Madaxweynaha Oo Qaabiley Safiirka Cusub Ee Itoobiya U Soo Magacaabay Jamhuuriyadda Somaliland

0
622

Madaxweynaha Oo Qaabiley Safiirka Cusub Ee Itoobiya U Soo Magacaabay Jamhuuriyadda Somaliland

WAR-SAXAAFADEED: 22/08/2020

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley safiirka cusub ee dawladda Federal-ka Itoobiya dhawaan u soo magacowday Jamhuuriyadda Somaliland, Amb Siciid Maxamed Jibriil.

 

Kulankan Madaxweynuhu ku qaabiley Safiirka, ayaa ujeedkiisu ahaa soo dhawayn, madaama safiirku xafiiska safaaradda ku cusub yahay oo dhawaan dawladda federal-ka Itoobiya u soo magacawday Dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Kulankan, ayaa sidoo kale lagu lafo-guray wada-shaqaynta iyo xidhiidhka qotoda dheer ee ka dhexeeya dalalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Federaal-ka Itoobiya ee ku tiirsan iskaashiga horumarka, ganacsiga, isu-socodka iyo arrimaha nabadgelyada mandaqadda geeska Afrika.

 

Waxaana Kulankaa Madaxweynaha ku wehelinayey Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha dibeda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, dhinaca safiirkana waxa ku wehelinaayey safiir ku xigeenka safaaradda Itoobiya iyo masuuliyiin kale.

 

ALLAA MAHAD LEH

 

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.