Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo weftigii uu hoggaaminayey soo dhaweyn ballaadhan loogu sameeyey deegaannada Karasharka, Galooley iyo Qoyta

0
28

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo weftigii uu hoggaaminayey soo dhaweyn ballaadhan loogu sameeyey deegaannada Karasharka, Galooley iyo Qoyta

Burco-13-08-2024-(MT-JSL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey oo maalmahanba safar shaqo ku marayey qaar kamid ah deegaannada dalka, ayaa maanta soo dhaweyn diirran loogu sameeyey deegaannada Karasharka, Galooley iyo Qoyta.

 

Dadweynaha deegaannadan oo ku lebbisan calanka Jamhuuriyadda Somaliland, caleemo qoyanna lulaya, ayaa madaxweynaha kaga hor tegay waddada weyn ee laamiga ah, waxana uu la qaatay socod lug ah.

 

Madaxweynaha iyo xubno kamid ah golaha wasiirrada, ayaa la hadlay dadweyne tiro badan oo kusoo dhaweeyey deegaanka Qoyta ee duleedka Burco, waxana ay uga mahadnaqeen sida milgaha iyo lexejeclada leh ee ay usoo dhaweeyeen.

 

Dhinaca kale, madaxweynuhu waxa uu xadhigga ka jaray xarun caafimaad oo loogu talo galay Hooyada iyo Dhallaanka oo xukuumaddu ka binaysay gudaha deegaanka Karasharka.