Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Kormeeray Huteelka Xukuumiga Ah Ee Hargeysa Club Oo  Dhismihiisu Gebogebo Ku Dhaw Yahay.

0
2

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Kormeeray Huteelka Xukuumiga Ah Ee Hargeysa Club Oo  Dhismihiisu Gebogebo Ku Dhaw Yahay.

 

Hargeysa-27-10-2024-(MT-JSL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kormeeray huteelka dawladda ee Hargeysa Club oo noqon doona mid u gaara Qaranka oo xukuumadda uu hoggaamiyaa ku samaysay dib-u-habayn iyo ballaadhin.

 

Madaxweynaha, ayaa mid mid u galay qaybaha kala duwan ee Huteelku ka kooban yahay, waxana uu indhihiisa kusoo arkay horumarka uu sameeyey hindisihiisii ahaa in dawladdu yeelato Huteel casri ah oo la jaanqaadi kara huteellada dhiggiisa ah ee Kale, islamarkaana laga maalgeliyey miisaaniyadda Qaranka.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xil weyn iska saaray sidii dib loogu casriyeyn lahaa huteelka dawladda ee Hargeysa Club, kaas oo haatan laga dhigay mid baaxaddiisu ballaadhan tahay, casri ah, islamarkaana loo dhammaystiray wax kasta oo huteel casri ah looga baahnaa.

Wa-bilaahi Tawfiiq