Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Xadhigga ka Jaray Dekedda Cusub ee Shidaalka iyo Gaasta ee Berbera

0
104

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Xadhigga ka Jaray Dekedda Cusub ee Shidaalka iyo Gaasta ee Berbera.

 

Berbera-15-08-2023-(MT-JSL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xadhigga ka jaray dekedda cusub ee shidaalka iyo Gaasta Berbera oo ay ku rakiban yihiin dhuumo casri ah oo ku shubaya haamaha keydka Qaranka.

 

Madaxweynaha Qaranka oo isaga iyo wefti uu hoggaaminayaa safar shaqo ku joogaan Berbera, ayaa xadhigga ka jaray mashruucan dekedda ah oo munaasibad kooban loo qabtay, waxana halkaas hadallo ka jeediyey masuuliyiinta mashruucan dekedda ah gacanta ku haya.

 

Mustafe Cali Jaamac oo ku hadlay magaca shirkadda mashruucan hirgelisay, ayaa madaxweynaha qaranka uga mahadnaqay dedaalkii uu geliyey inuu qaranku yeesho deked caalami ah ee shidaalka iyo Gaasta laga soo dejiyo.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda ka hadlay, ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay dekeddan dhammayska tirani u leedahay qaranka, sida aqoonta loogu dabbaqay, kaalin mug lehna ka qaadanaysa, maraakiibta gaasta iyo shidaalka siddaana si fudud ugu shubi lahaayeen haamaha keydka ee Berbera, waxana uu yidhi, “Mashruucan waxa lagu keenay aqoon, badda iyo hawlaheeda, shidaalka iyo hawlihiisa haddii ay amnigiisa tahay iyo haddii ay tayadiisa tahayba, waxa in badan la raadinayey aqoontii, waxa se nasiib-wanaag ah in dad reer Somaliland ah oo aqoontaa lehi ay dedijiyeen inuu mashruucani inoo hirgalo.”

 

Dekeddan maanta xadhigga laga jaray, ayuu madaxweynuhu ku sifeeyey mid qaranku leeyahay oo ay manaafacaadsanayso cid kasta oo rabta inay shidaal iyo Gaas kasoo dejiso dekedda qaranka ee Berbera,“Waa deked shidaal oo qaranku leeyahay oo shirkad kastaaba isticmaalayso oo loo siman yahay, dawladduna maamulayso, si dadka dhex loogu ahaado, waxana aanu ka ilaalinay inaanu dalku yeelan inaanu dekedo badan yeesho,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi

 

madaxweynuhu waxa uu soo kormeeray goobaha lagu rakibay dhuumaha shidaalka iyo gaastu soo dhex marayso ee gudaha badda, isaga oo afaafka dekedda baddeecaduhu kasoo degaan ee Berbera-na salaam Sharaf kaga qaatay cutubyo katirsan ciidamada ilaalada xeebaha Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Ugu dambayntii, madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu kulan gaar ah la qaatay maamulka gobolka Saaxil iyo kuwa degmada Berbera, kuwaas oo madaxweynaha uga warramay xaaladda amni iyo midda horumarineed ee gobolka.

Wa-bilaahi Tawfiiq