Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Kulan Ballaadhan Xalay la qaatay Madaxda Dhaqanka ee Gobolka Togdheer.

0
40

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Kulan Ballaadhan Xalay la qaatay Madaxda Dhaqanka ee Gobolka Togdheer.

Burco-14-08-2024-(MT-JSL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa habeenimadii xalay kulan ballaadhan oo saacado qaatay oo lagaga wada hadlay arrimaha gobolka togdheer iyo wada jirka bulshada ku dhaqan ayaa ka qabsoomay qasriga madaxtooyada ee Burco.

 

Kulankan waxa madaxweynaha ku wehelinaayey xubno ka mida golaha wasiirrada, maamulka heer gobol iyo heer degmo, xildhibaano, hoggaanka xisbi Xaakimka Kulmiye, siyaasiyiin, taliyeyaal, aqoonyahan, dhalinyaro, haween iyo waxgaradka gobolka Togdheer kulankaas oo ku soo dhamaaday isfahan iyo xoojinta arrimaha amniga qaranka madaama dalku uu u jahaystay doorashooyin.