Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo xadhigga ka jaray Hoyga Taariikhda  qaranka oo xukuumaddu Hindistay

0
107

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo xadhigga ka jaray Hoyga Taariikhda  qaranka oo xukuumaddu Hindistay

Hargeysa:29/06/2024()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xadhigga ka jaray dhismaha cusub ee loo bineeyey Hoyga Taariikhda  qaranka oo riyadiisa iyo fikirkiisaba  uu iska lahaa madaxweynaha qaranku.

 

Munaasibad kooban oo loo qabtay xadhig-ka-jarista hoyga taariikhda oo ay madaxweynaha kala qaybgaleen abwaanno, madax-dhaqameed, siyaasiyiin iyo xubno xukuumadda karirsani, ayaa laga jeediyey hadallo salka ku haya muhiimadda uu hoygani u leeyahay qaranka iyo sida uu u weelayn doono taariikhda dalka.

 

Agaasimaha guud ee madaxtooyada, Mudane Maxamed Cali Bile oo  munaasibadda ka hadlay, ayaa si qoto dheer u sharraxay marxaladihii uu hoyga taariikhda qaranku soo maray iyo sida ay uga midho dhaliyeen riyadii madaxweynaha ee ahayd inuu qaranku yeesho goob bilic leh oo qaranku leeyahay, laguna ururiyo taariikhdii ummaddani lahayd.

 

Abwaan Muuse Cali-Faruur oo kamid ah hal abuurrada waaweyn ee qarankani leeyahay oo munaasibadda ka hadlay, ayaa madaxweynaha qaranka ugaga mahadnaqay sida uu ugu dhiirrada inuu qaranku yeesho hoy lagu ururiyo taariikhdii bulshadu lahayd.

 

Qoraa Cabbdiraxmaan Yuusuf Cartan oo kamid ah qorayaasha waaweyn ee dalka, ayaa dhankiisa soo dhaweeyey dhismaha hoyga taariikhda qaranka, waxana uu sheegay inuu kamid noqon doono waxyaabaha aan tirmayn ee lagu xasuusan doono madaxweynaha qaranka.

 

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali-waraabe, ergeyga madaxweynaha u qaabilsan wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, Marwo Edna Aadan Ismaaciil oo halkaas ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey in qaranku yeesho madal bilicsan oo lagu ururiyo taariikhda filiqsan ee ummaddani leedahay, waxana ay ku sifeeyey tallaabo wanaagsan oo bulshada oo dhan afnacaysa.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo goobta ka hadlay, ayaa si qoto dheer u sharraxay taariikhda baaxadda leh ee ay leedahay goobta laga bineeyey Hoyga Taariikhda qaranka iyo sida ay u tahay buqcad bulshada muhiimad gaar ah u leh.

 

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu sheegay in dhammaystirka Hoyga taariikhda Somaliland tahay guul weyn oo Somaliland usoo hoyatay, in badanna bulshadu tebaysay, balse haatan himilo iyo dedaal dheer kaddib hirgashay, waxana uu yidhi,“Ummadda Somaliland waxa guul u ah inaynu ku guulaysannay inuu inoo hirgalo hoygii taariikhda Somaliland oo aynu in badan u baahnayn oo dalkeenu tebayey oo ah Meesha lagu ururin doono taariikhdeennii oo in badan badan dayacnayd, dhismaha Hoyganna qaranka oo dhan baa ka wada qaybgalay oo aad iyo aad baan ugu mahadnaqayaa qaranka Somaliland oo dhan.”

 

Hoygan Taariikhda Somaliland, ayaa ka kooban laba dhisme oo midkiiba yahay lixd dabaq, waxana uu noqon doonaa goob lagu xafido taariikhda uu dalkani leeyahay oo meelo kala duwan ku filiqsan, waana dhisme casri ah oo leh rug ay Buugaag akhris loogu talo galay yaalliin.

Wa-Bilaahi Tawfiiq