Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Xadhiga ka Jaray Ceelasha Biyaha Macaan ee Gabiley Kormeerna ku tegay Xarunta Xisbiga Kulmiye

0
62

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Xadhiga ka Jaray Ceelasha Biyaha Macaan ee Gabiley Kormeerna ku tegay Xarunta Xisbiga Kulmiye

 

 

Gabiley-05-09-2024-(MT-JSL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo wali ku gudda jira safarkiisii shaqo ee uu ku marayey Gobolada Dalka gaar  ahaan kuwa galbeed ayaa xadhiga ka jaray xarunta kaydka biyaha  Macaan ee ugu wayn Magaalada Gabiley.

 

Ugu horayn wax halkaa ka hadlay cuqaal, Maayirka magaalada gabiley, Wasiirrada wasaaradaha Diinta iyo awqaafta Biyaha, Agaasimaha Guud ee biyaha  iyo badhaabka gobolka gabiley waxaanay dhammaantood ka warameen muhiimada biyuhu u leeyihiin aadamaha iyo wax weyna ka taridoonaan guud ahaan gobolka Gabiley. Madaxweynaha Qaranka Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa tilmaamay sida xukuumadiisu diyaarka ugu tahay u adeegida bulshada,

 

 

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa booqday oo kormeeray xarunta xisbiga kulmiye ku leeyahay magaalada gabiley waxaanu halkaa kulamo kula qaatay masuuliyinta Xisbiga iyadoo halkaa lagu lafo-guray dardadrgailnta hawlaha xisbiga kulmiye.