Hargeysa(MT-JSL)WAR-SAXAAFADEED: 07/10/2018-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-207/102018, ku dhaqan-geliyey laba xeer oo kala ah, Xeerka Kalluumaysiga Xeer Lr. 84/2018 iyo Xeerka Qandaraasyada Qaranka Xeer Lr. 82/2018.
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
Wareegto Madaxweyne
Dhaqan-galka Xeerka Qandaraasyada Qaranka Xeer Lr. 82/2018 Iyo Dhaqan-galka Xeerka Kalluumaysiga Jamhuuriyadda Somaliland, Xeer Lr. 84/2018.
Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;
Markaan Arkay: Go’aanka Golaha Wakiillada, Go’aan Lr. GW/KF-37/808/2018, ee ku taariikhaysan 18/09/2018, ujeeddadiisuna tahay soo gudbin go’aanka ansixinta Xeerka Qandaraasyada Qaranka iyo Go’aanka Golaha Wakiillada, Go’aan Lr. GW/KF-37/809/2018, ee ku taariikhaysan 18/09/2018, ujeeddadiisuna tahay soo gudbin go’aanka ansixinta Xeerka Kalluumaysiga;
Markaan Arkay: Qodobada 75aad iyo 76aad, ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Waxaan soo-saaray;
Wareegtadan oo lagu baahinayo Dhaqan-galka Xeerka Qandaraasyada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Xeer Lr. 82/2018. Iyo Dhaqan-galka Xeerka Kalluumaysiga Jamhuuriyadda Somaliland, Xeer Lr. 84/2018.
ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha JSL