Wareegto Madaxweyne
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 14/01/2025 uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-029 /012025 uu ku magacaabay masuuliyiin cusub.
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
Wareegto Madaxweyne
Magacaabid
Markii aan arkay: Qoddobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markii aan arkay: Aqoontooda, kartidooda, iyo waayo-aragnimadooda;
Markii aan tixgeliyey: Ahmiyadda ay Agaasimayaasha Guud ay u leeyihiin u adeegidda dadweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo dhismaha Qaranka;
Markii aan ku qancay: In ay hanan karaan mas’uuliyadaha ka dhalanaya xilalkan hoos ku xusan;
Markii aan sameeyey: La-tashi;
Waxa aan go’aamiyey;
In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo mas’uuliyiinta hoos ku xusan:
| Tr | Magaca | Xilka | 
| 1 | Eng Axmed Muxummad Cabdi Cige 
 | Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka ee Jamhuuriyadda Somaliland | 
| 2 
 | Axmed Carab Muuse Bulaale 
 | Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda ee Jamhuuriyadda Somaliland | 
| 3 
 | Cabdi Cali Maxamed (Mahdi) 
 | Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Jamhuuriyadda Somaliland | 
| 4 | Cabdifataax Ismaaciil Ducaale Jaamac | Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumainta Maalgashiga iyo Wershadaha ee Jamhuuriyadda Somaliland | 
| 5 | Khadar Nuur Cabdi Buubaal 
 | Agaasimaha Guud Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka ee Jamhuuriyadda Somaliland | 
| 6 | Cabdillaahi Maxamed Maxamuud (Jiidhe) | Agaasimaha Guud Wasaaradda Ciyaaraha iyo Dhalinyarada ee Jamhuuriyadda Somaliland | 
| 7 | Maxamed Cabdi Xaashi Cabsiiye 
 | Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caddaaladda ee Jamhuuriyadda Somaliland | 
| 8 | Cabdirashiid Cabdi Jaamac Buux 
 | Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista, Hawada iyo Horumarinta Madaaradda ee Jamhuuriyadda Somaliland | 
| 9 
 | Shucayb Cismaan Maxamuud Maxamed. | Agaasimaha Guude Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta ee Jamhuuriyadda Somaliland | 
| 10 | Maxamuud Cabdirisaaq Cabdi Maxamed. | Agaasimahaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Difaaca ee Jamhuuriyadda Somaliland | 
ALLAA MAHAD LEH
________________
Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro)
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

