Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Daah-furay Imtixaanka shahaadiga ah ee Dugsiyada Sare iyo Kuwa Hoose/dhexe  

0
96

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Daah-furay Imtixaanka shahaadiga ah ee Dugsiyada Sare iyo Kuwa Hoose/dhexe

Hargeysa:22/06/2024()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa daah-furay bilowga imtixaanka shahaadiga ah ee fasallada Afraad ee dugsiyada sare iyo Siddeedaad ee dugsiyada Hoose Dhexe oo maanta dalka si rasmi ah uga bilaabmay.

Madaxweynaha qaranka oo ay wehelinayaan madaxda wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska iyo hormuudka xafiiska Imtixaanaadka qaranka, islamarkaana ay hareera joogaan qaar kamid ah madaxda jaamacadaha dalka oo sannadkan qayb ka ah maamulka Imtixaanka, ayaa dugsiga sare ee Faarax Oomaar ee badhtamaha Hargeysa ka daah-furay Imtixaanka, waxana uu  Ardaydii ku sugnayd fasallada u qaybiyey nuqullada imtixaanku ka kooban yahay.

 

Guddoomiyaha xafiiska imtixaanaadka qaranka, Mudane Daa’uud Axmed Faarax oo ugu horrayn goobta ka hadlay, ayaa sheegay inay ka xafiis ahaan xil weyn iska saareen ilaalinta nuqullada rasmiga ah ee imtixaanka, islamarkaana kalsooni buuxda ku qabaan hannaanka uu imitxaanku u qabsoomayo.

 

Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska, Dr. Axmed Aadan Buuxane oo munaasibadda daah-furka Imtixaanaadka ka hadlay, ayaa ka hadlay bilowga Imtixaanka ee saaka, waxana uu sheegay inuu imtixaanku si nabadgelyo ah ku gaadhay dhammaanba goobaha dalka ee uu lagu gelayo.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ka hor daah-furka Imtixaanka Ardayda la dardaarmay, ayaa hoosta ka xariiqay inuu imtixaanku yahay jaranjaro nololeed oo badiba dadku soo maraan, waxana uu si qoto dheer u sharraxay marxaladihii kala duwanaa ee loo soo maray hirgelinta waxbarashada dalka oo ay sannadkan imtixaanka u fadhiisanayaan in ka badan 38-kun oo Arday oo isugu jira dugsiyada sare iyo kuwa Hoose/dhexe.

 

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu Ardayda saaka Imtixaanka u fadhiisatay u rajeeyey guul ay ka gaadhaan Imtixaanka maanta, isaga oo ku adkeeyey inay niyad wanaag iyo filasho wanaagsan ku galaan Imtixaanka, waxana uu yidhi,“Calool-adayg iyo niyaad ku gala imtixaanka, cabsiyina ma jirto oo jaamacado waad helaysaan, dhammaantiinna waad guulaysan doontaan.”

 

Imtixaanka shahaadiga ah ee fasallada Afraad ee dugsiyada sare iyo kuwa Hoose/dhexe waxa guud ahaan sannadkan u fadhiistay 38489 Arday, kuwaas oo kala ah 15542 Arday oo dugsiyada sare ah iyo 22947 Arday oo dugsiyada Hoose/dhexe ah, waxana  lagu gelayaa 129-goobood oo dalka oo dhan ah.

 

Wa-bilaahi Tawfiiq