Madaxweynaha Somaliland oo tacsi u diray laba marxuum oo ku geeriyooday Hargeysa maanta iyo Shalay

0
826

Madaxweynaha Somaliland oo tacsi u diray laba marxuum oo ku geeriyooday Hargeysa maanta iyo Shalay

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

TACSI MADAXWEYNE: 03/09/2021-(MT-JSL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waayeelka, waxgaradka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Amb. Cumar Xaaji Maxamuud oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 03/09/2021, caasimada Somaliland ee Hargeysa.

 

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey siyaasi waayo arag ah ka baxay dalka iyo dadka, door muhiimana ka soo qaatay, nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka, isagoo laba dal ka soo qabtay xilka safiirnimo ee Jamhuuriyadda Somaliland oo uu u fadhiyey  sannadihii 1997 ilaa 2000 dalka Jabuuti iyo 2002 ilaa 2004 oo uu ahaa Safiirka dalka Itoobiya u fadhiyey Somaliland.

 

 

Sidoo kale  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, bahda waxbarashada, waayeelka, waxgaradka, aqoonyahanka, gaar ahaan qoyska reer Ciise Cawaale, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Proff. Cismaan Ciise Cawaale oo shalay oo ay taariikhdu tahay 02/09/2021, lagu aasay caasimada Somaliland ee Hargeysa.

 

 

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey aqoonyahan ka baxay dalka iyo dadka kaalin muhiimana ku lahaa dib u dhiskii dalka, gaar ahaan dhinaca waxbarashada oo uu ku dhex jiray muddo 60 sanno ah mihnada macalinimo, isagoo muddo soo ahaa hormuudka kulliyadda waxbarashada Jaamacadda Hargeysa.

 

 

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumiintaa ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeena samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

ALLAA MAHAD LEH

 Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL.