๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐ ๐จ๐จ ๐๐๐๐๐ข๐ฅ๐๐ฒ ๐๐๐๐ญ๐ข ๐๐ ๐๐จ๐๐๐๐ฒ ๐๐ฌ๐๐๐ก๐๐ฒ๐ฌ๐ข๐ ๐ ๐๐๐๐ฅ๐ ๐๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐ ๐๐ ๐๐ฅ ๐๐๐ฃ๐ก๐ข ๐๐ซ๐จ๐ฎ๐ฉ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐๐๐ ๐๐ง๐ฏ๐๐ฌ๐ญ๐ฆ๐๐ง๐ญ ๐๐ซ๐จ๐ฎ๐ฉ.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wefti heer sare ah oo ka socday Shirkadda Al Rajhi Group iyo Shirkadda Seed Investment Group, oo ah laba Shirkadood oo fadhigoodu yahay dalka Sucuudiga, oo ku bahoobay Horumarinta fursadaha Ganacsiga iyo Maalgashiga dalal badan oo dunida ka mid ah.
Weftiga oo ka koobnaa 7 qof, waxa hoggaaminayey Maamulaha Guud ee Shirkadda weyn ee Al Rajhi Group, Mudane Sheikh Nasir Alqahdiani. Waxa kale oo weftiga ka mid ahaa: Saud Alrajhi (Alrajhi Group); Dr. Mohamed Nasir Alqahdani (Alrajhi Group); Dr. Abdullah Sadik (La Taliye xagga Istaraatiijiga); Eng. Anter Bilaal (Madaxa Injineerada dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha); Abdulrahman Salool (Isuduwaha Xidhiidhka Dawladda) iyo Dr. Shakir Haji Xuseen Nuur (Maamulaha Fulinta ee Shirkadda Seed Investment Group (International Investment Partner).
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashi ballaadhan oo maalgashi iyo horumarineed oo ku saleysan in la wadaago danaha u dhexeeya labada dhinac. Waxa si qoto dheer looga hadlay fursadaha dihin ee yaalla Jamhuuriyadda Somaliland ee u baahan in la maalgashado oo la kobciyo, gaar ahaan dhinacyada Tamarta, Xoolaha, Beeraha, Macdanta Kalluumeysiga, Kaabayaasha Dhaqaalaha, Dalxiiska, arrimaha Maaliyadda, Caymiska, iyo Bangiyada.
Madaxweynaha Somaliland ayaa weftiga soo dhaweeyay, ugana mahad naqay booqashada ay ku yimaadeen Somaliland. Madaxweynuhu waxa uu weftiga uga xog-warramay sooyaalka taariikheed ee Somaliland, qaabkeeda Dawladnimo, amniga iyo xasiloonida, buqcadda istiraatijiga ah ee ay Somaliland ku taallo, xidhiidhka soo jireenka ee u dhexeeya Somaliland iyo Boqortooyada Sucuudiga, iyo in ay Somaliland tahay dal la isku hallayn karo xag Amni iyo xag horumarba.
Madaxweynuhu waxa uu weftiga u sheegay in ay Xukuumaddiisa ka goโan tahay in ay si dhab ah u taageerto Maalgashiga iyo Iskaashiga ganacsi cid kasta oo danaynaysa. Waxa uu hoosta ka xarriiqay in Somaliland diyaar u tahay in ay marti-geliso maalgashi waxtar u leh dalka, kaasi oo ku saleysan wax wada-qabsi, is-aamin iyo kalsooni sharciyeed.
Madaxweynuhu waxa uu xusay in Somaliland ay u furan tahay cid kasta oo danaynaysa Maalgashiga, isla markaana ay diyaar u tahay ganacsi dhab ah, kana goโan tahay horumar, isku-tashi, iyo kobcinta xiriirka dhaqaale ee gobolka Bariga Dhexe iyo Geeska Afrika.
Iyaguna dhinacooda, Maamulaha Guud ee Shirkadda weyn ee Al Rajhi Group iyo weftigiisu waxa uu sheegay in ay si weyn ula dhacsan yihiin fursadaha maalgashi ee Somaliland yaalla, ayna dal ahaan Somaliland ku bogaadinayaan dadaalka ay ugu jirto dib-u-habeynta dhaqaalaha, iyo ka faaโiidaysiga kheyraadka badan ee dihin ee aan wali si buuxda looga faaโiideysan.
Sida oo kale, waxa uu sheegay in Al Rajhi Group ay Somaliland u aragto meel aad u qiimo badan oo u qalanta maalgashi dhab ah, gaar ahaan dhinacyada Tamarta, Xoolaha nool, Kalluumaysiga, Beeraha, Kaabayaasha Dhaqaalaha (Infrastructure), Macdanta, iyo Dalxiiska.
Ugu dambayntii, Maamulaha guud ee Shirkadda Al Rajhi waxa uu sheegay in uu aaminsanahay in iyada oo la adeegsanayo wada-shaqeyn hufan, is-faham la taaban karo iyo himilo la wadaago, ay Al Rajhi Group Somaliland ka hirgelin karaan Mashaariic midho-dhal ah oo faaโiido u leh iyaga iyo dadka iyo Dawladda Somaliland. Kulanka ayaa ku soo gaba gaboobay guul iyo is-afgarad.
๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐
๐๐ฎ๐ฌ๐๐๐ง ๐๐๐๐๐ง ๐๐ข๐ ๐ (๐๐๐ฒ๐ซ)
๐๐๐ก๐๐ฒ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐