Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Maanta Qaabiley Ergo Isku-xil-qaantay Xal-u-helidda Arrimaha Siyaasadeed Ee Dalka Ka Jira.

0
422

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Maanta Qaabiley Ergo Isku-xil-qaantay Xal-u-helidda Arrimaha Siyaasadeed Ee Dalka Ka Jira.

 

Hargeysa-(MT-JSL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 21-06-2022 Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Ergo is-xil-qaantay oo isugu jira Salaadiin, Cuqaal iyo Culimo Awdiin, maalmihii u danbeeyey ku hawllanaa isu soo jiidka arrimaha siyaasiga ah ee u dhexeeya xukuumadda iyo labada Xisbi Mucaarid.

 

Waxaanu Madaxweynaha Jamhuuriyaddu odayaasha dhaqanka iyo culimada is-xil-qaamay ku soo dhaweeyey gacmo-furan, waxaanu u sheegay inuu u hayo xurmo iyo ixtiraam gaar ah.  Dhinacooda Ergaduna waxay u sheegeen madaxweynaha in ay u socdaan in ay gacan ka gaystaan xal-u-helidda arrimaha siyaasadeed ee dalka ka jira hadda.

 

Ugu dambeyn, shirkaasi waxa uu ku soo dhammaaday jawi wacan, waxaana la isku af-gartay in Golaha Guurtida oo sharci ahaan Qaranka Somaliland u qaabilsan xallinta khilaafku ay leeyihiin hawshan, iyagana ay tahay in laga war-sugo qaabka loo galayo hawsha.

 

Waxaana Madaxweynaha Qaranka shirka ku wehelinayey

 

  1. Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici)
  2. Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Maxamed Kaahin Axmed
  3. Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga Mudane Siciid Sulub Maxamed
  4. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Dr. Ciise Kayd Maxamuud
  5. La-taliyaha Madaxweynaha Qaranka, Mudane Cali Maxamed Waran-cadde
  6. Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Xisbiga KULMIYE Mudane Axmed Cabdi Dheere

 

Dhinaca Xubnaha Guddida is-xilqaantayna waxay kala ahaayeen:-

 

 

  1. Suldaan Xasan Xaddi Baade
  2. Suldaan Maxamed Cabdi Xasan
  3. Suldaan Salmaan Axmed Maxamed
  4. Suldaan Maxamed Muuse Nuur
  5. Suldaan Cawil Faarax Shire
  6. Sheekh Cabdiraxmaan Aw Axmed Aw Cabdi
  7. Caaqil Cabdiraxmaan Maxamuud
  8. Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil
  9. Suldaan Maxamuud Xaaji Xuseen
  10. Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal
  11. Caaqil Xasan Muuse Cabbaas
  12. Suldaan Axmed Xasan Jaamac
  13. Sheekh Ismaaciil Cabdi Hurre
  14. Suldaan Maxamuud Guuleed Mirre
  15. Suldaan Cismaan Baane
  16. Suldaan Axmed Daahir Muuse
  17. Suldaan Sheekh Yuusuf Cabdi Cawad
  18. Suldaan Ismaaciil sheekh Cumar Xasan
  19. Suldaan Axmed Aw Cali
  20. Suldaan Cali Jaamac Galaal
  21. Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale
  22. Suldaan Cabdillaahi Maxamuud
  23. Jiif Caaqil Cabdiraxmaan Axmed Ciise
  24. Suldaan Abshir Maxamed Ducaale

 

ALLAA MAHAD LEH

Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL