Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo soo dhaweyn Ballaadhan loogu sameeyey demgada Sheekh iyo deegaannada dhinaca Bari kaga teedsan

0
29

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo soo dhaweyn Ballaadhan loogu sameeyey demgada Sheekh iyo deegaannada dhinaca Bari kaga teedsan

 

Sheekh:12/08/2024(MT-JSL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku maraya qaar kamid ah gobollada Bari ee dalka, ayaa maanta si ballaadhan loogu soo dhaweeyey degmada Sheekh iyo deegaannada dhinaca Galbeed kaga teedsan.

Bulshada ku dhaqan magaalada Sheekh oo ay hoggaaminayaa madaxda xukuumadda degmada u qaabilsan, madaxda dhaqanka iyo haldoorka deegaanka, islamarkaana lulaya calanka qaranka iyo caleemo qoyan, ayaa ayaa madaxweynaha iyo weftigiisa kaga hor tegay duleedka Galbeed ee magaalada, waxana madaxweynuhu uu socod lug ah kusoo maray shaaraca badhtamaha magaalada dhex mara.

Goob fagaare ah oo loo asteeyey in xubnaha weftigu ay bulshada kala hadlaan, ayaa laga jeediyey hadallo la xidhiidha sida bulshada reer Sheekh u taageersan yihiin madaxweynaha iyo xukuumaddiisa.

 

Guddoonka gobolka Saaxil, madaxda dhaqanka, haldoor iyo siyaasiyiin kasoo jeeda degmada Sheekh oo halkaas ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey madaxweynaha iyo weftiga uu hoggaaminayo, waxana ay ku dheeraadeen taageerada luxdan ee ay shacabka degmada Sheekh u  hayaan madaxweynaha iyo xukuumadda u hoggaamiyo.

Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire oo halkaas ka hadlay, ayaa bulshada reer Sheekh ku ammaanay sida milgaha leh ee ay usoo dhaweeyeen madaxweynaha iyo weftigiisa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo khudbad dhinacyo kala duwan leh halkaas ka jeediyey, ayaa bulshada reer Sheekh uga mahad celiyey soo dhaweynta diirran ee ay ku qaabileen, waxana uu kula dardaarmay in go’aankooda maalmaha codaynta ay ku saleeyaan cid qaranka difaaci karta, islamarkaana u meel dayaan codka ay bixinayaan.

Ugu dambayntii, madaxweynaha qaranku waxa uu xadhigga ka jaray waddo 2-KM ah oo laga hirgeliyey gudaha magaalada Sheekh, taas oo wax weyn ka tari doonta baahidii dhinaca waddada ee halkaas ka jirtay.