Madaxwayne Ku Xigeenka Jsl oo Abaal Mariyey afar qof oo dhalinyaro ah oo ku guulaystay kaalmaha ugu sarreeya ee Imtixaan laba heer ah oo la xidhiidha Aqoonta iyo Xirfadda Hantidhawrka Qaranka.

0
22
Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa Xafiiskiisa Shahaado Sharaf iyo Abaal-marin ah ku guddoonsiiyey afar qof oo dhalinyaro ah oo ku guulaystay kaalmaha ugu sarreeya ee Imtixaan laba heer ah oo la xidhiidha Aqoonta iyo Xirfadda Hantidhawrka Qaranka.
Madaxweyne ku-xigeenka, oo uu wehelinayo Hantidhawraha Guud ee Qaranka JSL Mudane Muuse Idigaa, ayaa dhalinyaradan (1. Farduus Xasan Cabdi; 2. Firiyaad Cabdillaahi Xasan; 3. Mustafe Cabdillaahi Axmed iyo Axmed-Nasir Daahir Xuseen ) ku amaanay dadaalkooda, kartidooda iyo heerka aqooneed ee ay muujiyeen, isaga oo xusay in guulahan ay gaadheen muhiim u yihiin xoojinta isla-xisaabtanka iyo hufnaanta maamulka Hay’adaha dalka.
Waxa uu ugu baaqay in ay halkaa ka sii wadaan dedaalka, Qarankoodana ay ugu adeegaan daacadnimo iyo lexjeclo.
𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇
𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫),
𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝