Khudbadda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ee Shirka 8aad ee Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye

0
109

Khudbadda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ee Shirka 8aad ee Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye

Asalaamu Calaykum,,,,,,

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Waxa aynu maanta halkan isugu nimid shirka 8aad ee Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye oo aynu si qoto dheer ugu lafa-guri doonno hawlaha baaxadda leh ee ina hor yaalla, kuwaas oo ay ka mid yihiin:

  1. Dib-u-habaynta hawlaha shaqo iyo maamul ee Xisbiga Kulmiye.

 

  1. U diyaargarowga Ololaha Doorashada ee ay ku soo bixi doonaan xisbiyada Qaranka.

 

  1. Doorashada Guddoomiyaha iyo Guddomiye ku-xigeenka Kowaad ee Xisbiga Kulmiye.

 

  1. Doorashada Murashaxintii Jagada Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-Xiggenka Xisbiga Kulmiye.

Waxa kale oo aan si kooban u dul-mari doonaa;

  • In aan sharaxo xaaladda guud ee dalku marayo; Nabad-gelyada, iyo Degenaanshaha Dalka, Waxyaabihii ugu waa-weynaa ee inoo qabsoomay iyo Caqabadihii inaga hor yimid muddadii Xukuumaddani xilka haysay.

 

  • Guud-mar Barnaamij Siyaasadeedka Xisbga Kulmiye soo bandhigi doono.

 

  • Doorashooyinka Qaranka ku soo waajahan labada sanno ee soo socda.

 

  • Dib-u-eegista iyo Kaabidda Barnaamijkii Horumarineed, Dhaqaale, Siyaasadeed iyo Nabadgelyo ee Xisbiga Kulmiye oo dib-u-eegis iyo kaabis lagu sameeyey.

 

Xisbiga Kulmiye waa xisbi dimuqraadi ah oo ruug caddaaya. Waa xisbiga kali ah ee talada dalka qabtay laba jeer oo lagu soo doortay doorashooyin xor iyo xalaal ah sidaasna ay dalka Madaxweynayaal uga noqdeen labadii Guddoomiye Xisbi. Waa Xisbi dhexdiisa ay ka jirto dimuqraaddiyad, hoggaankiisa Sarena lagu soo doorto hab dimuqraadi ah oo gacan taag ah. Waxa aynu Shirkan Golaha Dhexe ku dooran doonaa Guddoomiyihii Saddexaad iyo Guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee Xisbiga Kulmiye.

 

 

Sida aad la wada socotaan Shacabka Somaliland wuxuu u diyaargaroobay doorashooyinka uu muddeeyey Komishanka Doorashooyinka Qaranku oo kala ah:

  • Doorshada Axsaabta qaranka si loo helo saddex xisbi qaran oo sharcigooda leh, una tartami kara doorshooyinka dalka ka qabsoomi doona 10 sanno ee socoda.

 

  • Doorashada Madaxtooyada ee bisha November, 2024.

 

Xisbiga Kulmiye Hoggaankiisa, Golayaashiisa, Xubnihiisa iyo Taageerayaashiisaba waxaynu ku dedaalaynaa sidii aynu Shacbiga Somaliland ee gobta ah aynu u kasban lahayn codkooda iyo kalsoonidooda in ay siiyaan Xisbiga Kulmiye Doorashooyinka soo socda.

Xisbi ahaan, waa in aynu soo bandhigno Bulshada Somaliland wax-qabad muuqda oo ay ku qancaan, waayo-aragnimo iyo karti hoggaamineed oo mug leh.

Xisbiga Kulmiye waxa saldhig u ah barnaamijka xisbiga oo si cad u qeexay Himillada Xisbiga oo ah:

  1. Xisbiga KULMIYE waxa uu u hawl-gelayaa xaqiijinta iyotaabbo-gelinta madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland,isaga oo u halgemaya in Somaliland noqoto Qaran ka mid ahdawladaha la aqoonsan yahay iyo Ururrada Caalamiga ah.

 

  1. Xisbiga KULMIYE waxa uu hiigsanayaa inay BulshadaSomaliland noqoto mid isku filan, kana xor ah saboolnimada,jahliga, dulmiga, caddaalad-darrada iyo guud ahaanmaamul-xumo weji kasta oo ay leedahayba.

 

  1. Xisbiga KULMIYE waxa uu u taagan yahay bulshodimuqraaddi ah oo ay saldhig u yihiin mabaadi’da talo-wadaagga, kuna qotoma diinteenna suubban, dhaqankeenna soo-jireenka ah iyo sidoo kale waayo-aragnimada togan ee aynu kasoo dheegan karno horumarka sayniska iyo teknoolajiyadaaadamuhu ku tallaabsaday.

 

  1. Xisbiga KULMIYE waxa uu mudnaan siinayaa bulsho nabdoon
    oo u hiilisa sinnaanta, is-xaq-dhawrka iyo nabad-ku-wada-noolaanshaha ummadda Somaliland, kana dheeraata yasidda, kala-faquuqidda iyo is-qabyaaladaynta.

 

  1. Xisbiga KULMIYE waxa uu u taagan yahay tayayntahay’adaha dawladda dhinacyada aqoonta, kartida iyo qalabka.

 

WAXBARASHADA

Waxbarashadu waa furaha horumarka. Bulsho aqoon leh ayaa horumar gaadha.  Muddadii ay Somaliland jirtay waxaynu tacab iyo dhaqaale badan gelinay sidii aynu u horumarin lahayn waxbarashada dalka oo soo martay maraaxiil kala duwan. Labadii Xukuumadood ee Xisbiga Kulmiye ee dalka Xukumayey muddadii u dhexaysay 2010 ilaa maanta waxay horumar balaadhan ka sameeyeen kor-u-qaadidda Tacliinta iyo Barbaarinta Da’yarta.

Korodhka Miisaaniyadda Waxbarashada ee 2017 – 2022

 

2017 2022 Faraqa %
102,615,623,952 200,626,411,498 98,010,787,546 96

 

Sidaa darteed, waxa si xawli ah u kordhay koboca waxbarashada dalka, tiro ahaan iyo tayo ahaanba; waxa kordhey tirada ardayda dugisyada iyo sidoo kale tirada dugsiyada waxbarshada ee dalka.

 

 

 

Tusaale ahaan;

 

Tirada Ardayda dalka ee sannadada 2018 iyo 2022

 

Heerka Waxbarasho 2018 2022 Heerka Korodhka
Barbaarinta 13,434 20,152 50%
Hoose/Dhexe 257,340 384,230 49%
Dugsiyada Sare 54,702 77,862 42%
Farsamada Gacanta 3,346 2,400 -28%
Waxbarashada Dadban 1,228 11,258 817%

 

Waxa la furay Kulliyadda Tababarka Macalimiinta oo kor loogu qaadayo Aqoonta, Xirfadda Macalinnimo, Maamulka Dugsiyada, iyo La-dhaqanka Wanaagsan ee Ardayga

Ka daali mayno oo waynu sii wadi doonaa horumarinta iyo casriyeynta waxbarashada, waxaanna lagu soo bandhigi doonnaa Barnaamij Siyaasadeedka Xisbiga Kulmiye.

 

 

CAAFIMAADKA

Waxa ay xukuumadda labaad ee Xisbiga Kulmiye kordhisay Miisanayadda Caafimaadka.

 

Korodhka Miisaaniyadda Caafimaadka ee 2017 – 2022

 

2017 2022 Faraqa %
62,249,529,774 123,834,203,231 61,584,673,457 99

 

Sidaa darteed, waxa si weyn u kordhay adeegga caafimaadka, dhismayaasha iyo gaadiidka degdega ah ee Caafimaadka Dalka.

 

Xisbiga Kulmiye waxa uu mar saddexaad balanqaadayaa oo uu fulin doonaa in uu sii casriyeynayo, isla markaana sii horumariyo adeegyada, qalabka iyo dhismayaasha caafimaadka, waxaanna lagu soo bandhigi doonnaa Barnaamij Siyaasadeedka Xisbiga Kulmiye.

 

BIYAHA

Xisbiga Kulmiye waxa horumar la taaban karo ka qabtay Biyaha Muddo Xileedka labaad.

Muddadii xukuumadani xilkan haysay waxa la kordhiyey Ceelashada Dhaadheer ee dalka.

Korodhka Ceelasha Dhaadheer ee Dalka 2017 – 2022

Ceelashii Jiray Ceelasha Cusub Korodhka
304 241 80%.

 

Waxa la sii kobcin doonaa awoodda wax-qabad ee wasaarada Biyaha iyo Wakaalladaha Biyaha ee Magaalooyinka Dalka.

Xisbiga Kulmiye waxa uu ballan-qaadaya hiigsiga wax-qabad ee saddexaad, waxaanna lagu soo bandhigi doonnaa Barnaamij Siyaasadeedka Xisbiga Kulmiye.

 

WADDOOYINKA

 

  • Dhismaha Waddada Ceerigaabo oo aynu dhammaystirnay; keliya waxa socota meelihii biyaha laga saarayey si aanay daadadku waddada u wax-yeelaynin. Dhammaystirka waddadaas waxa qaran ahaan inagaga baxay dhaqaale dhan $61 Milyan.

 

  • Berbera Corridor; waxa socota qaybtii ugu dembaysay.

 

  • Dhismaha Waddada Hargeisa Bypass oo la dhammaystiray; waxa dhismihiisu uu ku yimid laba baahiyood 1. Inuu ka mid noqdo Berbera Corridor iyo 2. In samcadda laga dul-qaado wadda marta badhtamaha Caasimadda Dalka.

 

  • Mashruuca Waddada Burco – Sheekh; guud ahaan mashruucaasi waa dhammaad 95%, waxaanna dib loo dhisay 4-biriish oo kala ah Kala-jab Biriish, Laalays Biriish, Geel-loo-kor Biriish iyo Dubur Biriish.

 

  • Waxa la bilaabi doonaa dhismaha qayb ka mid ah Waddada Hotel Plaza.
  • Waxa la bilaabi doonaa dhismaha waddada Sheekh – Berbera.

 

  • Wadooyinka waaweyn ee ay Daraasadoodu socoto sida wadada Hargeysa-Burco, Lawyo-cado – Boroma.

 

  • Muddadii Xukuumaddani xilka haysay waxa ay Dawladaha Hoose magaalooyinka waaweyn ka sameeyeen horumar weyn oo dhinaca waddooyinka ah, kuwaasoo tayo ahaan iyo bilic ahaanba kuwii aynu hore u dhisi jirnay.

 

 

 

 

DHALLINYARADA

Waa mustaqbalka dalka iyo madaxda berri.  Barbaarintooda, dhismaha jidhkooda iyo maskaxdooda iyo shaqo-u-abuurkooduba waa waajib ina saaran. Waa sababaha aynu u sameysano Dugsiyada, Jaamacadaha, Garoomada Ciyaaraha iyo wixii la mid ah.

Shaqo-abuurka; waxa ay xukuumaddu aasaastay barnaaijka shaqo qaran oo ah barnaamij lagu carbiyo dhallinyarada si ay u shaqaysan karaan.

Waa barnaamij guulaystay oo si wanaagsan u shaqeeyey oo ay ka faa’iidaysteen dhallinyaro faro-badan oo reer Somaliland ah.

Waxa carbis shaqo dhamaystay in ka badan Saddex Kun iyo Afar iyo Lixdan (3,064) oo ka kala yimi dhammaan gobollada dalka oo dhan, oo dhammaantoodna laga shaqo-geliyey Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawladda ee kala duwan.  Barnaamijkaas waxa ku baxay dhaqaale aad u faro badan hase yeesha maxsuulka ka soo baxay ayaa ka qiimo badan.

Muddo xileedkii labaad ee Xukuumadda Kulmiye waxa kordhay shaqaalaysiinta dhallinyarada.

Korodhka Shaqaalaha ee Sannadihii 2017-2023

 

2017 2023 Faraq %
14,854 26,800 11,946 80

 

Waxa kor-loo qaaday heerka aqooneed iyo xirfadeedba ee Shaqaalaha dawladda oo jaamacado loo diray, waxaana derajadooda la dalacsiiyey in ka badan 1,500 oo shaqaale ah.

Waxa la-sameeyey Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada, dawladduna ay u qoondaysay miisaaniyaddii uu ku hawl geli lahaa, kaas oo dhaqaale ahaan ka taageeri doona dhallinyarada la timaadda hal-abuur shaqo iyo ganacsi.

Xisbiga Kulmiye dedaalka horumarinta dhalinyarada waa uu sii wadi doonnaa.

 

DHAQAALAHA

Muddo xileedka labaad ee Xisbiga Kulmiye, dalka dhaqaalihiisu kor buu u kacay.  Sannadkii 2019 waxa uu heerka dhaqaalaha dalku (GDP) ahaa 2.346 Bilyan oo Doollar, halka sannadkii 2022 uu ahaa 2.583 Bilyan oo Doollar.

Koboca wax-soo-saarka dalku waxa uu ku yimi Siyaasadda Xukuumadda Xisbiga Kulmiye ee ku wajahan furfuridda dhaqaalaha, dhiirigelinta ganacsiga, maalgashiga iyo dedaalka shacabkeenna iyo ganacsatadeena.

 

Korodhka Miisaaniyadda Dawladda ee 2017 – 2022

 

2017 2022 Faraqa %
1,553,204,022,280 2,497,612,595,220 944,408,572,940 61

 

Kabayaasha dhaqaalaha oo kaalin weyn ka qaata Koboca Dhaqaalaha Dalka, waxa muddadaas la dhamaystiray marin dhaqaaleedka Berbera ee (Berbera Corridor) qaybtiisa isku xidha Halleeya ilaa Berbera, waxaana socda oo sannadka danbe la dhamaystiri doonaa qaybta isku-xidha Hargeysa ilaa Tog-wajaale.

Waxa la dhamaystiray oo si xawli ah u shaqeeya Dekedda Casriga ah ee Berbera iyo sidoo kale Aagga Cashuuraha ka-caagan (Berbera Economic Zone) oo ay imika ka hawl-galaan 20 shirkadood oo waawayn, una badan shirkado caalami ah.

 

GARSOORKA IYO CADDAALADDA

Tusaale ahaan; Sannadkii 2022 waxa Maxkamadaha dalka soo galay 21,068 dacwadood, kuwaas oo iskugu jira Madani iyo Ciqaab.

 

Waxa dhammaaday 17,680 dacwadood, halka Maxkamaduhu fuliyeen 3,884 dacwadood.

 

Tirada iyo noocyada danbiyada ka dhacay Dalka 2018 ilaa 2022

Sannadka Tirada Dilalka Tirada Kufsiga Shilalka Aragagixisada Khamriga liter Xashiishada KGs Iska Horimaadka dhimasho
2018 61 53 3457 Nil 7895 2600  
2019 65 40 3232 Nil 4211 28.25  
2020 53 161 4789 21 5589 270  
2021 89 232 5581 21 41000 2110 1
2022 60 266 5829 16 7066 75.5 4
Wadar 328 752 22888 58 65761 5083.75 5

 

Mudaneyaal iyo Marwooyin,

Waxa si balaadhan u soo kordhay dembiga kufsiga. Xukuumaddu dedaal xooggan ayey waddaa oo lagaga hor-tagaayo. Waxa la wadaa deraasado lagu baadhayo sababta uu dembigan culusi u sii fidaayo, waxaanna muuqata in sababahaas ay ka mid yihiin;

 

  • Dhaqamo shisheeye oo ku lid ah diinteena oo ina soo galay.

 

  • Balwadaha iyo Mukhaadaraadka oo qayb ka mid ah da’yarteenna jiidatay.

 

  • Internet-ka iyo Tignoolajiyadda Casriga ah oo Seef laba Afle ah oo sharkeeda iyo faa’iidadeedaba wadata, taas oo qayb ka mid ah Dhallinyradu xagga sharka u raaceen.

 

  • Saboolnimada oo culays ku haysa Dhallinyarada.

 

Sidaa darteed, waa arrin culayskeeda leh oo u baahan in aynu Qaran ahaan iska kaashanno sidii aynu u cidhib tiri lahayn aafada ina soo gashay.

Xisbiga Kulmiye waxa uu sii kobcin doonaa guud ahaan Dhaqaalaha Dalka, waxaanna lagu soo bandhigi doonnaa Barnaamij Siyaasadeedka Xisbiga Kulmiye.

 

AMNIGA IYO DIFAACA

Amniga iyo Difaacu waa tiirarka dalku ku dhisan yahay, waa deyrka birta ah ee cadowga inaga difaaca, waa madaalayaasha inaga ilaaliya cadowga u soo dhuunta gudaha, waa kuwa kala ilaaliya in aanay dhibaato ka dhex-dhicin Bulshada dhexdeeda.

Hay’adaha Amniga; Xukuumaddu waxay dedaal badan u gashay kor-u-qaadidda tayadooda iyo qalabka, hase yeeshee, halkii aynu doonaynay in la gaadhsiiyo wax-badan ayaa ka dhiman, sababta oo ah dhaqaalaheenna ayaan wada dabooli karin baahiyaha jira.

Waxa soo raaca Garsoorka oo u garnaqa wixii khilaafaad ah.

 

Hay’adaha Amniga

Hay’adaha Amniga ee ku hawlan nabad-gelyada guud ee Dalku waxay dedaal xooggan oo hadh iyo habeena iyo feejignaan badan ugu jiraan sugidda nabadgelyada Muwaadinka naftiisa iyo hantidiisa.

Waxay sugayaan in Muwaadin kasta oo Somaliland ahi nabad ku seexdo, kuna soo tooso, hantidiisuna ay u nabad-gasho. Dembiyada bulsho ee inaga dhex-dhaca 90% wey ku guulaystaan Hay’adaha Amnigu in ay ka hortagaan, kuwa dhacana ay soo qabtaan ciddii ku kacday, si Garsoorka loo horgeeyo.

Amniga Qaranka waxa iska-kaashada Waaxda Garsoorka; (Maxkamadaha iyo Garsoorka), Wasaaradda Cadaaladda; (Ciidanka Asluubta), Hay’adda Sir-doonka Qaranka, Wasaaradda Gaashaandhigga, Ciidanka qaranka, Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Ciidammada hoostaga ee kala ah; Booliska, Socdaalka, Dab-demiska iyo Ilaaladaha Xeebaha.

 

SIYAASADDA ARRIMAHA DIBEDDA

Somaliland maanta waa dal aad looga yaqaanno dunida oo magaceeda iyo nidaamkeeda dawaladeedba uu caalamka intiisa badani ka dharagsan-yahay, taasina waxay ku timi dadaalka badan ee aynu ka sameynay Siyaasadda Arrimaha Dibedda iyo diblomaasiyadda.

Waxay wefti aan hoggaaminayaa safaro shaqo ku tageen wadamo ay ka mid yihiin Maraykanka, Imaraadka Carabta, Jabuuti, Kenya, Itoobiya, iyo Gini Konokary. Safaraadaas oo dhami waxay u keeneen Somaliland Guullo waaweyn.

Sidoo kale Wasiirada soo maray Wasaaradda Arrimaha dibaddu waxay safaro shaqo ku tageen wadamo badan oo caalamka ah, si ay uga dhaadhiciyaan qaddiyadda Somaliland, ugana wada-hadlaan sidii ay Somaliland iyo wadamadaasi uu u dhex mari lahaa xidhiidho diblumaasiyaddeed iyo kuwo wax-wada-qabsasho.

Waxa kale oo muddadaas dalka yimid madax sare, wasiiro arrimo dibadeed, xildhibaanno ka kala socda dalal badan oo caalamka ah. Wufuudaasi waxay arkeen amniga iyo horumarka ay Somaliland gaadhay, waxaanay balan-qaadeen in ay la wadaagi doonaan wadamadooda waxay ku soo arkeen Somaliland.

Kulmiye waxa uu sii amba-qaadi doonnaa baadi-goobka aqoonsiga iyo iskaashiyada caalamiga ah ee dalalka caalamka, waxaanna lagu soo bandhigi doonnaa Barnaamij Siyaasadeedka Xisbiga Kulmiye.

 

DOORASHOOYINKA IYO DIMUQRAADIYADDA

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Muddo xileedka labaad ee Xisbiga Kulmiye, waxaynu kaga dhabeynay balan qaadkeenii ahaa Kobcinta Nidaamkeena Dimuqraadiga ah iyo Dar-dar-gelinta Doorashoyinka halka qof iyo halka cod ah.

Muddaadaas waxa inoo qabsoomay doorashooyinkii isku-sidkanaa ee Golaha Wakiillada iyo Deegaanka. Kharashka badan ee doorashooyinka ku baxay wax yar mooyaane inta badan waxa laga bixiyey Miisaaniyadda Qaranka.

Waxa kale oo aynu suurto-galinay ka-midho-dhallinta xaqa dastuuriga ah ee Muwaadiniinta Somaliland ee ah in ay wax dooran karaan, lana dooran karo, iyadoo aynu hirgelinay Furidda Tartanka Ururrada Siyaasadda oo sharcigu uu waajibanayo in tobankii sannoba mar la qabto.

Tartankaas waxa ku soo baxay 10 Urur Siyaasadeed oo sharci ah, una diyaar ah in ay ka qayb-galaan Doorashada Axsaabta Qaranka ee soo socota. Waa guul-weyn oo qarankani gaadhay.

Doorashooyinka waxa aynu u raacaynaa sida sharcigu dhigaayo, haddii sharciga laga leexdana dalku socon maayo. Dimuqraaddiyadda waa markaygii ee halla ii dhiibo oo ma aha Baaskiil yar oo ciyaalku kaxaystaan, mana jirto wallaahi haddii markayga la I siin waayo xabbad baan wax ku qaadanayaa, taasna rag hore wax ugu waayey oo qaranku taas kuma heshiin, dastuurkeennuna ma jidaynin oo Af waayeel ma aha”

Doorashooyinkii sidii ay guddida doorashooyinku muddeeyeen, aniguna aan saxeexay bay ku soconayaan, waana waddada qudha ee amni, dimuqraaddiyad iyo xasillooni lagu gaadhayo.

 

Waxa inagu soo fool leh laba doorasho oo inoo kala qabsoomi doona dabayaaqada sanadkan iyo dabayaaqada sannadka dambe. Komishanka Doorashooyinka Qaranku waxa uu ii soo gudbiyey miisanadda ku baxaysa doorshada hore ee Axsaabta oo dhan in ka badan Tobon Milyan oo Doollar, waxaana ku talo-galkeenu yahay in aynu ka bixinno Miisaniyadda Qaranka.

Ka Xisbi ahaan diyaar baynu u nahay in aynu galno doorashooyinkaas, rajo weyn ayeynu ka qabnaa in aynu ku guulaysan doono.

Xukuumadda Xisbiga Kulmiye waxay dersi doontaa sidii loo yarayn lahaa dhaqaalaha badan ee ku baxa Doorashooyinka, maadaama aynu ka mid nahay wadamada faro-ku-tiriska ah ee dhaqaalaha ugu badan ku qabta doorashooyinka, marka la is bar-bar-dhigo cod-bixiyayaasha iyo kharashka doorashooyinka inagaga baxa.

 

 

HORUMARINTA MAAMUL-WANAAGGA

Xukuumadda Xisbiga Kulmiye waxay muddo xileedkii labaad ku talaabsatay barnaamij ballaadhan oo lagu horumarinaayo maamul-wanaagga, kaas oo qaybo badan ka koobnaa, sida;

  • Tayeynta Xafiiska Maamul-wanaagga, si uu si hufan u guto wajibaadkiisa. Waxa la dhamaystiray Siyaasadda Maamul-wanaagga Qaranka, taas oo daboolaysa guud ahaan nidaamka loo marayo maamul-wanaaga Wasaaraddaha iyo Hay’addaha Dawladda.

 

  • Waxa sidoo kale la dhamaystiray Hagayaasha aasaaska u ah Qiimeynta Maamul-wanaagga oo sahlaya in la-qiimeeyo sida ay shaqadooda u gutaan Wasaaradaha iyo Hay’addaha Dawladdu.

 

  • Waxa dib-u-casriyeyn iyo daah-furnaan laga dhigay hanaanka qandaraas-bixinta Dawladda, waxaanna awood la siiyay Guddida Qandaasyada Qaranka, si ay u gutaan xilkooda.

 

  • Waxa kale oo la dejiyey xeerarka lagama-maarmaanka u ah dhismaha qarannimada iyo maamul-wanaag, kuwaas oo isugu jiray kuwo la xidhiidha koboca dhaqaalaha, horumarinta adeegyada arrimaha bulshada, adkaynta nabad-gelyada iyo sugidda xuquuqaha aasaasiga ah ee muwaadiniinta, xeerka guud ee doorashooyinka iyo diiwaangelinta cod-bixiyaha.

 

  • Sido kale waxay Xukuumaddu dejisay oo Golaha Wasiirradu ansixiyeen Siyaasado muhiim u ah Horumarka Dalka.

 

Kulmiye halkaas ayuu ka sii wadi doonaa dedaalka maamul-wanaagga.

 

DEEGAANKA IYO IS-BEDDELKA CIMILLADA

Xisbiga KULMIYE waxa uu aaminsan yahay in deegaanku yahay laf-dhabarta nolosha aadamaha. Waxa kale oo uu rumaysan yahay in aafooyinka dabiiciga ah ee soo noqnoqda sida; abaaraha iyo daadadku ay caqabad ku yihiin horumarka dalka iyo nolosha dadka iyo duunyadaba. Waxa deegaanka hadimooyin ku haya nabaad-guurka, isbeddelka cimillada, magaalaynta iyo xaalufinta dhirta.

Dalkeena aabaraha ku soo noq-noqonaya, roob yaraanta, iyo xaalufka dhulkubu waa calaamadaha is-beddelka cilmillada.  Waxaynu og-nahay in isbeddelka cimillada ee dalkeena ka jiraa uu saameynta u weyn ku leeyahay reer guuraaga iyo beeralayda.

Sidaa darteed, waxa lagama-maarmaan ah in aynu wax-ka-beddelno qaab nololeedkeenna. Inta badan nolosheennu waxay ku tiirsanayd xoolo, xoolo dhaqatadiina wey sii yaraanaysaa.

Kulmiye ahaan, waxa la inaga filayaa in aynu xal-waara u helno dhibaatooyinka ay sababtay is-beddelka cimilladu, isla markaana ku soo bandhigno Barnaamij Siyaasadeedka Xisbiga.

CAQABADAHA

Caqabadaha inala soo dersay waxa ka mid ah:

  • Isbedelka Cimillada.
  • Caabuqa Covid-19.
  • Aqoonsi la’aanta.
  • Iska hor-imaadka Deegaanada.
  • Faro-gelinta Joogtada ah ee Cadowga Somaliland ku hayo kala dhantaalidda nabadgelyada iyo dhismaha dalka (Dagaalka Laascaanood)
  • Dabkii Suuqa Waaheen.

 

 

WADA-HADALLADA SOMALILAND IYO SOOMAALIYA

Waxa muhiim ah in si mug leh loo ogaado, loona fahmo sharciyadda midowgii Somaliland iyo Soomaaliya ee 1960 dhacay. Yaa dawlad ahaa markii uu midowgu dhacayey? yaan se ahayn?

Midowgu waxa uu dhacay iyadoo ay Somaliland tahay dal madax-banaan oo xor ah oo 35 wadan ay aqoonsan yihiin.

Markii ay Somaliland xornimada qaadatay Soomaaliya waxay ku jirtay gacanta Qaramada Midoobay (Under UN Trusteeship). Somaliland oo ah dal xor ah sharciyadda caalami ah leh (De Jour State) ayey Soomaaliya ku soo biirtay. Sidaas ayey Somaliland ku ahayd tii lagu soo biiray (Parent State).

Axdiga Midnimada ee Soomaaliya ku doodaysaa ma-laha sal-dhig sharci, Sababta oo ah Axdigii uu Baarlamaanka Somaliland soo saxeexay ee uu u codeeyey iyo kan Soomaaliya ku doodaysaa wey kala duwan yihiin.

Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya ee soo bilaabmay 2012 waxaynu ku galnay talo Qaran oo aynu u dhammeyn.

Muddadaa 11-sanno ahayd waxa la galay 9 wareeg oo wada-hadal ah oo aynu mid walba ku soo bandhignay in aynu ahayn laba dawladood oo kala madax-banaan oo si siman u midoobay.

1991-kii markii dawladdii lagu midoobay duntay mid waliba iskeed ayey dawlad gaar ah u dhisatay.

Wada-hadalkii Jabuuti ka dhacay ee 2019-kii waxaynu fagaare caalami ah oo ay ka soo qayb galeen dalalka Maraykanka, Midowga Yurub, Itoobiya, Jabuuti, iyo Urur-gobaleedka IGAD si cad ugu garnaqsannay in aynu sharciyan iyo siyaasiyanba aynu xaq u leenahay ictiraafkii aynu helnay 1960-kii, ayna gef ku tahay Shacabka Somaliland in lagu xidho ictiraafkooda dalkii ay midoobeen ee ay Somaliland go’aansatay in ay ka baxdo midowgii.

Sida aan marar badan iyo madalo badan ku caddeeyey Somaliland mowqifkeedu wuu cad yahay, hanaanka kali ah ee ay Somaliland ku gali karto wadahadalo waa:

  1. In ay wada-hadalladu ku dhacaan Qaab Laba Dawladood, kuna soo dhammaadaan xal ah laba dawladood oo kala madax-banaan.

 

  1. In la ixtiraamo, si dhakhso ahna loo dhaqan-geliyo dhammaan heshiisyada ay hore labada dhinac u gaadheen.

 

  1. Waa inuu jiro Nidaam Dhex-dhexaadineed (International Mediation Mechanism) oo dammaanad qaadi kara in la fuliyo waxa lagu heshiiyo.

 

  1. In ay jirto Xog-hayn Caalami ah oo daacad ah, kuna sifowda dhex-dhexaadnimo.

 

  1. Waa in ay jiraan Mabaadii’ guud iyo hab-dhaqan lagu daadihiyo wada-hadallada.

 

  1. Waa in ay wada-hadalladu yeeshaan Ajende-cad oo lagu hoggaamiyo shirarka oo si cad u qeexaya Arrimaha Masiiriga ah ee la isku hayo (Core Issues of the Dispute).

 

Nidaam kasta oo wada-hadal oo aan waafaqsanayn qodobbada aan soo sheegay waa wakhti lumis iyo madaddaalo.

 

In kasto aynu weli diyaar u nahay wada-hadlo macno leh, haddana taasi inagama hor istaagi karto in aynu dariiq kasta oo inoo furan u marno sidii Somaliland ay u heli lahayd aqoonsi caalami ah.

 

 

Gebegabo

Xukuumadihii kala danbeeyey ee Xisbiga Kulmiye waxa ay dalka gaadhsiiyeen guulo fara-badan oo dhinacyo badan taabanaya. Guulahaasi waxay ku yimadeen siyaasadda iyo barnaamijka Xisbiga oo hagayey shaqada iyo wax-qabadka xukuumadda.

Xisbiga Kulmiye waa Xisbi hayin ah oo talooyinkiisa iyo mabaa’diidiisa siyaasadeed ay ku qotomaan wada-tashi, wada-jir iyo wax-wada-lahaansho.

Ballanteenu waa guul iyo gobonnimo.

***Dhammaad***