Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Kulan Sagootin iyo Casho Sharaf ah, Qasriga Madaxtooyada Ugu Sameeyey Weftigii Ka Socday Baarlamaanka Uk.

0
384

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Kulan Sagootin iyo Casho Sharaf ah, Qasriga Madaxtooyada Ugu Sameeyey Weftigii Ka Socday Baarlamaanka Uk.

 

 

Hargeysa-20-02-2022-(MT-JSL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo uu wehelinaayo madaxweyne ku xigeenka Qaranka Somaliland, ayaa casho Sharaf qasriga madaxtooyadda ugu sameeyey xildhibaanadii uu hoggaaminayey MP. Given Williamson oo maalmihii u dambeeyey ku sugnaa Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Waxaana kulankaa casho sharafta ah madaxweynaha kala soo qaybgalay Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland, Gudoomiyaha Guurtida, Gudoomiyaha Maxkamada Sare, Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Gudoomiyaha Rugta ganacsiga Maayarka caasimada Hargeysa iyo masuuliyiin ka mida ah ganacsatada waaweyn ee Somaliland.

##############