waxan markhaati ka ahay maamul ahaan inay dedaal aad u weyn wadaan,

Sannadkii 2022 waxa Maxkamadaha dalka soo galay 21,068 dacwadood, kuwaas oo iskugu jira Madani iyo Ciqaab.

 

Waxa dhammaaday 17,680 dacwadood, halka Maxkamaduhu fuliyeen 3,884 dacwadood.

 

Tirada iyo noocyada danbiyada ka dhacay Dalka 2018 ilaa 2022

Sannadka Tirada Dilalka Tirada Kufsiga Shilalka Aragagixisada Khamriga liter Xashiishada KGs Iska Horimaadka dhimasho
2018 61 53 3457 Nil 7895 2600  
2019 65 40 3232 Nil 4211 28.25  
2020 53 161 4789 21 5589 270  
2021 89 232 5581 21 41000 2110 1
2022 60 266 5829 16 7066 75.5 4
Wadar 328 752 22888 58 65761 5083.75 5

Mudaneyaal waxa inoogu daran dembiga kufsiga la yidhaahdo oo si qayru caadi ah u kordhaya, arrintaasina waxay u baahan tahay inaynu Qaran ahaan daraasad dhab ah oo aynu isku raacsannahay helno

 

  1. Hay’adda Shaqaalaha Dawladda

 

Afartaa sanno dedaal weyn baynu ka galnay in habka dadka loo shaqaalaysiinayaa ay noqoto mid caddaalad ah oo loo siman yahay, inkasta oo aan is leeyahay 60% waad saxdeen haddana weli mushkilad baa taagan oo 40% baan inoo hirgelin, mushkiladduna waa in inta dadku ay karaameeyaan ee ixtiraamaan ee eegtaan, ayaa qaar badan oo kamid ahi aanay weli ka adkaysan karin caaddifadihii aynu ka guurnay.

Korodhka Shaqaalaha ee Sannadihii 2017-2023

 

2017 2023 Faraq %
14,854 26,800 11,946 80

 

  1. Qandaaraasyada

 

Waxa Dib-u-casriyeyn iyo Daah-furnaan laga dhigay Hanaanka Qandaraas-bixinta Dawladda, waxaanna awood la siiyay Guddida Qandaasyada Qaranka, si ay u gutaan xilkooda.

 

Muddadaas aan hoggaankan dalka hayey waxa Nidaamka Qandaraas bixinta qaranka la mariyey 1,166 qandaraas oo ku kacay lacag dhan $103,605,101.6. Qandaraasyada la bixiyey muddadaas waxay kala ahaayeen:

 

  • 418 qandaraas oo ahaa dhismayaasha cusub iyo qaar la dayactiray, kuna kacay lacag dhan $60,857,636.07.

 

  • 395 qandaraas oo ah Qalab, Miishiinno, Dawo iyo Raashin, kuna kacay lacag dhan $34,925,971.74.

 

  • 353 qandaraas oo Gaadiid ahaa, kuna kacay lacag dhan $7,821,493.83.

 

3.   ARRIMAHA BULSHADA

 

  1. Waxbarashada

 

Xukuumaddani intii ay talada haysay 96% bay kordhisay miisaaniyadda waxbarashada, tirada ardayduna waxay korodhay 50%, Barbaarinta Hoose/dhexe waxay korodhay 49%, farsamada gacantuna hoos bay inooga dhacday, sababtuna waa waxay u baahatay dhaqaale iyo in loosoo iibiyo qalab aynaan dawlad ahaan awooddeeda soo iibsi haysani lahayn, qalabkii arrintaas lagu hirgelin lahaa iyo dhaqaalihii macallimiinta lagu soo qaadan lahaa baa inagu yaraaday, taasina waa xoolo dirqi oo mustaqbalka waa inaynu isugu tagnaa sidii loo heli lahaa.”

Korodhka Miisaaniyadda Waxbarashada ee 2017 – 2022

 

2017 2022 Faraqa %
102,615,623,952 200,626,411,498 98,010,787,546 96

 

Sidaa darteed, waxa si xawli ah u kordhay koboca waxbarashada dalka, tiro ahaan iyo tayo ahaanba; waxa kordhey tirada ardayda dugisyada iyo sidoo kale tirada dugsiyada waxbarshada ee dalka:

Tirada Ardayda dalka ee sannadada 2018 iyo 2022  

 

 

Heerka Waxbarasho 2018 2022 Heerka Korodhka
Barbaarinta 13,434 20,152 50%
Hoose/Dhexe 257,340 384,230 49%
Dugsiyada Sare 54,702 77,862 42%
Farsamada Gacanta 3,346 2,400 -28%
Waxbarashada Dadban 1,228 11,258 817%

 

Barayaasha Shaqada Aqoontooda Kor Loo Qaaday

Sannadka 2018 2019 2020 2021 2022
Bareyaasha la tababaray  400 400 400 530 981

 

 

 

Barayaasha Cusub Ee Lagu Tababaray Kulliyada Tababarka Macallimiinta Qaran (Preservice Teachers)

Sannadka 2018 2019 2020 2021 2022
Bareyaasha la tababaray 229 215  

 

Tirada Dugsiyada Cusub Ee La Dhisay (2018-2022)

  Dugiyada Cusub ee la dhisay Rugaha Akhriska Xafiisyada Goobaha Nasashada Gabdhaha
2018 39   1 6
2019 27   1 3
2020 100 2 6 5
2021 75 1 2 3
2022 15 3   0
 Wadarta 256 5 10 17

 

  1. Caafimaadka

Lacagtaa dhimirku waxay ka timi wanaagga ay leedahay marka la iskaashado, shir ay yeesheen wasaaradda maaliyadda iyo  caafimaadku waxa lagu go’aamiyey in dhibaatada qaadku inagu hayo ay kamid tahay dadka qaadkaa cunaa inay ugu badan yihiin daadkaas, waxana loo yeedhay qaadleyaasha, waxana loo sharraxay dhibaatada ay shaqadoodu bulshada ku hayso, waxana la go’aamiyey in lacag aan cashuur ah oo aan miisaaniyaddii ahayn oo dadkaa dhibaataysan cusbitaalllo loogu dhisayo ay bixiyaan, wayna abqaleen oo waan ugaga mahadnaqayaa.

 

 

Korodhka Miisaaniyadda Caafimaadka ee 2017 – 2022

 

2017 2022 Faraqa %
62,249,529,774 123,834,203,231 61,584,673,457 99

 

Sidaa darteed, waxa si weyn u kordhay adeegga caafimaadka, dhismayaasha iyo gaadiidka degdega ah ee Caafimaadka dalka, waxaanna ka mid ah:

 

  1. Sida ku cad daraasadihii la kala sameeyey 2016 iyo 2020, waxa hoos u dhacay tirada Hooyada Umul-raacda (geeriyoota

 

xilliga dhalmada) oo 2016-kii Boqolkii Kunba ee Dumar ah ee Umulaba waxa umul-raacay 736. Halka 2020-kii Boqolkii Kunba ee Dumar ahba ee Umulaba ay umul-raaceen 396.

 

  1. Waxa dhisme cusub oo casriya oo qalabaysan lagu kordhiyey qaybta dhalmada ee Cusbitaalka Hargeysa.

 

  1. Waxa dhisme cusub lagu soo kordhiyey qaybta kalyaha ee Cusbitaalka Hargeysa, isla markaan la keenay mishiinnadii kalyaha sifeynayey oo cusub, oo casri ah.

 

  1. Waxa dhismayaal cusub iyo dib-u-habayn lagu sameeyey qaybta dhimirka ee Cusbitaalka Hargeysa, isla markaana kor loo qaaday adeegga loo fidiyo dadka maanka wax-ka-qaba.

 

  1. Waxa laga hirgeliyey Cusbitaalka Guud ee Hargeysa xarun lagu baadho cudurka Kansarka.

 

  1. Waxa laba Cusbitaal oo casri ah oo dhanka maanka ah laga dhisay magaalooyinka Laascaanood iyo Ceerigaabo.

 

  1. Waxa Cusbitaalo cusub laga dhisay magaalooyinka Arabsiyo, Gar-adag, Garba-dadar, Oog, Yagoori, Burco iyo Berbera.

 

  1. Waxa la kordhiyey Dhismaha Cusbitaalka Weyn ee Boorama, isla markaana waxa la geeyey Shaybaadh casri ah (PCR), Mishiinkii Ogsajiinta Dhalinayey, Mishiinnada Kelyaha Sifaynayey, waxaana la bilaabay adeeggii kalyo-sifeynta Gobolka Awdal.

 

  1. Waxa kale oo saddex Cusbitaal oo cusub laga dhisay magaalada Hargeysa, kuwaas oo kala ah; Cusbitaalka Naasa-hablood ee bariga Hargeysa, Cusbitaalka Waqooyiga Hargeysa iyo Cisbitaalka Degmada Koodbuur ee Magaalada Hargeysa.

 

  • Waxa dhisme laba dabaq ah lagu kordhiyey Cusbitaalka Maxamed Aadan Sheekh ee caruurta ee Magaalada Hargeysa.

 

  • Waxa Magaalada Hargeysa laga dhisay Shaybaadhka Guud ee Qaranka.

 

  • Waxa Magaalada Hargeysa laga dhisay Xarunta Gurmadka Caafimaadka degdeg ah ee Qaranka.

 

 

  • Waxa Gobollada Dalka la gaadhsiiyey mishiinnada casriga ah ee lagu baadho xanuunada (PCR Machines) iyo kuwa dhalliya ogsajiinta.

 

  • Waxa kale oo dalka la keenay 61 Gaadiidka Gurmadka deg-deg ah.

 

  1. Waxa si weyn loo kordhiyey Xarumaha Caafimaadka ee Hooyada iyo Dhallaanka (MCH), iyagoo ahaa 110 Xarumood, lana gaadhsiiyey 285 Xarun caafimaad. Waxa lagu kordhiyey 175 oo u dhiganta 159%

 

  1. Biyaha

Muddadii xukuumaddaydu xilkan haysay waxay xoogga saartay sidii shacabka Somaliland ay u heli lahaayeen biyo nadiifa oo ku filan. Wax badan way inoo qabsoomeen, waxaanna inoo hirgalay:

  • Ceelasha iyo Dhamamka

Guud ahaan Ceelasha dhaadheer ee dalku waxay ahaayeen 304 ceel. Muddadii xukuumadani xilkan haysay waxa la qoday 241 ceel, taas oo ka noqonaysa Xisaabta Boqolayda in ceelashada dhaadheer la kordhiyey 80%.

Sidoo kale, muddada kor xusan waxa la qoday 55 dhaam biyood, isla markaana waxay xukuumaddu beddeshay nidaamkii dhaamamka loo qodi jiray oo hadda waxaa loo beddelay

 

 

(Haffir Dhams) oo ah dhaamam waaweyn oo qaadaya ilaa 500 ilaa 600 oo kun oo foosta, halka markii hore la qodi jiray balliyo yar-yar oo aan jiilaalka waxba ka tarayn.

Qorshahan waxaa loogu talo galay in hadii xili roobaad ama laba xili roobaad baaqdo aanu dhaamkaasi go’in.

 

  • Magaalooyinka Biyaha La-galiyey

Waxaa kor loo qaaday biyo-gelinta magaalooyinka Boorama, Gebilay, Burco, Berbera, Caynaba, Ceerigaabo iyo Saylac. Waxa kale oo magaalooyin badan laga bilaabi doonnaa biyo gelin cusub.

 

  • Biyo Balaadhinta Caasimadda

 

Muddadii Xukuumadani xilkan haysay waxa dadaal iyo tacab badan la-geliyey sidii qaybo ka mid ah caasimaddu ay biyo ku filan u heli lahayd.

Horraantii sannadkii 2018-kii biyaha ay caasimaddu maalintii heli jirtay waxay ahaayeen 6,500 m3, halka maanta ay hesho 18,000 m3, waxa la kordhiyey 11,500 m3, kaas oo u dhigmaya Boqolkiiba Boqol iyo Toddoba iyo Toddobaatan (177%).

Muddadii u dhexeysay bishii Oktober 2022 ilaa April 2023 waxa biyo-gelin loo sameeyey in ka badan 10,000 oo Guri oo hadda hela biyaha qasabadda ee ka yimaadda Geed-Deeble.

Hawsha Biyo Balaadhinta ee Caasimaddu may aheyn hawl sahlan, waxaana korodhka baaxaddaas leh ee la sameeyey ay ku timid ceelal cusub oo la qoday, kuwii hore oo la dayactiray, beebab cusub oo la soo dhigay oo uu ku jiro beebka weyn ee isku-xidha Geed-deeble iyo Hargeysa, dhaamam biyood dhulka hoostiisa ah.

 

 

 

Biyo-xidheenka Kalqoray

Biyo xidheenkan waxa laga bilaabay dooxa Kalqoray oo ilaa 4 km bariga ka xiga deegaanka Geed-deeble. Ujeedada dhaamku waa in la qabto biyaha roobka si aynu ula jaan-qaadi karno isbeddelka cimillada dunida.

Marka la sifeeyo biyaha dhaamkan waxa biyahiisa loo soo gudbin doonaa dhinaca Caasimadda Hargeysa.

Dhaamkan waxa uu dhererkiisu dhan yahay 658m, jooggiisuna waa 10 mitir iyo 4 mitir oo uu hoos u qodan yahay, bedka uu ku fadhiisan doonaa waxa uu dhan yahay 40 hectar, waxaana lagu qiyaasay inuu hayn karo in ka badan 1 milyan oo m3.

Biyo-xidheenkan waxa maal-geliyay muwaadiniin reer Somaliland ah iyo Wakaalladda Biyaha Hargeysa.

 

Oodweyne waxanu ka qodnay dhaamka ugu weyn Somaliland. Marka magaalada Hargeysa koritaankeeda la eego, waxa loo baahan yahay inay mustaqbalka dhaw hesho 60,000 oo mitir Qubic, waayo waa lagu soo gurmayaa Hargeysa oo dadkii caasimadduu ku soo ururayaa.waxaynu u baahanahay Dhaamam waaweyn oo Hargeysa loo qodo, ceel la qodo oo Riig ahi Hargeysa waraabin maayo, waayo xawli bay ku socotaa.

 

4.   DHAQAALAHA

 

Intii xukuumaddani xilka haysay dhaqaaluhu waxa uu sanad kasta kordhay 41%, wershedona lama samayne wixii kastamada kasoo xeroonayey uun baa la nidaamiyey, waxaynu ku dedaalnay inaanu sicirka doolarku dhaafain 82,000-83,000 Slshl, Bishan u dambaysay se kor buu ku kacay oo wuxuu marayaa 89000, sababtuu u kacayaana waa mid caalami ah oo dagaalka Ukrain baa kow ka ah, waxa kale oo kamid ah muranada iyo xurgufaha ka jira dhexdeenna ee ta Laascaanood ugu weyn tahay iyo buuqyada badan ee dhexdeena ka dhaca.

 

Mudadii aan xilkan Madaxweynaha hayey iyadoo ay inala soo gudboonaadeen duruufo adag, haddana waxaanu xukuumad ahaan ku dadaalnay kobcinta dhaqaalaheena. Sannadkii 2019 waxa uu heerka dhaqaalaha dalku (GDP) ahaa 2.346 Bilyan oo Doollar, halka sannadkii 2022 uu ahaa 2.583 Bilyan oo Doollar. Koboca wax-soo-saarka dalku waxa uu ku yimi siyaasadda dawladda ee ku wajahan furfurida dhaqaalaha, dhiirigelinta ganacsiga iyo maalgashiga iyo dadaalka shacabkeenna iyo ganacsatadeena.

Isku-duubnideenna iyo isku-tashigeenna aynu halkaa ku soo gaadhnay ayeynu ku sii gaadhi doona mustaqbal intaa ka sii wanaagsan. Isha Allah.

Sidoo kale, mudddadii xukuumaddani xilkan haysay waxa si weyn u kordhay Miisaaniyadda Dawladda.

 

Korodhka Miisaaniyadda Dawladda ee 2017 – 2022

 

2017 2022 Faraqa %
1,553,204,022,280 2,497,612,595,220 944,408,572,940 61

 

Korodhkaas ballaadhani waxa uu ku yimi dadaalka ay Xukuumaddu gelisay dakhli uruurinta iyo ka-hortagga musuqmaasuqa, waxaana uu inoo suurto-geliyey in ay kordhaan Adeegyada Bulshadu.

 

Waxa dib-u-habayn ballaadhan lagu sameeyay hannaanka maaliyadeed ee dalka, iyada oo xisaaabaadka wasaaraddaha iyo dhammaan hay’addaha laga dhigay mid ku dhisan nidaamka casriga ah ee (PFM), isla markaana aan kor u qaadnay hannaanka isla-xisaabtanka.

 

Waxa dib u casriyeyn iyo nidaamin lagu sameeyay nidaamka mushahar bixinta ee shaqaalaha dawladda oo laga dhigay in ay

 

Akoonadooda toos uga qaataan, taas oo meesha ka saartay wax-is-dabarintii maaliyadeed.

 

Laga soo bilaabo bishii January 2018-ka xukuumaddu waxa ay dardargelisay dib-u-habaynta Maamulka Maaliyadda (PFM Reform), si loo hubiyo hufnaanta, wax-ku-oolnimada, iyo isla-xisaabtanka nidaamka loo isticmaalo khayraadka kooban ee lagu aaminay gacanta dawladda, iyada oo lagu horumarinayo dhaqaalaha gudaha, taas oo horseed ka noqon doonta in la hagaajiyo, lana horumariyo adeegyadda ay dawladdu bixiso.

 

Hagaajinta Maamulka Maaliyaddu waxa uu wax ka taraa yaraynta lunsiga, dayaca, ka-hortagga musuqmaasuqa cashuurta kooban ee ay dawladdu ka qaado muwaadiniinta iyo in la hubiyo in khayraadkaasi loo adeegsaddo meelaha mudnaanta gaarka ah u leh qaranka.

 

Waxa si buuxda loo hirgeliyey Nidaamka Xogaha Maamulka Maaliyadda ee loo yaqaano “Somaliland Financial Management Information System “SLFMIS”), kaas oo qaybihiisan soo socdaa si buuxda uga hirgaleen dawladda dhexe iyo Dawladaha Hoose:

  1. Qaybta Kharash Bixinta;
  2. Qaybta Mushahar Bixinta;
  3. Qaybta Diyaarinta Miisaaniyadda;
  4. Qaybta Diiwaangelinta Hantida Maguurtada ah oo lagu tijaabiyay Wasaaradda Maaliyadda;
  5. Qaybta Cashuuraha Adeegga iyo Alaabta (Goods and Services Tax) oo lagu qaban doono cashuurta iibka adeega iyo alaabta oo diyaarsan;
  6. Qaybta bixinta nidaamka iibka;
  7. Qaybta dawladaha hoose;
  8. Qaybta shirkadaha ay dawladu saamiga ku leedahay;
  9. Iyo qaybta hay’adaha dakhligooda iyo kharashkooda soo saara sida Wakaaladaha Biyaha, Dekadda iwm oo sanadkan in ay soo galaan la doonayo;

Waxa dib-u-habayn lagu sameeyey nidaamka uu u shaqeeyo Hanti-dhawraha Guud ee Qaranku, oo markii hore baadhi jiray Arrimaha Maaliyadda, balse haatan awood u leh in uu sameeyo baadhitaano la xidhiidha:

  1. Ku dhaqanka shuruucda “Compliance Audit”
  2. Baadhista wax-qabadka hay’adaha Dawladda “Performance Audit”
  3. Baadhista Danbiyadda laga galo maaliyadda “Fraud Investigation”
  4. Baadhista Qiime-galka Lacagta “Value for Money Audit”

 

Baadhitaanaddan oo waafaqsan Xeerka Hanti-dhawrka, waxa loo sameeyay hagayaasha loo raacayo, waxaana lagu tababaray dhammaan shaqaalaha Xafiiska Hanti-dhawrka.

 

Korodhka Dhoofka Xoolaha ee Sannadaha 2018 – 2022

 

2018 2022 Faraqa %
1,397,466 2,235,470 838,004 60

 

Wax-soo-saarka

Waxa xukuumaddu ku dedaashay sidii ay u kordhin lahayn wax soo saarka dalka, si aynu u sugno helitaanka dalag inagu filan oo aynu manaafacaadsanno. Si loo kordhiyo wax-soo-saarka Dalka waxa la tijaabiyey dalagyo cusub.  Waxa la dardar-geliyey qodaalka beeraha dawladda ee Wajaale, Xaaxi iyo Beer.

Waxa iyana wax laga qabtay dhaqaaleynta ciidda iyo biyaha, si kor loogu qaado wax-soo-saarka. Sidoo kale waxa hawl weyn laga qabtay hawlaha badbaadinta beeraha iyo La-dagaalanka Ayaxa.

Waxa ay xukuumaddu gargaar u fidaysay beeralayda dalka, iyadoo laga caawiyey sacadaha qodista iyo shinida beeraha sannadihii 2021, 2022 iyo 2023. Waxa 41,000 oo qoys lagu caawiyey 134,000 oo saacadood oo qodis ah.

Sidoo kale, waxa laga caawiyey miishannada biyaha soo-saara oo dhan 128 miishiin iyo qalabka kale ee Beeraha, sida; Tuunbooyinka, Madaraqa, Yaanbadda iyo Majarafadaha.

Kaabayaasha Dhaqaalaha:

Shantii sanno iyo dhawrkii bilood ee la soo dhaafay waxa dalka ka hirgalay mashaariic waaweyn, kuwaas oo ay ka mid yihiin; balaadhinta iyo casriyeynta Dekedda weyn ee Berbera oo hadda awood u leh inay rogto 500,000 oo kontaynar sannadkiiba, waxa dhamaatay wadada ganacsi ee Berbera – Wajaale Corridor, qaybtiisa Berbera-Halaya, waxaana la bilaabay dhismaha wadada inta hadhsan oo ah Hargeysa ilaa Kalabaydh. Waxa kale oo dhamaaday Wadada Hargeysa Bypass oo ah wada cusub oo dhareerkeedu yahay 22.5 km oo ku xidhan Berbera Corridor, isla markaana loogu talagalay in ay caasimadda ka qaado saxmadda baabuurta.

Waxa laga dhigay Madaarka Berbera mid Caalami ah, oo u adeegi kara dhammaan badeecadaha Dalalka aan Dekedaha lahayn ee Afrika, waxaanu ka mid yahay maanta madaaradda adduunka ugu casrisan, marka la eego baaxadda diyaaradaha soo fadhiisan kara.

Waxaana gebogebo ku dhaw casriyeynta terminal ka madaarka Hargeysa oo aanu go’aaminay nagana aqbaleen shirkadaha Somaliland inay hawshaas qabtaan oo ay dhistaan ay ku dhiirradaan dhismaha Terminal kaas, shirkaddii ku guulaysatayna waa laga heshiiyey, xaal-xaalkii ugu dambeeyey baana socda, sannadkan gudihiisana waxan filayaa inay bilaabanto casriyeynta Teminal ka Hargeysa oo ay shirkad Somaliland ahi casriyeyso.

 

Wax dhamaaday oo si rasmi ah u hirgalay dhismaha wajiga kowaad ee Aaga Cashuuraha ka caagan (Somaliland Economic Zone) oo dhan 54 hectors, iyadoo la dhisay 34 hectors.

Waxa dhammaaday Dhismaha Dekedda Kalluumaysiga ee Maydh.

 

Mashaariicda Waddooyinka kale:

 

Baanka Afrika waxa uu wadaa deraasadda waddada Burco-Hargeysa oo ah waddo aad loogu baahan yahay, haddii ay Berbera sidan immika sii ahaatana gaadiidka xamuulka maraya maalin walba shil baa ku dhaca oo gaadiidku way is daba joogaan, rakaabka iyo xamuulkuna ma wada gelayaan, markaa waxaynu isku daynay oo caalamka weydiinay sidii ay degdeg ugu hirgeli lahayd waddada Burco-Hargeysa, si culayska looga qaado waddada Berbera-Hargeysa.

 

  • Dhismaha waddada ceerigaabo oo maraysa xaal-xaalkii u dambeeyey waxa ku baxay in ka badan $61 Milyan.

 

  • Dib u habaynta waddada Sheekh iyo Burco oo la dhamaystiray 40 Km iyo buundada Kalajab.

 

  • Wadooyinka waaweyn ee ay Daraasadoodu socoto sida wadada Hargeysa-Burco, Lawyo-cado – Boroma.

 

  • Waxa kale oo ay xukuumaddu gacan ka gaysatay dhismaha waddooyinka kale ee bulshooyinka deegaamada kala duwani ay isku xilqaameen dhisid-dooda.

 

 

 

 

 

 

Caqabadaha inala soo gudboonaaday:

 

Shantii sanno iyo dhawrkii bilood ee u dembeeyey waxa dalkeena la soo gudboonaaday caqabado waaweyn oo aan inta badan maareynay. Waxa ka mid ahaa:

 

  1. Aqoonsi la’aanta

In kastoo aynu tacab badan gelinay aqoonsi-raadinta, haddana dalkeena wali beesha caalamku may aqoonsanin.  Aqoonsigu waa hadafkeena, waana sii wadeynaa dadeelkeena. Aqoonsi la’aantu waa caqabad aynu kaga gudbi doono dadaalkeenna iyo kartideenna.

 

  1. Isbeddelka Cimilada

Isbeddelka cimilladu waa xaqiiq dhab ah, saameynteediina waynu aragnaa, dhibteeduna kuma koobna Somaliland oo qudha, balse waxay saameysay caalamka oo dhan. Dalkeena aabaraha soo noqononaya, roob yaraanta, iyo xaalufka dhulkubu waa calaamadaha isbeddelka cilmillada. Meelaha qaarna waad aragtaan roobab laxaadka leh ayey helaan oo dhibaatooyin waaweyn geysta.

 

Sida qudha ee looga samata bixi karo isbedelka cimilladu waa in lala qabsado oo adkeysi la yeesho.  Waxaynu og-nahay in isbeddelka cimillada ee dalkeena ka jiraa uu saameynta u weyn ku leeyahay reer guuraaga iyo beeralayda. Sidaa darteed, waxa lagama-maarmaan ah in aynu wax ka beddelno qaab nololeedkeenna. Inta badan noolosheennu waxay ku tiirsanayd xoolo, xoolo dhaqatadiina wey sii yaraanaysaa.

Waxa kale oo aynu og-nahay in kumanaan ka mid ah dadkeenii xoola dhaqataada ahaa ay caydhoobeen oo ay noqdeen barakacayaal ku jira Xeryo. Dadkaa Hay’adaha ayaa ku quudiya xeryaha ay degan yihiin. Waxaa ay Hay’aduhu siiyaan maaha wax u qalma sharaftooda, baahidoodana dabooli Kari. Xeryaha waxa ka abuurma in uu qofku ku tiirsanaado gacan bini’aadam, waxaana hoos u dhaca kalsoonidii qofnimo iyo u halgankii nolosha.

Si loogu sameeyo xirfada shaqo da’yarteena ka soo barakacay miyiga iyo kuwa magaalooyinka ku noolba waxa inoo qorshaysan in ay waxbarashadeenu ay ka turjunto baahida shaqo ee dalkeena ka jirta, waxaynu xoog saaraynaa inaynu kordhinta barashada xirfadaha shaqo (technical skills), iyadoo aynu kordhin doonno goobaha lagu barto farsamada gacanta.

Waxaynu dadaal badan ugu jirnaa sidii dhalinyarada ka soo barakacaysa noloshii reer miyiga aynu ugu sameyn lahayn fursado xirfado shaqo (technical skills), si ay uga baxaan nolasha adag ee ay ku nool yihiin, una yeesheen aqoon iyo xirfad ay ku shaqo tagi karaan.

Sida aad la socotaan waxa dalkeena ka buuxa shaqaale ajanabi ah oo ku shaqeysta shaqooyinka farsamada gacanta oo ay qaban karaan muwaadiniinteenu haddii ay ku dadaalaan in ay bartaan aqoonta farsamada gacanta.

 

Si aynu u yareyno saameynta taban ee isbeddelka cimillada waxa lagama-maarmaan ah in aynu ka faa’iidaysanno khayraadka kale ee dalkeena sida kaluumaysiga iyo dhaqaalaha ku dhisan badda (blue economy). Xukuumadda waxa ka go’an in ay dejiso qorshaha bulshadeena in ka mida loogu jihayn lahaa ka faa’iidaysiga khayraadka baddeena. Waxa ahmiyad iyo mudnaan gaar ah laga siiyey kaluumaysiga Barnaamijka Qorshaha Qaranka ee Saddexaad (2023 -2027) oo aynu dhawaan daahfurnay.

 

Dabkii Suuqa Waaheen

Gubashadii suuqa waaheen waxay ka mid ahayd masiibooyinka ugu waaweynaa ee inala soo gudboonaaday muddadii aan xilkan hayey. Dabkii suuqa Waaheen waxa ka dhashay hanti iyo dhaqaale burbur weyn oo saameyn ku yeeshay dhaqaalaheeni.

Waxa Ilaahay mahadii ah in suuqii Waaheen dib u dhiskiisii uu maanta inoo bilaabmayo, Engineeradeenii arrintaas aad uga shaqeeyey iyo guddidii uu wasiirku hoggaaminayey oo dedaal qayru caadi ah sameeyey, maalinba qayb baa la dhisayaa, waxana loogu talo galay in ilaa toban dabaq la wado dhismeyaasha, waxana aan bogaadinayaa ganacsatadii suuqaa Waaheen oo arrintan u adkaystay.

 

 

 

 

  • Dabkaas waxa ku gubtay oo la diiwaan geliyey 3,216

 

  • Guryaha dadweynaha ee khasaaraha dabku gaadheen waxay ahaayeen 211 guri, halka guryaha dawladda ee ku gubtay Suuqa Waaheen ay ahaayeen 245

 

Si wax looga qabto khasaarihii ka dhashay dabkaas Dawladdu waxay qaaday talaabooyin badan oo ay ka mid ahaayeen:

 

  • Diiwaangelinta guryaha iyo meheradaha.

 

  • Xidhista wadooyiinka soo gala suuqa si loo ilaaliyo amaanka hantida aan waxa noqon ee wali taalay suuqa.

 

  • Nadiifintii hadhaagii alaabtii ku gubatay Suuqa Waaheen.

 

  • Tirada dadka wax la siiyey waxay ahayd 2,935

 

  • Wadarta lacagta la siiyey Ganacsatada hantidu ka gubatay oo dhami waxay ahayd $10,650,035 Hantidii ugu badnayn ee ka gubatay Ganacsade keliya waxa ay dhammayd

 

$480,000 Doollar, waxaana cawil-celin loo siiyey Boqolkiiba Toban (10%), halka Ganacsadaha ay ka gubatay hantida ugu yar ay ahayd 73 Doollar cawil-celin loo siiyey 500 oo Doollar, iyadoo la qaatay siyaasad ah in wixii ay ka gubteen wax ka yar 500 oo Doollar in la siiyo 500 Doollar.

 

Waxa la go’aamiyey in guryaha dadweynaha ee waxyeelladu soo gaadhay guri walba laga bixiyo 45% kharashka ku kacaya dib-u-dhisida guriga.

Waxa la diyaariyey naqshadda casriga ah ee guryaha dawladda iyo kuwa shacabka si bilicda iyo tayada guryaha suuqu u noqdaan kuwa iswaafaqsan (standard).

 

Guryihii dadweynaha ee waxyeelladu soo gaadhay oo ka koobnaa 24 sakadood (211 Guri) dhamaantood way bilaabeen shaqadii dhismaha, waxaanna la guddoonsiiyey 45% oo ka mid ah qiimaha lagu dhisayo guryaaha, taas oo uu dhiganta ku dhowaad 4 Malyan oo dollar, halka kuwa dawladda ay socoto hawshii u-diyaargorwaga dhismaha oo ay hadda marayso wajigii ugu danbeeyey ee qandaraas bixinta.

 

Amniga iyo difaaca

Isku xidhka gobollada dalka, shaqaynta dawladaha Hoose, kabka dhaqaalaha ee dawladda dhexe usii dayso degmooyinka iyo sida dhaqaalahaasi u gaadhayo, waxan ku bogaadinayaa wasaaradda Daakhiliga iyo ciidamada Amniga oo 24-ka saacba heegan ku jira.

Gaashaandhigga

Xukuumaddu intii ay jirtay way u dedaashay wasaaradda Gaashaandhigga, haddana hawshii ay u baahnayd 30% may helin, sidaas oo ay tahay hawshii Qaranku uga baahnaa ee difaac lahayd ee cadow ka celin lahayd waxa hubaal ah inay 200% fuliyeen oo aanay ku cabanin miisaaniyad baa yar oo ay Somaliland cadow kasta oo soo hungureeya ay dhirbaaxo kulul ku dhuftaan, tusaanna inaanay Somaliland ahayn meel loosoo hurguroodo ahayn, waxana ay inaga mudan yihiin ixtiraam qaddarin iyo xurmo.

5.   DOORASHOOYINKA

 

Somaliland waxa lagu majiirtaa Dimuqraadiyad iyo Doorashooyin xor iyo xalaal ah, taasina waxa ay innooga baahan tahay dhammaystirka tiirar aasaasi u ah, oo ay ugu horreeyaan:

Midhihii doorashada ee saaxiibadayada mucaaridku heleen, midhaheedii waxa inooga soo baxay Wakiillo iyo mudaneyaal gole deegaan, waxan bogaadinayaa dhallinyaradii loo doortay dawladaha Hoose iyo maayaraddii ay doorteen oo 90%  keenay weji cusub, waxqabad iyo aqoon oo ay dadkii geliyeen himilo cusub, waxana aan qirayaa in goleyaashii laga doortay Laascaanood iyo maayarkoodii kamid noqonayaan kuwii ugu wacnaa qorshe ahaan iyo horumar ahaanba, nasiib-darro nimaan Laascaanood ka naxayn baa dumiyey oo maanta qaxoonti ka dhigay.

 

Baarlamaankii lasoo doortay 80% rag odayaal ah, aqoon leh, deggen Qarankana u shaqaynaya weeye, 20-ka soo hadhayna waa dhallinyaro aqoon leh oo dhallinyaronimadu shidayso, iyaguna insha allah hayin bay noqon doonaan.

 

 

  • In doorashooyinku ku qabsoomaan xilliga uu Sharcigu u muddeeyo, in kasta oo ay mararka qaarkood dib ugu dhacaan duruufo adag oo ay ka mid-yihiin (Dhaqaale, Abaaro , Arrimo Bulsho).

 

  • In Xisbiyada Qaranka oo ah hilinka ay Muwaadiniintu u maraan xaqiijinta hankooda siyaasadeed ay noqdaan kuwo ku dhisan sharci, oo aan marna muddo dhaaf noqon, dhexdoodana ay ka muuqato dimuqraadiyad dhab ah oo ku dhisan mabaa’dii iyo siyaasad cad oo qeexaysa qorshaha ay dalka ku horumarin karaan.

 

  • In dhaqaalaha Xisbigu uu ka yimaado taageerayaasha Xisbiga ee gobol kasta, kana fogaadaan faro-gelin shisheeye. Haddii faro-gelin shisheeye soo dhex-gasho Xisbiga, waxay khatar ku tahay Qarannimada Dalkeena.

Muddadii ay xakuumaddu xilkan haysay waxaynu guulo ka gaadhaynay dhanka dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka.

Waxa inoo qabsoomay labadii doorasho ee isku-sidkanaa ee Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Deegaanka oo midhaheedii uu yahay Mudanayaasha Golaha Wakiillada ee maanta halkan fadhiya iyo Mudanayaasha Golayaasha Deegaanka ee Dalka.

Muddaas waxa kale oo aynu hirgelinay laba diiwaangelin cod-bixiyayaal ah, tii hore waxa lagu galay Doorashooyinkii Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Deegaanka iyo tii inoo qabsoontay 28 December 2022 ilaa 26 January, 2023 oo ay si weyn uga faa’iidaysteen da’yarteenii gaadhay da’dii ay sharciyan isugu

 

diiwaan gelin lahaayeen iyo dadweynihii kala ee aan fursad u helin inay is-diiwaan-geliyaan.

Labadii Doorasho ee isku-sidkanaa iyo labadii Diiwaan-gelinood waxa ku baxay lacag dhan $25,995,619. 

Fiira-gaara: waxa kale oo la bixin doonaa lacagta ka dhiman hawlaha kaadh-qaybta Diiwaan-gelintii dembe oo dhan $2,506,744.

Iyadoo la tixgalinayo xaqa dastuuriga ah ee muwaadiniinta reer Somaliland ay u leeyihiin in la dooran karo, waxna dooran karaan ayaa 15 Januray 2022 ay maxkamadda dastuuriga ahi go’aamisay Furitaanka Ururrada Siyaasiga ah.

Sidaa darteed, anigoo fulinaya Go’aankii Maxkamadda Dastuuriga ah ayaan magacaabay Xubnihii Guddiga Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka. Golaha Wakiilladuna isagoo gudanaya wajibaadkiisa dastuuriga ayuu isna aqlabiyad ku ansixiyey Guddidaa.

Waxa is-diiwaangeliyey 15 Urur-siyaasadeed oo kala hufid iyo kala shaandhayn ka bacdi ay soo baxeen 10 Urur-siyaasadeed oo iyaga iyo saddexdii hore ee Xisbi Qaran ay geli doonaan tartanka loogu tartamayo saddexda Xisbi qaran ee dalku yeelan doono tobanka sanno ee soo socda.

Waxa kale oo aan magacaabay 7-dii xubnood ee Komishashanka Doorashooyinka Qaranka, Golaha Wakiilladuna uu cod aqlabiyad ah ku ansixiyey.

Waxa inagu soo fool leh laba doorasho oo masiiri ah oo kala ah Doorashada ay saddex Xisbi Qaran ka soo baxayaan iyo Doorashada Madaxtooyada.

 

Hawlaha hoggaaminta Doorashooyinka waxa iska leh Komishanka Doorashooyinka Qaranka.

Si aynu u xaqiijinno hir-gelinta Doorashooyinka waxa la inooga baahan-yahay dhammaanteenba in aynu iska kaashanno, gacmahana is-qabsanno sidii ay inoogu qabsoomi lahaayeen Doorashooyinku.

 

Mucaaridku cadow aniga iima aha, aniga ima necba, qoys ahaanna iima necba deegaan ahaanna iima necba, laakiin ragga markay hadalka bilaabayaan meel baas ka tuurayow adiga uun bay kugu qoran tahaye aniga waxba ima yeelaysid, inagu dad collooba oo is naca ma nihin, waxanse is leeyahay nin waliba wuxuu is leeyahay wax hagaaji hadii se aad meelaha qaarkood igu qoonsatid kuma cadaadinayee waxan is leeyahay wuu qaldan yahee ka qabo uun baan isleeyahay, laba qodob baynu is dheer nahay aniga waxa la i yidhi fuliye ayaad tahee wixii qalad ah qabo oo is hortaag, adigana waad madax-bannaan tahay oo kuma saarna xil fulin ahi, laakiin aniga intaas oo dhan baa i saaran oo isku mid noqon mayno.

 

 

Doorashooyinkii waa in la qabtaa oo waa qasab, haddii kale wada-socon kari maynee, haddaba innaga oo miyirqabna doorashooyinkii ma wada galnaa.

 

Waxaynu galnay diiwaangelintii cod-bixiyayaasha waxana aynu u qorshaynayaa Shan milayn oo dollar, markii ay hawshii soo qabteenna waxay yidhaahdeen waxa loo baahan yahay Laba milyan iyo Toddoba boqol oo kale, xaaladdeenana waynu isla wada ognahay oo miisaaniyaddeennii oo qolada Baarlamaanku ay si wax yidhaahdeen oo aanay waxbaba hambaynin, haddana Baarlamaanka waa la raacayaa go’aankiisa, illayn waa golihii sharcidejintee. Qasab waxa noqotay in labadii Milyan iyo Toddobadii boqol la helo, kuna bushaaraysta lacagtaas waa la bixinayaaye, marka aynu ka baxno dabbaaldegga 18-ka Mayna lacagtaas waa loo sii daynayaa guddida diiwaangelinta si ay kaadhadhkii ugu qaybiyaan.

 

Doorashooyinku waxay u dhacayaan sida sharcigu dhigaayo, waxana aynu qabanaynaa oo aan sharci u arkaa doorashadii ururrada iyo xisbiyada, sababtuna waa bishii January 2022-kii maxkamadda sare ururradii halla furo ayey tidhi, waana ku raacnay, muran badanna waynu ka galnay waynuna isla garan weynay,  waxanu golaha wakiillada hordhigay in la sameeyo guddida ururrada hirgelin lahayd, markii aanu sababtii u sharraxnayna wuu igu raacay in guddida la ansixiyo si aynu ururradii u galno, guddidii waa la dhisay, wixii dhaqaale loo hayeyna waan ku dhaqaajiyey oo hawshoodii bay qabteen, Toban baana kasoo hadhay oo sharciyad lasoo siiyey, saddexdii xisbi ee horena waqtigoodii wuu dhacay oo tobankii sanoba dadka xisbiyo halloo furaa la yidhi, Baarlamaanow haddaad celinaysaan anigu wixii aad goysaan uun baan raacaa, maxkamadda sare haddii la geynayana way joogtaa, sidaa daraadeed waddadaa sharci baa la hayaaye xisbiga aan ku qancaynow u dacwood hay’adaha ina kala saara.

 

Qolada mucaardka aan la kaftamee xisyadoodu way dhacaan, saddexdayadaba, guddoomiyeyaashana qaar baa soddon sano maraya, iyagu maba yidhaahdaan wax baa dhacay.

 

Guddoomiyaha WADDANI waa la doortay dhawaan oo

isaga waqtigiisii wax badan baa ka hadhay, guddoomiyiyii hore ee wakiillada iyo xisbiga WADDANI, weli sharciyaddu ma oggola markii uu murrashaxa noqonayey, haddana murrashax aan jirin oo sharci darro ah buu qaatay, cidina kuma qabsato, haddana aniguu i maagaa oo yidhaahdaa sharci ma tihid.

 

6.   SIYAASADDA ARRIMAHA DIBEDDA

 

Shantii sanno iyo dhawrkii bilood ee laga soo gudbay waxa mudnaanta kowaad la siiyey  helista aqoonsi caalami ah. Sida aynu la wada socono waxa gobolka ka dhacay isbeddello badan oo siyaasadeed iyo kacdoonno wata colaado, kuwaas oo saameyn weyn ku yeeshay nabad-galyada guud ee mandaqadda.

 

Xukuumaddu isbeddelladaa taban ee ka dhacay gobolka iyo kuwa ka socda caalamka intiisa badan waxa ay siyaasadda arrimaha dibaddu u la tacaashay si degan oo taxaddir leh. Dhammaan isbeddelladaas dhibkooda dal ahaan waan ka samatabaxnay.

 

Dhanka kale, guulaha siyaasadda arrimaha dibadda laga sameeyey waxa ugu waaweyn sameynta xidhiidho cusub oo diblomaasiyadeed oo wax weyn ku soo kordhiyey qaddiyadda madax-bannaanida iyo horumarka dhaqaale ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Xukuumaddu waxa ay xil-weyn iska saartay in ay cilaaqaad wanaagsan la sameyso cid wal oo gacan innaga siin karta kobaca dhaqaalaha waddanka, sugista amniga iyo in hore loo sii wado dedaalka helista aqoonsi caalami ah.

Tusaale ahaan;

  1. Waxa qaddiyaddeena oo tafatiran la gaadhsiiyey dalal badan oo ku yaal Qaaradda Afrika. Sidoo kale waxa qaddiyaddeenna oo cilmiyeysan la geeyey waddamo badan oo ku yaal Qaaradaha Yurub, Aasiya iyo Waqooyiga Maraykanka.

 

  1. Waxa guulo waaweyn laga sameeyey in xidhiidh cusub oo diblomaasiyadeed lala sameeyo dalal badan.

 

  1. Waxa ay Somaliland Xafiisyo Diblomaasiyadeed ka furatay waddamo dhawr ah oo ay ka mid yihiin Taiwan, Turkey iyo Norway. Sidoo kale waxa dalka laga furay safaarado dhawr ah oo dhammaantood loo soo magacaabay diblomaasiyiin iyo wakiillo arrimo dibadeed, kuwaas oo wakhtigan si rasmi ah uga hawl-gala gudaha Jamhuuriyadda Somaliland. Dalalkaa waxa ka mid ah Imaaraadka Carabta, Taiwan iyo Kenya.

 

  1. Waxa dalka yimi in ka badan 100 Xildhibaan oo ka kala yimi 15 dal, kuwaas oo intooda badani ay hoggaaminayeen guddi xaqiiqo raadis ah oo u kuur galayey Qaddiyadda Madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa kale oo dalka yimi in ka in badan 16 wasiir oo ka kala socda caalamka. waxa Somaliland yimi afar Wasiir Arrimo Dibadeed oo ka kala socda dalal Afrikaan ah. Laba ka mid ah Wasiiradaa waxa ay ahaayeen ku-simayaal wasiir arrimo dibadeed. Halka labada kalena ahaayeen wasiiro buuxa.

 

  1. Waxaan safarro shaqo oo guulo waaweyni ka dhasheen ku tagey dalalka Maraykanka, Imaaraadka Carabta, Sucuudiga, Kenya, Guinea Conakary, Itoobiya iyo Jabuuti.

 

  1. Safarkii aan ku tagey dalka Maraykanka waxa aan kulamo la qaatay Madaxda Dawladda Maraykanka ee Arrimaha Dibadda, Guddida Difaaca ee Baarlamaanka.

 

Waxa aan hadal ka jeediyey Mac’hadka Heritage Foundation oo ah mid ka mid ah xarumaha  waaweyn oo fikirka siyaasadda Maraykan lagu alifo.

Safarkaas waxa ka dhashay in labada Aqal ee Maraykanku ay sameeyaan xeerar si cad u qeexaya in Somaliland iyo Maraykanku ay cilaaqaad rasmi ah yeeshaan. Kuwaas oo aakhirkii uu ka dhashay in taariikhda markii ugu horraysay Somaliland si toos ah loogu qoray Xeerka Difaaca Qaranka Maraykan ee loo Yaqaan National Defense Authorization Act (NDAA), kaas oo si gaar ah u xusaya in Somaliland iyo Maraykanku xidhiidh rasmi ah oo amni yeeshaan.

 

 

  1. Ka dib casuumada rasmi ah waxaan safar shaqo ku tagey dalka Kiinaya oo aan kula kulmay Madaxweynaha Dalka Kenya. Kulankaas waxa ka dhashay in labada dal ay si rasmi ah xidhiidh diblomaasiyadeed u yeeshaan. Kenya waxa ay safarkaas ka dib Somaliland ka furatay xafiis diblomaasiyadeed, waxaana ay Somaliland u soo magacawday Wakiil iyo hawl-wadeenno diblomaasiyadeed oo ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya.

 

 Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya

 

Wada-hadalka waanu ku dhiirranahay, golena kaga biqi mayno, gartana waynu ka leenahay, inaga iyo diyaargarowgeenna iyo dooddeena uun weeye, xoog la inaguma qabsane walaaltinimaynu isugu tagnay, way duntay oo laba dawladood oo kala gaar ah baynu dhisnay, inaga teennu waa madaxtooyo, iyagana waa Ra’isal wasaare, fagaare kasta oo la isugu yimaaddana taas uun baa hortaalla.

Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaliya ee soo bilaabmay 2012 waxaynu ku galnay talo Qaran oo aynu u dhammeyn. Mudadaa kow iyo tobanka sanno ahayd waxa la galay 9 wareeg oo wada-hadal ah. Tii ugu danbeeyey ee ka qabsoomay Jabuuti 2019-kii waxa aynu fagaare caalami ah oo ay ka soo qayb galeen dalalka Maraykanka, Midowga Yurub, Itoobiya, Jabuuti, iyo urur gobaleedka IGAD aynu si cad u soo bandhigay qaddiyaddeena iyo xaqa aynu u leehanay inaynu Aayaaheenna ka tashanno (Right to Self-determination).

Diyaar baynu u nahay in aynu sii wadno wada-hadallada, balse si ay wada hadalladu u noqdaan qaar midho dhal ah waxay Somaliland ku adkeysanaysaa in:

  1. In ay wada-hadalladu ku dhacaan Qaab Laba Dawladood, kuna soo dhammaadaan xal ah laba dawladood oo kala madax-banaan.

 

  1. In la ixtiraamo, si dhakhso ahna loo dhaqan-geliyo dhammaan heshiisyada ay hore labada dhinac u gaadheen.

 

  1. Waa inuu jiro Nidaam Dhex-dhexaadineed (International Mediation Mechanism) oo dammaanad qaadi kara in la fuliyo waxa lagu heshiiyo.

 

  1. In ay jirto Xog-hayn Caalami ah oo daacad ah, kuna sifowda dhex-dhexaadnimo.

 

  1. Waa in ay jiraan Mabaadii’ guud iyo hab-dhaqan lagu daadihiyo wada-hadallada.

 

  1. Waa in ay wada-hadalladu yeeshaan Ajende-cad oo lagu hoggaamiyo shirarka oo si cad u qeexaya Arrimaha Masiiriga ah ee la isku hayo (Core Issues of the Dispute).

 

  1. Waa in ay wada-hadalladu yeeshan wakhti cayiman oo lagu soo gabagabeeyo.

 

Waxaynu diyaar u nahay in la sii wado wada-hadallada oo aynu si mug leh uga qayb-galno, una soo bandhigno qadiyaddeena iyo mowqifkeenna.

 

7. Gebo-gebo

 

32-sannadood ka hor, iyadoo aan daaro inoo dhisnayn oo magaalooyinkii inaga burbureen. Inaga oo aan Iskuulo, Jaamacado iyo Cusbitaallo aanay inoo jirin. Iyada oo aan shaqo iyo mushahar la qaataa aanu jirin. Bulshadii duruufta intaa leegi haysatay ayaa inta ay isu yimaadeen go’aansaday in ay dib ula soo noqdaan madaxbannaanidoodii, dalkoodiina dib u dhistaan. Dadkii duruufahaa goob-jooga u ahaa waxa ay arkayeen in jiilasha ka danbeeya ay ku naaloon-daanaan nolol ka wanaagsan tii wakhtigaa taagnayd, xoriyad iyo mustaqbal rajo leh.

 

Bulshadeena maanta joogta, gaar ahaan dhalinyarada, waxa ay leeyihiin nasiib. Waxa ay joogaan xilli dalku dhisan yahay, dawladnimadii inoo adkaatay, dhaqaaleheenii wanaagsan yahay, Ciidankeenii difaaca dalka ku filan yahay, Somalilandna tahay dal caalamka la jaanqaaday, waxaana waajib inagu ah in aynu ku faro-adaygno dalkeena iyo Nabadgelyadeena.

 

Dhinaca kale, waxa jira dhibaatooyinka inagu gadaaman oo ay ka mid yihiin Shaqo la’aanta, Qabyaaladda, Balwadaha, Dembiyada Bulshada Dhexdeeda ka Dhaca (Social Crimes) iyo Bisayl La’aanta Siyaasadda.

Shaqo La’aantu waa dhibaatada ugu weyn ee maanta dalka ka jirta. Xukuumaddu waxay hore u qaaday tallaabooyin lagu yaraynayo shaqo la’aanta, waxaanna u qorshaysan tallaabooyin kale oo lagu yaraynayo camal la’aanta.

Haddaba, Guud ahaan dhaqaalaha dalka waxay Dawladdu ka maamushaa 10%, haddana xukuumadduwaxay kordhisay Shaqaalaha Dawladda 80%, isla markaana waxay hirgelisay Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada. Sidoo kale Maalgashiga Gudaha iyo Dibedda ka yimaada wax walba wey u fududaysay, si loo kordhiyo shaqo-abuurka.

Dawlad iyo Shacabba Qaran ahaan weynu haysannaa Dhaqaale aynu dalkeenna ugu samayno maalgashi iyo shaqo-abuur.

Xukuumaddu waxay hir-gelisay shuruuc iyo siyaasado fududaynaya maalgashiga iyo shaqo-abuurka.

Haddaba, Xukuumaddu waxay qabanaysaa sannadkan gudihiisa shir ay isugu yimaadaan dhammaan wadaagayaasha dhaqaalaha dalka oo ay ku soo bandhigayso Ajandihii fursado shaqo lagu hirgelin lahaa.

Shaqo-abuurku marka uu inoo dhaqaaqo, waxaannu filaynaa in ay yaraadaan dhibaatooyinkaas aynu kor ku soo sheegnay.

Si aynu u cidhib tirno dhibaatooyinka kale ee kala ah, Qabyaaladda, Balwadaha, Dembiyada Bulshada Dhexdeeda ka dhaca (Social Crimes) iyo Bisayl la’aanta Siyaasadda waxay Xukuumaddu samayn doontaa wacyi-gelin dhinacyo badan leh (Mid diimeed, Mid Sharci iyo Mid Suugaaneed).

 

      – – – Dhammaad – – –