๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐ ๐จ๐จ ๐๐๐๐๐ข๐ฅ๐๐ฒ ๐๐๐ง๐ฃ๐ข๐ซ๐๐ก๐ ๐๐จ๐ช๐จ๐ซ๐ญ๐จ๐จ๐ฒ๐๐๐ ๐๐ง๐ ๐ข๐ซ๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐ ๐ฎ ๐๐๐๐๐ข๐ฅ๐ฌ๐๐ง ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐จ๐จ๐ฆ๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada JSL ku qaabilay Danjiraha Boqortooyada Ingiriiska (UK) u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, Mudane Charles King oo booqasho rasmi ah ku yimid dalka si kor loogu qaado iskaashiga labada dhinac. Danjiraha waxa kulankiisa ku wehelinayey masuuliyiinta ugu sarreeya Xafiiska uu Ingiriisku ku leeyahay Jamhuuriyadda Somaliland.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimo muhiim ah oo ku qotoma danaha ay wadaagaan labada dhinac, iyada oo laga duulayo xidhiidhka qotoda dheer leh ee soo jireenka ah ee ka dhexeeya Somaliland iyo Boqortooyada Ingiriiska, kaasi oo salka ku haya nabad, horumar, wada shaqayn dhab ah iyo iskaashi istiraatiiji ah.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Danjiraha uga mahad naqay booqashada uu yimid Somaliland. Sida oo kale, Madaxweynuhu waxa uu Dawladda Ingiriiska uga mahad celiyay doorkeeda Taariikhiga ah ee taageerada Somaliland, waxana uu xusay in Somaliland ay diyaar u tahay in ay sii xoojiso iskaashiga labada dhinac ee ku dhisan nabad, horumar iyo dano-wadaag.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Danjire Charles King uga xog-warramay tallaabooyinka wax-ku-oolka ah ee ay qaaday Xukuumadda Somaliland muddadii koobnayd ee ay xilka haysay ka hirgelisay Gobollada Bariga Somaliland; sida Qaramaynta Ciidamada Madaniga ah iyo Gaadiidkoodii, soo afjarka colaado sannado badan ka jira degaannada Ceel Afweyn iyo tiro koobka, tayaynta iyo kordhinta mushaharka qaybaha kala duwan ee Ciidamada Qaranka.
Madaxweynuhu waxa uu Danjiraha u xaqiijiyey in arrimaha xagga amniga ee ka jira Bariga Sool iyo Sanaag ay Dawladda Somaliland ka goโan tahay in lagu xalliyo wada hadal iyo wada xaajood.
Madaxweynuhu waxa uu sheegay in laga bilaabo maalintii xukunka dalka loo dhaariyey (12.12.2024) uu ku dhawaaqay gogol nabadeed oo aan shuruud lahayn, uu sameeyey Guddida Nabadda Qaranka JSL, marar badanna uu ku celceliyay baaqa gogosha Nabadda, si wada hadal loogu dhammeeyo wixii colaad ah ee ka jira Bariga Sool iyo Bariga Sanaag.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Danjiraha Dawladda Ingiriiska u sheegay in Xukuumadda Xasan Sheekh ay qayb weyn ku leedahay hurinta colaadaha degaannada Bariga Somaliland, iyada oo kaga gabbanaysa mushkiladaha tirada badan ee haysta maamulkiisa.
๐๐จ๐๐จ๐๐๐๐๐ ๐ค๐๐ฅ๐ ๐๐ ๐ฆ๐ฎ๐ก๐ข๐ข๐ฆ๐ค๐ ๐๐ก ๐๐ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐๐ง๐ค๐ ๐ฅ๐๐ ๐๐ ๐ ๐ฐ๐๐๐ ๐ก๐๐๐ฅ๐๐ฒ๐ง๐ ๐ฐ๐๐ฑ๐ ๐ค๐ ๐ฆ๐ข๐ ๐๐ก๐๐:
1. Ka wada shaqaynta Nabadda iyo Ammaanka Gobolka: Madaxweynaha Somaliland waxa uu hoosta ka xariiqay kaalinta ay Somaliland ka leedahay xasilloonida gobolka, waxana uu xusay muhiimadda ay leedahay in la garab istaago dedaallada ay Xukuumadda Somaliland ugu jirto adkaynta nabadda iyo xasilloonida mandaqadda, si loo helo nabad waarta iyo degenaansho siyaasadeed.
2. Xoojinta iyo ku dhaqanka Sharciga, Caddaaladda iyo Hufnaanta Maamulka Dawliga ah si loo hanto kalsoonida dadweynaha.
3. Horumarinta Dhaqaalaha iyo Ganacsiga Gobolka.
4. Maalgashiga iyo kobcinta Kaabeyaasha Dhaqaalaha.
Isaguna dhankiisa, Danjiraha Dawladda Boqortooyada Ingiriiska Mudane Charles King waxa uu Madaxweynaha Somaliland u xaqiijiyey in Dawladdiisu ay si weyn u qiimaynayso, kuna faanayso xidhiidhka adag ee taariikhiga ah ee ay la leedahay dadka iyo dalka Somaliland. Danjiruhu waxa uu sheegay in Somaliland, gaar ahaan Dekedda Berbera ay leedahay awood dhaqaale oo aad u weyn.
Danjiruhu waxa uu hoosta ka xarriiqay in la dhiirri-galiyo Maalgashiga gaarka loo leeyahay, maadaama uu yahay furaha koboca dhaqaalaha.
Dhinaca kale, Danjiraha Boqortooyada Ingiriiska waxa uu Somaliland ku bogaadiyey, amniga iyo xasiloonida ka jira, hannaanka dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka xorta ah dadaallada nabadda ee ay waddo Dawladda Somaliland, gaar ahaan Qaramaynta Ciidamada Madaniga ah iyo xoojinta amniga iyo xasilloonida.
Danjiraha Boqortooyada Ingiriiska ayaa walaac ka muujiyey Xaaladda Laascaanood, taasoo uu sheegay in ay Gobolka ku keeni karto amni darro, waxa uu sheegay in ay Dawladdiisu dhammaan dhinacyada ay khusayso ugu baaqayso in laga looga fogaado colaad hor leh.
Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad iyo in labada dhinac ay sii xoojiyaan wada shaqaynta joogtada ah ee u dhaxaysa Somaliland iyo Boqortooyada Ingiriiska.
๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐
๐๐ฎ๐ฌ๐๐๐ง ๐๐๐๐๐ง ๐๐ข๐ ๐ (๐๐๐ฒ๐ซ)
๐๐๐ก๐๐ฒ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐