Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne ku soo saaray in dalku galo laba maalmood oo Fasax Qaran ah, tacsida Madaxweynihii Afraad ee Qaranka Somaliland Awgeed.

0
64

Wareegto Madaxweyne 16.11.2024

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne ku soo saaray in dalku galo laba maalmood oo Fasax Qaran ah, tacsida Madaxweynihii Afraad ee Qaranka Somaliland Awgeed.

 

 

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

 

Fasax Tacsi Qaran.

 

 

Markaan Arkay:                  Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Qodobka 9aad ee Xeer Lr. 62/2020;

 

Markay Dhacday:                Geerida Madaxweynihii Hore, Mudane Marxuum Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo;

 

Markaan Arkay:                  Muhiimadda ay Leedahay in Maalmaha Qaban-qaabada Aaska Qaran ee Madaxweyne Hore, Mudane Marxuum Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo uu Dalku galayo Qaban-qaabo iyo Aas Qaran;

 

 

Waxaan Go’aamiyey;

 

In Dalka Jamhuuriyadda Somaliland uu galo laba maalmood oo Tacsi ah oo kala ah: Maalmaha Axadda iyo Isniinta, 17 iyo 18 November 2024, Tacsida Madaxweynihii Hore ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Marxuum Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo awgeed.

 

 

 

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland