Kulanka Aqoon-iswaydaarsiga Golaha Wasiirrada JSL ee Xukuumada WADAJIR iyo WAX-QABAD ee uu Gadh-wadeenka ka yahay Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi.

0
11

WAR SAXAAFADEED

 

Waxa maanta (28.12.2024) si rasmi ah u furmay Kulanka Aqoon-iswaydaarsiga Golaha Wasiirrada JSL ee Xukuumada WADAJIR iyo WAX-QABAD ee uu Gadh-wadeenka ka yahay Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi.

 

Kulanka waxa khudbad qiima leh oo dhinacyo badan taabanaysa ku furay Madaxweynaha JSL Mudane Cabdiraxman Maxamed Cabdilaahi oo uu wehelinayo Madaxweyne ku xigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi.

 

In Sha Allah, kulankani waxa uu socon doonaa muddo 2 maalmood ah, 7-da subaxnimo ilaa 5-ta galabnimo.

 

Haddaba, waxan jecelahay in aan bulshada Jamhuuriyadda Somaliland la wadaago hadafka iyo ujeedada guud ee laga leeyahay kulanka Aqoon-korodhsiga Golaha Wasiirrada, waxana ugu mudan 5-ta qodob ee socda:

 

  1. In ay Xubnaha Golaha Wasiirradu si wadajir ah isula fahmaan waayaha iyo duruufaha ka jira guud ahaannba dalkeena ee u baahan in si wadajir ah loo wajaho,

 

  1. In ay Xubnaha Golaha Wasiirradu horumariyaan Xirfadaha iyo Xeeladaha aasaaska u ah hirgelinta Qorsheyaasha Xukuumadda cusub ee WADAJIR IYO WAX-QABAD,

 

  1. In ay Xubnaha Golaha Wasiirradu la yimaadaan hal-abuur heer Wasaaradeed iyo heer Qaranba ah oo salka ku haya, kana tarjumaya duruufaha, baahiyaha iyo Hiigsiga uu leeyahay Qaranka JSL,

 

  1. In ay Xubnaha Golaha Wasiirradu awood u yeeshaan dejinta Qorshe Isteraatejiyadeed (Strategic Planning) iyo mid Siyaasadeed (Policy Development) oo salka ku haya hawlaha uu Qaranku u igmaday Wasaarad ahaan, kaasoo ku sar go’an Qorshaha Horumarinta Qaranka (National Development Plan-NDPIII) iyo hiigsiga uu leeyahay Qaranka JSL 2030-ka,

 

  1. In ay Xubnaha Golaha Wasiirradu awood u yeeshaan Qancinta bulshada iyo kasbashada Kalsoonida Shacabka Somaliland, iyagoo si dhab ah uga tarjumaya hadafka, hiigsiga iyo isbedelka ay u ku ballan qaaday Xukuumadda WADAJIR IYO WAX-QABAD,

 

ALLAA MAHAD LEH,

 

Xuseen Aadan Cige (Deyr),

Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland