WAREEGTO MADAXWEYNE
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 11/01/2025 uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-027/012025 uu ku magacaabay Badhasaabada Gobolada Dalka iyo ku-xigeenadooda.
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan;-
Wareegto Madaxweyene
Markii aan arkay: Qoddobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markii aan arkay: Aqoontooda, kartidooda, iyo waayo-aragnimadooda;
Markii aan tixgeliyey: Ahmiyadda ay Badha-saabyadu ay u leeyihiin u adeegidda dadweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo dhismaha Qaranka;
Markii aan ku qancay: In ay hanan karaan mas’uuliyadaha ka dhalanaya xilalkan hoos ku xusan;
Markii aan sameeyey: La-tashi;
Waxa aan go’aamiyey;
In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo mas’uuliyiinta hoos ku xusan:
| Tr | Magaca | Xilka |
| 1 | Proff Axmed Maxamed Cadaad | Badhasaabka Gobolka Maroodijeex |
| 2 | Wali Cabdi Jaamac Kheyrre
|
Badhasaab Ku-xigeenka Gobolka Maroodijeex |
| 3 | Muxummad Xasan Jaamac (Xoday) | Badhasaabka Gobolka Awdal |
| 4 | Daahir Axmed Jaamac Buraale | Badhasaab Ku-xigeenka Gobolka Awdal |
| 5 | Maxamed Daahir Cabdalla Gaafane | Badhasaabka Gobolka Saaxil |
| 6 | Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) | Badhasaabka Gobolka Togdheer |
|
7 |
Siciid Axmed Maxamed Raage | Badhasaab Ku-xigeenka Gobolka Togdheer |
| 8 | Axmed Faarax Cismaan Cabdi | Badhasaabka Gobolka Sool |
| 9 | Naaleeye Axmed Jaamac Liibaan | Badhasaab Ku-xigeenka Gobolka Sool |
| 10 | Saalax Yuusuf Diiriye Guuleed | Badhasaab Ku-xigeenka Gobolka Sanaag |
| 11 | Maxamed Cabdillaahi Jaamac (Bookh) | Badhasaabka Gobolka Gebilay |
| 12 | Cabdirisaaq Axmed Muxummad (Huuno) | Badhasaab Ku-xigeenka Gobolka Gebilay |
| 13 | Proff Axmed Cabdillaahi Maxamed (Dhegayare) | Badhasaabka Gobolka Saraar |
| 14 | Maxamuud Warsame Geeddi (Hilbayare) | Badhasaab Ku-xigeenka Gobolka Saraar |
| 15 | Cabdi Siciid Faahiye Allaale | Badhasaabka Gobolka Salal |
| 16 | Cismaan Cumar Nuur Aare | Badhasaab Kuxigeenka Gobolka Salal |
| 17 | Cabdisalaan Maxamed Xasan Maxamed | Badhasaabka Gobolka Badhan |
| 18 | Cali Maxamed Axmed Cadami | Badhasaab Kuxigeenka Gobolka Badhan |
| 19 | Maxamuud Xasan Saleebaan (Doob) | Badhasaabka Gobolka Hawd |
| 20 | Ayaanle Maxamuud Raage Qaalib | Badhasaab Ku-xigeenka Gobolka Hawd |
| 21 | Fu’aad Cabdi Diiriye Maxamed | Badhasaabka Gobolka Xaysimo |
| 22 | Maxamed Dayib Yuusuf Aadan | Badhasaab Ku-xigeenka Gobolka Daadmadheedh |
| 23 | Mustafe Ibraahim Axmed Faarax | Badhasaabka Gobolka Buuhoodle |
ALLAA MAHAD LEH
________________
Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro)
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland




